HomeHoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo Markii u horeysay muddo Toddobaadyo ah Goob Fagaare...

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo Markii u horeysay muddo Toddobaadyo ah Goob Fagaare ah lagu Arkay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta Dowladda ee dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa war ayaa shaacisay in hoggaamiyahoodu ka Qayb-galay munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhismaha Wershad loogu talo-galay Samaynta Waxyaabaha lagu nafaqeeyo Beeraha oo dhawaan la dhammaystiray.

blankWarkan ayaa soo baxay kaddib muddo 20 cisho ah oo Dunidu wax badan iska weydiisay Caafimaadka hoggaamiyaha Woqooyiga Kuuriya, iyadoo warar saxaafadda caalamku qortay lagu sheegay inuu u geeriyooday qalliin lagaga sameeyey wadnaha oo lagu guul-darraystay.

Wakaaladda Wararka Korean Central News Agency (KCNA), ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida maanta baahisay in hoggaamiyaha dakaas Kim Jong Un oo ay weheliyaan saraakiil sare-sare oo dowladda ka tirsan uu ka qayb-galay xaflad loo qabtay dhammaystirka Wershadda oo laga hirgeliyey magaalada Suncheon oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaas ee Pyongyang.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee KCNA, hoggaamiye Kim ayaa 7-dii subaxnimo ee Sabtida maanta uu ka qayb-galay xafladda daah-furka wershadda Cusub. Waxa booqashada hoggaamiyaha ku wehelinaysay Gabadha ay walaalaha yihiin ee Kim Yo Jong oo la saadaaliyey inay tahay qofka ugu dhow ee hoggaaminta dalkaas ka beddeli kara madaxweynaha Kim Jong Un.

Sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera oo aanu warkan ka soo xigannay, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka warkan iyo muuqaallo iyo sawirro muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi iyo munaasibadda uu ka qayb-galay oo isla markiiba la baahiyey.

Wararka la xidhiidha Caafimaadka Kim ee laga dayriyey, ayaa soo if-baxay kaddib markii la ogaaday inaanu ka qayb-galin xuska sannad-guuraha dhalashada Hoggaamiyihi aasaasay dalka Woqooyi Kuuriya Kim Il Sung, taas oo dalkaas lagu qabtay 15-kii April ee bishan. Maalintan ayaa ah maalin Qaran oo guud ahaan shaqaalaha dalkaas fasax yihiin, waxaana caado u ahayd hoggaamiyahan da’da yar inuu booqasho ku tago goobta uu ku aasan yahay Awowgii Kim Il-Sung, taas oo ku taalla caasimadda dalkaas.

Dalka cadaawadda iyo xafiiltanku ka dhexeeye ee Koonfurta Kuuriya oo inta badan sirdoonkoodu shaaciyo xaaladaha ka jira dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inay wax ka sheegaan xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha da’da yar.

Ilaa immika lama oga sababta dhabta ah ee keentay in mar kaliya hoggaamiyahan lagu arki waayo goob fagaare ah muddo 20 maalmood ah, haseyeeshee waa markii labaad ee arrintani dhacdo iyadoo sannadkii 2014-tii sidan oo kale uu fagaarayaasha ka maqnaa muddo Lix todobaad ah.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories