HomeHoggaamiyahee U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland?

Hoggaamiyahee U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hordhac iyo Afeef:

Qormooyinkani waa dar gooni ii ah, hal-gunaanadka ay ku gororayaanna kuma metelo cid aan naftayda ahayn. Ma aha kuwo ka arradan tiirarka iyo tilmaamaha la cuskado marka la faallaynayo abbaar aan la isku raacsanayn. Waa kuwo aan ku abtirsan qof jeclaysi iyo lab-la-kac. Ma aha taariikh macmal ah oo hadda la unkayo. Waa kuwo kaalintiisa siinaya qof mudnaan leh, oo ay hagradeen madaxda Somaliland.

Maan ragna waa mudacyo afkood, oo xitaa aayadaha Quraanka ayay dadka qaarba si u macneeyaan. Waa gurxan iyo gorfayn hoose oo aanu wadaagnay qaar ka mid ah saaxiibadayda gaarka ah ee aan xilkasnimada iyo aqoonta u qirsanahay, oo aan maantana doonayo in aan fagaare kula gorfeeyo bulshada ay warbaahintu farriintan gaadhsiiso. Waa su’aal mug iyo miisaan leh oo in aan si weyn isu weydiiyo ay saamayn ku leeyihiin taxanaha dheer ee waxbarasho oo aan waday 80% inta aan noolaa, weligayna aan wadayo oo aan arday u ahaanayo oo ay dheertahay waayo-aragnimo aan ka helay nolosha iyo waddamo qurbe ah oo ku noolaa muddo gaadhaysa 10 sanno, kuna kala yaalla Afrika iyo Aasiya, sababta aan doonaba aan u tagee.

Abbaartan waxa aan aad u jeclaa in aan la faaqido madaxweynayaasha Somaliland waayo iyaga ayaa middida daabkeeda haya, oo go’aan dawli ah ka soo saari kara arrinkan. Intii aan hanaqaadka dhabta ah noqday ama 20 jirka gaadhay  waxa talada hayay Daahir Rayaale Kaahin, waxa aan isku dayay in aan arrinkan kala hadlo aniga oo u sii maraya rag ay is-yaqaanneen oo isugu jiray wasiirro iyo salaaddiin, laakiin iyaga oo danaysteyaal u badnaa way hagradeen in hawshani hirgasho, allaylehe waxa u dhawaa wasiir aqoonyahan ahaa, waxgarad ahaa, waxqabadkana jeclaa oo ii ballan qaaday in uu xoghayaha madaxweynaha ii ballamiyo, laakiin iyaduna aniga ayay ii cuntami weyday.

Dhawr jeer oo aan isku dayay in aan la kulmo madaxweyne Siilaanyana waxa iga hor yimi caqabad la mid ah tii Daahir Rayaale. Wax cid ah carrabaabi maayo Ilaahay ceebta muslimiinta ha asturee. Ta keenaysa in xayndaabka qasriga la igaga xeernaadaana waa aniga oo aan siyaasi ahayn, saddexda xisbi midna abidkay xubin kama noqon. Iyada oo ay taasi jirto quus kama taagni in farriintaydu gaadhi doonto cidda diiraddaydu hayso Haddii Guulluhu Oggolaado. Waxa aan filayaa in ay ummaddu arrinkan caqli kaga baaraandegi doonto, cidda caadifadi ay ku wayn tahayna lama yaabi doono, oo wax badan oo lagu dhakafaaro ayaan u soo joogay. Cidda rabta in ay faallo iyo falanqayn ka bixiso dhambaalladan waan soo dhawaynayaa, waxa aanse codsanayaa in ay faaqidaaddooda ka dhigaan marka aan ka faraxasho sababaynta iyo caddayna yoolka aan qalinka u qaatay.

Haddii aan intaas afeef ka dhigto weydiinta aan ka falcelin doonaa waa Hoggaamiyahee U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland?. Dabcan haddii hoggaamiye la yidhaahdo waxa hoos imanaya Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne oo qudha, waxaana ay tani is-barbardhig ku samayn doontaa, kala reebi doontaa afar hoggaamiye oo Somaliland taladeeda qabtay, kuwaas oo kala ah:

1.      C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur”

2.      Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

3.      Daahir Rayaale Kaahin iyo

4.      Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Waxa afartaas shan ku noqon doonta aragti ay dadka qaar soo-jeediyeen oo sheegaysa in AABBAHA SOMALILAND loo aqoonsado Hoggaamiyaha timaaddada keena ictiraafka weli innaga maqan. Fekraddan si gaar ah oo sababaysan ayaan u naqdin doonaa Haddii Guulluhu Ogollaado.

Fadlan La Soco!

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”

Hargeysa, Somaliland

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories