HomeHogaanka Saddexda Xisbi Oo La Kulmey Qaadhaan Bixiyeyaasha Doorashada

Hogaanka Saddexda Xisbi Oo La Kulmey Qaadhaan Bixiyeyaasha Doorashada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaranka Waddani, UCID iyo KULMIYE, ayaa shalay kulan la yeeshay wadamada deeq bixiyayaasha ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

 

Kulankan oo ay guddoomiyayaashu Cabdiraxmaan-Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed wada jir ula yeesheen ergo ka socotay wadamadan, ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii ay wadamadan ugu dhiirin lahaayeen inay bixiyaan lacagta kaga soo hagaagtay hirgelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyadoo ay xukuumadu bixisay 25% kaga soo hagaagay balse dhinaca wadamadan laga sugayo 75% oo aanay weli bixin.

 

 

Kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali waxay saddexda guddoomiye xisbi ergaydan ka socotay wadamada deeq bixiyayaasha cod wada jir ah kaga dalbadeen inay fuliyaan balan qaadkii ay hore u sameeyeen oo ay bixiyaan dhaqaalaha dhinacooda ku xayiran ee lagu bilaabayo hawlaha diiwaangelinta oo la qorsheeyay in bishan si ramsi ah loo bilaabo. Sida ay xogahani tibaaxeen, waxa kale oo ay saddexda guddoomiye xisbi u tilmaameen masuuliyiintan ay la kulmeen in haddii uu jiro culays kale oo ay u baahanyihiin ay diyaar u yihiin inay safar ku tagaan magaalada Nayroobi oo xarun u ah wadamadan, iyadoo ay xubno xisbiyada ka tirsani si kaftan ah ugu sheegeen masuuliyiintan suurtogalnimada in dhaqaaluhu u xanibanyahay khilaafaad dhex maray xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub oo ku saabsanaa muddo kordhintii ay guurtidu samaysay.

 

 

Ergadani waxay dhinacooda sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta balan qaadkii ay sameeyeen islamarkaana ay ku gudo jiraan soo daynta dhaqaalaha laga sugayo, waxaanay cadeeyeen inaanay jirin caqabad ay sheegi karaan oo dhaqaalaha hortaagani balse aanu dhaqaaluhu weli u iman arrimo farsamo dartood kuwaas oo ay sheegeen inay iska dhammaanayaan dhawaan.

 

 

Waxa kale oo ay meesha ka saareen suurtogalnimada in dhaqaaluhu u xayiranyahay arrimo siyaasadeed, waxaanay madaxda xisbiyada u balan qaadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dayn doono dhaqaalaha diiwaagnelinta laga sugayo. Hase yeeshee dadka arrimahan lafo-gura ayaa aaminsan inuu jiro qorshe qarsoon oo sabab u noqday inaanay wadamadani soo dayn dhaqaalihii laga sugayay.

 

 

Lacagtan ayaa haddii aanay wadamadani bixin noqon karta caqabad soo waajahday doorashooyinka la filayo inay dalka ka hacaan 2017.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories