HomeHoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Daalibaan oo markii u horeysay Fagaare lagu arkay...

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Daalibaan oo markii u horeysay Fagaare lagu arkay iyo Hadallo uu jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Afghanistan Mullah Hebatullah Akhundzada ayaa maanta dadweyne kula hadlay magaalada dhacda koonfurta Afghanistan ee Kandahar, waa markii ugu horreysay uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii uu xilkan qabtay sanadkii 2016-kii.

Sabtidii lasoo dhaafay, Hebatullah Akhundzada wuxuu booqday dugsiga Qur’aanka ee Daarul Culuum Al Xikmah halkaas uu kula hadlay ardey, wuxuu ku tilmaamay “Ciidamo iyo ardey geesiyeaal ah” sida laga soo xigtay cod laga soo duubay oo lagu baahiyay boggaga baraha bulshada ee Daalibaan.

blankAkhundzada wuxuu u duceeyay dadka reer Afghanistaan ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhanka ahaa waxaa uu ku tilmaamay “gaalada iyo kuwii dulmiga waday”.

Cod 10 daqiiqo ah oo laga soo duubay hoggaamiyaha Daallibaan ayuu wuxuu ugu duceeyay shuhadada iyo dadkii ku dhaawacmay dagaalka Afghanistan, wuxuu ku tilmaamay guusha usoo hoyatay saraakiisha Daalibaan “Imtixaamkii ugu weynaa” ee dib logu dhisayo Imaaraatka Islaamiga ee Afghanistan.

“Aan duceysanno maadama aan guushan gaarnay, waxaan soo marnay imtixaam adag, Ilaahey ayaan weydisaneynaa in uu na siiyo awood xooggan” ayuu yidhi hoggaamiyaha ururka Daalibaan oo labo bilood ka hor la wareegay awoodda.

Mullah Hebatullah Akhundzada wuxuu booqday iskuul ku yaalla magaalada Kandahar isaga oo ay wehliyaan kolonyo baabuur ah, waxaana si weyn loo adkeeyay amnigiisa, xilliggaas dadka looma ogoleyn in wax sawir ah ay ka qaadaan hoggaamiyaha Daalibaan.

Muddo dheer ayuu ninkaasi qarsoonaa oo aanan xog badan laga heli jirin arrintaas oo horseedday dood ku aaddan dowrka uu ka qaadan doono dowladda cusub ee Daalibaan ay u dhisi doonaan waddanka Afgaanistaan iyo weliba xitaa warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ninkaasi uu geeriyooday.

Haybatullaahi Akhundzada ayaa noqday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Daalibaan shan sanadood ka hore markii ninka uu xilka kala wareegay ay duqeyn dhanka cirka ah ku dileen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Hebatullah Akhundzada, weligii laguma arag goob fagaare ah tan iyo markii loo dhiibay hoggaanka Daalibaan, wax war ah lagama heynin halka uu ku noolaa, inkasta oo ay jireen warar sheegayay in fadhigiisu ahaa magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan.

Akhundzada, aabihii wuxuu ahaan jiray sheekh, wuxuu kasoo jeedaa Kandahar oo ah qalbiga dhulka qowmiyadda Pahtu, waana halka uu kasoo faracmay ururka Daalibaan.

 

Waa kuma Hebatullah Akhundzada?

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Daalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Daalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afgaanistaan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi, taas oo xukunka la wareegtay bishii Abriil 1978-kii, sida lagu sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu ururku shaaciyay. Ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afgaanistaan oo waxa uu galay Pakistan-ta dariska ah halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Balochistan.

Waxaa la sheegay in dabayaaqadii 80-yadii uu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhanka ahaa ciidammada Ruushka, iyadoo “mujaahidiinta” uu inta uu dagaalka Soofiyeetka ee Afgaanistaan socday waxbari-jiray, sida ay Taalibaan sheegtay.

1996-dii, hogaamiyihii hore ee Daalibaan, Mullah Maxamed Cumar, ayaa waxa uu u magacaabay inuu hogaamiyo maxkamadda milateriga ee Kabul, si uu u fuliyo shareecada Islaamka halkaas oo uu ka ciyaaray dowr muhiim ah, sida ay Taalibaanku sheegeen.

Markii uu Mareykanka xoogga ku galay waddanka Afgaanistaan dabayaaqadii sanadkii 2001, Akhundzada waxa uu ka qeybgalay dagaalka isagoo weliba hogaamiye ah, mararka qaarka ciidammada isku dubaridi jiray si ay Mareykanka ula dagaalamaan iyo ciidammada kale ee isbahaysiga, sida ay Daalibaanku sheegeen.

30-kii July 2005-tii, Akhundzada waxaa loo magacaabay kuxigeenka hogaamiyaha cusub ee ururkaasi Mullah Akhtar Maxamed Mansuur, kaddib markii la xaqiijiyay inuu dhintay aasaasihii iyo hogaamiyihii ururkaasi Mullah Maxamed Cumar.

22-kii bishii May 2015 waxaa hogaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Maxamed Mansuur lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Ameerikaan ah, iyadoo weerrarku uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee koonfur galbeed waddanka Pakistan halkaas oo ku taal xadka Afgaanistaan.

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories