Home“Hoggaaminta Dalka Oo Qori Isu-dhiiba Oo Aynu Halkan Ku Soo Gaadhnay Ayuunbaa...

“Hoggaaminta Dalka Oo Qori Isu-dhiiba Oo Aynu Halkan Ku Soo Gaadhnay Ayuunbaa Qarankan Ka Shaqaynaysa” – Afhayeenka Madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Madal Qaran Shir Beeled Iyo Guuro bahalayn Hoose Oo Reereed Maanta Somaliland Way Soo Dhaaftay, Kuma Noqonayso” Afhayeen Maxamuud Warsame

“wuxuu maanta ka hadlay gudoomiyuhu arrin aanay shacbiga Somaliland dhegehoodu jeclaysan  dhawaaqeeduna uu dhiilo ahaa oo qarankani halka uu marayo iyo Meesha aynu ku socono iyo meeshaynu ka nimi midnaba aan midibkeedii lahayn” Afhayeenka Madaxweynaha.

Hargeysa (SLpost)-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga waddani cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

blankWaxaanu Afhayeenku ugu horayn ka hadlay ujeedka uu saxaafadda isugu yeedhay waxaanu yidhi “waxa aan isugu kiin yeedhay in aanu jawaab waafi ah ka bixino eedaymo ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi cirro mar uu la hadlayey maanta warbaahinta dalka qaar ka mida waxa uu sheegay in aanu xeer Lr. 20/2001 aanu gudoomiyuhu saxeexin, sida uu hadalka u dhigayna aanu arag. Gudoomiye cirro oo muddo dheer xilkaasi soo hayey xeer Lr. 20/2001, golaha wakiilada ee uu gudoomiyuhu, gudoomiyaha ka ahaa waxa la horkeenay todoba jeer, todobada jeerba waxa lagu sameeyey waxka bedel, isagaana gudoomiye ka ahaa golaha, todobadaa jeer waxay ku taariikhaysan yihiin:-

  • 09/04/2007
  • 13/09/2008
  • 18/07/2009
  • 10/05-2010
  • 07/12/2011
  • 18/07/2012
  • 11/08/2012

Todobadaa jeerba waxa ka bedel ayaa lagu sameeyey waxaana gacantiisa ku saxeexay gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani mudane Cabdiraxmaan, dhammaan dhukmantiyadaasi (Documents) kaasi keydka qaranka ayey ku jiraan oo waanu idin la wadaagi karnaa hadaad u baahataan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wadata ayaa yidhi “wuxuu maanta ka hadlay gudoomiyuhu arrin aanay shacbiga Somaliland dhegehoodu jeclaysan  dhawaaqeeduna uu dhiilo ahaa oo qarankani halka uu marayo iyo Meesha aynu ku socono iyo meeshaynu ka nimi midnaba aan midibkeedii lahayn, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in reer la bartilmaameedsanayo, in reero la beegsanayo, xaasha xukuumadda Somaliland waxa ka jirta xukuumad, waxa ka jira xilal qaran, waxa ka jira xasaanad, gudoomiye cabdiraxmaan gudoomiyihii wakiilada iyo gudoomiyahan uu hadda taladiisa hayo, wuxuu ku yimid kala danbaynta, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dalkeena ka hanaqaaday ee nidaamka axsaabta badan ee aynu samaysanay, gudoomiyuhu hayb iyo reero kumuu iman halkaa uu maanta joogo, hayb iyo reer lagagama riixin markii uu nasiib ku siiyey inuu gudoomiye golle noqdo, gudoomiye xisbina noqdo, balse siyaasadda Somaliland iyo hannaankaynu haysano ayuu ku joogay oo uu ku shaqaynayey imikana ku joogaa, Mudane Gudoomiye xisbigaaga waddani eed gudoomiyaha ka tahay dhammaan taageerayaasha iyo dadka taageersan iyo kuwii kuu codeeyey gobolada dalka Somalilandbay degan yihiin waana dad reer Somaliland ah, maaha reer, maaha hayb gaara, gudoomiye xisbiga qaran eed hoggaankiisa hayso reer dabada ha la gelin, astaanta qaranka ee xisbigu leeyahayna ha u muujin mid reereed”

blankSidoo kale waxa uu afhayeenka oo hadalkiisa sii wada ayaa ka hadlay madal qaran oo uu ka hadlay gudoomiye cabdiraxmaan in laysugu yimaado waxaanu yidhi “madal qaran shir beeled iyo guuro bahalayn hoose oo reereed maanta Somaliland way soo dhaaftay, kuma noqonayso kuma laabanayso halka ay maanta marayso, goleyaal qaran ayeynu leenahay, golayaasha qaranka ayuu shalay gudoomiye cabdiraxmaan mid ka mida dhadhaarada qaranka ugu weyn oo gudoonka wakiilada ah uu soo hayey, maantana rag la mida ayuunbaa jooga ragii ay golaha wada joogeen uunbaa jooga, sidaa daraadeed madal shir qaran oo la isugu imanayo  iyo madal beeleedyoo laysugu imanayo iyo mad-madow kale oo qarankan loo maleegaayo midna qarankan horumarkiisu maanta kuma jiro, golayaasha qaranka, xukuumaddaa talinaysa, hoggaaminta dalka oo qori isu dhiiba oo aynu halkan ku soo gaadhnay ayuunbaa qarankan ka shaqaynaysa, wixii intaa dhaafsiisan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa haddii lugta jeeniga la dhaafiyo wuu jabaa, wixii intaa dhaafsiisani wax soconaya maaha.

Ugu danbayntiina waxa uu afhayeenku sheegay in shacbiga Somaliland ay ka daaleen durbaanada qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada, waxaanay u feejigan yihiin ayuu yidhi ilaalinta qarankooda, kuna hawlan yihiin horumarka dalkooda ka socda, iskaashigooda iyo horumarkooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories