HomeHoggaamiye Carbeed oo Daboolka ka Qaaday Cidda ka dambaysa Kooxaha Daacish iyo...

Hoggaamiye Carbeed oo Daboolka ka Qaaday Cidda ka dambaysa Kooxaha Daacish iyo Boko Haram

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

bashiirKHARDOUM (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonka ee Waddamada Maraykanak iyo Israa’iil ka dambeeyaan isla markaana taageeraan hawl-gallada ay fuliyaan kooxaha Xag-jirka ah ee Bokor Haram iyo Daacish.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu sheegay waxa uu ku dooday inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya CIA iyo Mossad oo ay wadaagaan labada urur-diimeed ee Boko Haram iyo Daacish oo ka hawl-gala dalalka Nigeria, Ciraaq iyo Suuriya.

Cumar Al-bashiir oo u warramay telefishanka Euronews Axaddii todobaadkan kaddib markii degellada Internetka lagu baahiyey muuqaallo muujinaya 21 qof oo Kiristanka waddanka Masar ah oo Malleeshiyaad xidhiidh la leh Kooxda Daacish ku gawraceen xeebaha waddanak Liibiya, taas oo sababtay in waddanka Masar kaga jawaabo duqeymo xagga cirka ah oo ay kaga aar-goosanayaan dilka foosha xun ee loo geystay muwaadiniintooda.

“CIA iyo Mossad ayaa ka dambeeya oo taageero u fidiya ururradan, ma jiro qof Muslim ah oo samaynaya ficilladan oo kale,” sidaas waxa uu madaxweyne Bashiir u sheegay telefishanka EuroNews.

In kasta oo uu dhaliilay hab-dhaqanka kooxahan, haddana waxa uu madaxweyne Bashiir ka digay in dagaal fool-ka-fool ah oo dunidu isu bahaysato lala galo kooxdan, isaga oo ku dooday in tallaabadaasi sii xoojinayso hawl-gallada kooxaha xag-jirka ahi sameeyaan. Waxa uu madaxweynaha Sudan sheegay in siyaasad furfuran iyo wada-hadallo lagu furdaamin karo ama fekerka kooxahaas lagaga badbaadin karo dhalinyarada.

Hadalka Mr Bashiir ayaa ku soo beegmay iyada oo todobaadkii hore hadal ka mid ahi ka soo yeedhay hoggaamiyaha Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrullah oo sheegay in Sirdoonka Maraykanka iyo Yuhuuddu ka dambeeyaan Kooxaha Xag-jirka ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories