HomeHoggaamiyaha Mucaaradka Libya oo Caasimadda ka dagay iyo Dal Afrikaan ah oo...

Hoggaamiyaha Mucaaradka Libya oo Caasimadda ka dagay iyo Dal Afrikaan ah oo Qaddafi Qaabilaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost):-Guddoomiyaha Golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil ayaa shalay gaadhay xarunta dalka Libya ee Tripoli, halkaas oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyay. Tagista Madaxa ugu sareeya golaha ku-meel gaadhka Qaranka Libya ee magaalada caasimadda u ah dalkaas oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago Tripoli tan iyo markii ciidamaddii mucaaridka ee dalkaasi ay magaaladaas ka xoreeyeen Qadaafi iyo ciidamadiisi ayaa ku soo beegmaya xili aad u xasaasi ah oo dunidda iyo dadka reer Libya naawilayaan ku dhawaaqista dawlad ku meel gaadh ah oo si buuxda uga hawl gasha caasimadda dalka.

Markii Mustafe Cabdi Jaliil uu gaadhay magaalada caasimadda u ah dalka Libya oo telefishanada dunida ugu waaweyni si toos ah u baahinayeen, ayaa laga dheehan karayay soo dhawayntii ugu diiranayd ee abid lagu qaabilo qof masuul ka ah dalkaas, waxaanay tani markhaati buuxa u noqonaysaa sida magaalada Tripoli uga faro muruxsatay Qadaafi iyo taageerayaashiisa, uguna gacan gashay kooxihii mucaaridka ku ahaa ee uu ku tilmaami jiray jiir tuug ah.

Mustafe Cabdi Jaliil wuxuu hogaaminayay kooxihii sida wayn uga soo hor jeeday hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al Qadaafi oo dagaal lix bilood socday lagaga itaal roonaaday, waxa xarun u ahayd tan iyo intii uu iska casilay wasiirka caddaaladda ee uu ku biiray isla markaana hogaamiyaha u noqday kooxaha mucaaridka ah, Magalaada dhinaca bari ku taala ee dalka Libya ee Bangaazi halkaas oo xarunta mucaaridka ahayd lixdii bilood ee dagaalku socday.

23-kii bishii August 2011-ka ayaa ciidamadii mucaaridka ee NATO taageeraysay ay si fudud u jabiyeen difaacii magaalada Tripoli waxaana tan iyo intii xiligaa ka danbaysay socday diyaar garow wayn oo loogu jiro dawlad ku meel gaadh ah oo dalka Libya hogaamisa, isla markaana gaadhsiisa dimuqraadiyad iyo fur furaan xoriyada dadka ah si looga raysto xukunkii kali talisnimada ahaa ee Qadaafi oo 42-sanadood socday.

Wararka kale ee laga helay dalka Gini Bisow ayaa sheegaya in xukuumadda dalkaasi magan galyo siin doonto colonel Qadaafi haddii uu dalkeeda u soo baxsado, waxa kale oo socda dagaalo u dhexeeya kooxaha u daacada ah Qadaafi iyo kuwa dalka la wareegay oo gaashaanbuurta NATO ku taageerayso diyaaradaha dagaalka oo duqeeyay degaanka Ben Waliid.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories