Home“Hogaamiyeyaasha Ummaddu Wax Ha Ku Qaataan” Qisso Laga Soo Weriyey Amiiraddii Muslimiinta.

“Hogaamiyeyaasha Ummaddu Wax Ha Ku Qaataan” Qisso Laga Soo Weriyey Amiiraddii Muslimiinta.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sida lasoo wariyay ee taariikhda ku qoran waxaa bari baryaha kamid ah goor habeen ah oo aad u qabaw dabaylina ay kacayso ciid wadata shanqadhuna ay go,day waxkastaana ku eekaaday halkiisa,iyadoo albaabada oo dhami xidhan yihiin albaabka allaah mooyaane,cimilada dhulkaasina saxare ay tahay,waqti ay shinbiraha jawi xumada ka ooyaa ay baroorteen,si teelteel ahna uu u muuqdo dhulku iftiino yar yarna ay ka baxayaan xaafadaha badhkood waxaa dhex mar iyo u kuurgal ku samaynayay shicibkiisa uu maamulo amiirkii muuminiinta cumar bin khidaab raali allaah haka ahaadee.

Wax uu dhugadhugeeyaba waxa uu maqlay taah aad u argagax badan oo qof jibaadayo,inta uu naxay ayuu kolba dhinac u cararay ilayn waa amin saqdhexe ahe iyadoo uu ka qasmay dhinaca iyo jihada ay qayladu ka baxayso, waxaanu u roorooray sidii hooyo ilmaheedii kali ahaa wayday.

Intaasi kadib ayuu qof rag ahi aqal furay albaabkiisa markaasuu cumar gartay dhawaaq ruux dumar ah oo saafi ah isgoo gartay in goobtu tahay isla gurigaa la furay waxaanu arkay qof raga oo gacmaha sare u taagaya sidii uu ducaysanayo marna aqalka ku gudo noqonaya marna dibada usoo baxaya oo talo ku ciirsan tahay, markii uu cumar salaamay ayuu waydiiyay waxaa dhacay?waxaana uu ninkii ku jawaabay walaal ruux dumara ayaa kaliday igu foolatay waana ugub mana garanayo cidaan kaga tago iyo cidaan ugu tago midna xaafadana qariibbaan ku ahoo dhawaanbaan soo dagay,waxa uu cumar ku yidhi “sii joog walaal anaa inoo carariye” inyar kadib ayuu cumar gaadhay gurigiisii isgoo aad u xiiqsan ayay ka furtay gabadhiisii oo ahayd ina cali bin abii daalib{umu-kalsuuma} dhamaantood allaah raali haka ahaadee, waxay markiiba garatay inaanay balaayo dhicin sababtoo ah hadii ay balaayo dhacdo sidaasiba cumar uguma xiiqo,waxaanay waydiisay cumaraw maxaan kula qabtaa,waxaanu ku jawaabay walaal hadaad karto kaalay ila gudo waajibkan ina saaran waxaa jaarkeena ku foolanaysa ruux dumar ahe,intaas markii ay maqashay ayay tidhi ku yeelay oo ku ajiibay amiirkii muuminiintow,waxaanay markiiba soo diyaarisay daqiiq,subag,iyo malab, waxaanu cumar tunkiisa ku raray daqiiqdii,subagii iyo malabkiina wuu laalaadiyay isagoo markiiba bilaabay socod ayay gabdhu haleeli wayday inay gurigeeda soo xidhxidho waxaana loo hayaamay xagii hawshu jirtay gabadhii cumar ayaa iyadoo guclaynaysa talaabada cumar ee aad u dheeraynaysana higsanaysa ayaa tidhi “cumarow keen kaa qaadee daqiiqda maxaad iskugu wada rartay”? wuxuu cumar ugu jawaabay “walaashayey ma adaa iga qaadaya maalinta qiyaame dunuubtayda iska daa xilbaan gudanayaa aan gaabis waliba ku ahaye” intaas markii ay gabadhu maqashay ayay iska dhaaftay inaanay cumar la murmin si aanu habsan u dhicin oo aan loo kala jiidan xamaanta, waxay hore u socdaanba aqalkiibaa fugaaday oo koone noqday isagoo markii horena cumar ku sheegay jaarka balse waxay gabadhu ogaatay in jaar dhow iyo ku fogba yahay jaar isku mid ah oo uu xaq leeyahay, markii la gaadhay gurigii ayuu cumar yidhi walaal adigu u gal gabadha anna shaqadaydaan qabsane, intaas kadib ayuu cumar shiday dab waxaanu dabka saaray dhari isagoo isku kariyay alaabtii u siday oo badanaaba loo sameeyo umusha, mar uu cumar dabka babinayay oo uu danbasku ku duulayay gadhkiisa sharafta leh iyo wajigiisa ay ku yaalaan indhihiisa macaani ayuu naxariis iyo dhawris ku dhalatay ninkii guriga lahaa isagoo yidhi “walaal keen anaa babine iskaa danbaskoo illaahbaan ku dhaartaye idinkaa kaga xaqle dadka wadanka xukuma inay umada maamulaane” isgoo ninkaasi u jeeda moodayana in amiirkii muuminiintu xiligaas isagu iska hurdo gurigiisii dadkan shaqaynayaana ay yihiin muuminiin kale oo khayr iyo ajjar doon ah,waxaanu cumar ku yidhi “walaal iska daa shaqadani waa ta ay jaarku xaq iskugu leeyihiine” waxaanu ninkii yidhi walaal waan yaabanahayoo waxaan isleeyahay malaha dadkani dhulkan aan ku noolnahayba umay dhalan, waxaanu cumar ku yidhi “walaal jaarkaagaanu nahay” sheekadaa kadib markii cuntadii bislaatay ayuu cumar guda galay sidii uu u qaboojin lahaa badh kamid ah isagoo u diyaar garaynaya umusha, halka in yar kadibna ay soo baxday haweenaydii cumar iyadoo leh “amiirkii muuminiintow saaxiibkaa ugu bushaaree wiil, ninkii markii uu maqlay hadalkaa ayaa waxaa ka masaxmay inuu ku farxo wiilkiisa dhashay isagoo ay miyir iyo maanqaaday kalmada ah amiirkii muuminiintow waxaanu kusoo booday cumar isagoo go,iisa kaga masaxaya isla markaana ooyaya ayuu yidhi “walaal na saamax allaah baa madax nooga kiin dhigee walaal na saamax waxaanu garanay inaanay cid kale oo aan adi ahayni sidaa u shaqayn karayne walaal na saamax” qisso iyo qiiro lawada ooyay kadib ayaa waxaa barbar socday in loo riyaaqo wiilka dhashay iyo umusha caafimaadka qabta waxaana halkaa ka dhacay sunihii rasuulka in la raaco iyadoo ilmaha dhagtiisa midig lagu eedaamay dhagtiisa bidixna lagu aqiimay dhanxaragana inyar oo timir khafiif ah loo mariyay sidaasaana cumar iyo xaaskiisii ugu laabteen gurigoodii oo sidii u balaqan iyagoo isku sheegay inay iloobeen dagdag awgeed,waxaanay iyagoo faraxsan u diyaar garoobeen sidii ay salaada subax oo soo dhawaatay awgeed u tukan lahaayeen salaado habeenimo oo sune ah,wax daal iyo qaadiro ah oo ka muuqdayna maba jiro haba yaraadee,waxaanay taasi ku tusaysaa in aan camalka saalixa ah lagu daalin,haba badnaadee,halka camalka xun markaaba lagu daalo haba yaraadee,maskax iyo muruqba farqibaa u dhaxeeya ka shaqaynta wixii fiican iyo wixii xun.

Waxa turjumay

Sh.jaabir Cabdiqaadir Carab (herbalist)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories