HomeHOGAAMIYAHII QARINIGA RACCEP TAYYIP ERDOGAN

HOGAAMIYAHII QARINIGA RACCEP TAYYIP ERDOGAN

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Raccep Tayyip Erdogan waxa uu ku dhashey xafada Qaasim Baasha ee magalada Istanbuul bishii feburaruy 27, 1954 halkaas oo yaranatiis ku barbaarey kuna Korey.

Erdoganwaxa uu ka soo jeedaa qoys sabool ah, yaraantiisiina waxa uu magaalada Istanbul ku iibin jiray qudrada iyo quruuca si uu aabbihiis ugu kaalmeeyo quudinta qoyska oo aad sabool u ahaa isaguna iska ka bixiyo lacaga waxbarshada .

Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, Erdogan waxa uu soo noqday Ciyaartoy caan ah, isagoo u ciyaari jiray kooxda Kasimpasa muddadii u dhexeysay 1969 ilaa 1982.Ordogan waxa uu ku mid noqdeyXisbigii salaama national ee uu hogaaminayay Najmu-diin Arpakan kaas oo

ay afkaasrtiisu kasoo hor jeeday gabi aahaba afkaartii cilmaaniyiinta , waxaana uu Erdogan ka dhigtay Arpakan macalinkiisa isaga oo xisbigaasna ka dhex noqday xubinka sii weyn uga dhex muuqata oo firfircoon , laakiin xisbigaasi muu sii jirin kadib markii ay ciidanku afganbi siyaasadeed ku qabsadeen dalka sannadii 1980kii kaas oo lawada joojiyay axsaabtii siyaasada iyada oo si gaar ahna maxkamadu ku eedaysay xisbigiisii in uu kasoo horjeestay fikirka cilmaaniyada ee uu ku dhisan yahay dalka Turkigu , halkaasna waxa ku baaba’ay xisbigii uu ku jiray Erdogan ee uu hogaaminayay Arpakan iyada oo sidoo kalena ay gabi ahaanba is badashay xaaladii siyaasadeed ee dalka turkigu.

Markii uu dhacey inqalibaakii milatarigu hor Kacey Ordegan waxa uunoqdey dadkii ugu horeyey ee ay ku dhaceen culayskii millatari ee dhexmaryey hogmaamiyaashii islaamiyiinta ahaa iyo ciidankii dalkaas .Waxa sii wadey hamigiisii siyaasadeed iskaga ooku sifoobey fifircoonaan dheeraad taas oo soo jiidatey hogaamiyaayshii waayeyna ee siyaasada gaar ahaan siyaasigii waynaaNajbudiin arbakaanwaxa uu sii waydey fikirkiisii siyaasaded eeka dhex guuxey maskaxdiidsa Ordogan maa ha ahyen nin si dhab yar isku dhiiba waxa sii wadey aragtidiisi islaamiga aheyd iyo ka midho dhalinta hadaaftiisii .Najbudiin Arbakaan oo ahaa siyaasi wayn oo dadka si cad oo aan cabsi lahayn ugu sheegayey in diinta silaamku tahey nidaam siyasadada iyo mid dhaqaale ku dhisan oo ka qaawanaa maamulka xiligaas ka talinayey dalka turkiya waxa uu ahaa hogaamiyaasha siyaasadoodu qunyar socodnimada degaasho ku dheehantey .

Waxa Ordagan uu ku biirey xisbigii Rafaah 1983 hakaas oo uu ka sii wadey masiirkiisa siyaasadeed waxa sandiikii 1985 ka noqdey xisbaagaas hogaamiyaha maglaada balaadhan ee taariikhiya istanbuul .

Markas oo xisbigii Rafaah oo ka baxey ururnimadii noqdey xisbi qaran isa goo ku guuleystay 17% kurasta barlaamanka waxaan intaa kadib sanadku markuu ahaa 1992 Ordegan waxa loo doortey mayar magalada taariikhada ah ee balaadhan ee istamtanbuul markaas oo cadaatey in hogaamiyaha aragtida iyo qiyamka islaamiga ah leh ee Ordagan loo arkey halyey ay u baahantey umada turkiya . waxa uu ahaa hogaamiye dhex galey quluubta umada isaga oo markasta wakhtiga ku bixin jirey markii uu mayar ahaa garagaarida dada fuqrada iyo dadaka taabelysan oo isa goo isku dayey wax ka qabshada baayihyadooda aasaasiga aha oo aha waxan aanu markaste ku dadaadli jirey in oo kor u soo qaado dadka dabaqada hoose waxa Ordagan ka dhargsanaa guulaha oo gaadhey in udub dhaaxaad ka aragtida islaamiga ah oo ahaa guusha ka danbeysa dhamaan guulihiisa siyaasadeed ee uu gaadhey .

1996xisbigii rafaah ee uu hogaaminayey Najbudiin Arbakan waxa ku guuleystey badi kuraastii baarlamaaka taas oo keentey in xisbigaasi uu soo dhiso xukumada halkaas oo Najbudiin Arkabaan waxa uu noqdey rasal wasaaraha turkiya nasiib daro se sanad ka dib culeys badan oo kaga yimid milatrigii dalka aya keentey in Arbakan iska caslilo jagadii rasala wasaaraha ee dalka xiligaas

Intaas kadib waxa halkaas ku burbery saaxadana ka baxey xisbigii Rafaah . Ordegan oo ahaa siyaasi argti dheer oo leh madbada iyo afkaaro wax ku ool ah ku mey noqon wax niyad jaba oo soo gaadha hankiisii iyo hiigsigiisii siyaasadeed intaa kadib wax uu ku biirey xisbigii Fadiila oo uu hogaaminayey Rafiiq AL arjay

Ordegan waxa lo horkeenay maxkamada iyada oo lagu eedeeyey in uu ka horyimid afkaartii cilmaaniga ee dalka qaadatey turkiya waxaana logu xukumey Ordegan lix bilood oo xadhig ah iyo in ka qeybgalka siyaasada laga mamnuucey mudo shan sano ah in aanu ka qayb galin wax siyaasada ah .2001ordegan waxa aasaasey xibiga cadaaldaa iyo horumarinta ee AKP oo ilaa hada uu hogaamiyo noqdey xisbi wax guulo waaweyn ka gaadhey siyaasada turkiga sanadihii ugu danbeyey .

Sanad ka dib doorashadii waxa ku guuleystey xisbigii curdiga ahaa ee ordegan iyo xulfadiisu ay ka gadhwaadeenka ahaayeen waxaana uu ku guulestay aqlibiya kuraasta barlamaanka waxan reysal wasaare noqdey Cabdala Guul .2003-diimarkii uu noqdayordegan Ra’iisulwasaaraha38aad Turkiga, Erdogan waxa uu ka shaqeeyay in Turkigu gaaro degganaansho Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Ammaan. Waxa uu la heshiiyay Armenia ka dib cadowtooyo sanado badan soo jirtay, waxa xiriir la furay Giriigga,Azarbejan iyo jamhuuriyaadkii hore ee Soviet-ka.

Waxa uu soo celiyay xiriirkii kala dhexeeyay inta badan dalalka Carabta, isagoo fasaxay in ay Viso la’aan imaan karaan Turkiga. Sidaas oo kale ayuu u xoojiyay xiriirka Turkiga iyo dalalka reer galbeedka.2009-kii Istanbul waxaa loo aqoonsaday caasimadda dhaqanka ee Europe. Waxa uu sidoo kale dadaal ku bixiyay in Turkigu ka mid noqdo Midowga Yurub, arrintaas oo horumar laga gaaray. Waxa xibigiis uu hogaaminayo ku guuleystey sadex jeer doorashooyinka dalka turkiya taas oo daali cad u ah sida umada reer turkiya ugu qanacsayihiin hogaamiyahooda aragtida fog leh ee ku .sifoobey hogaaminta wacan oo badi soo jiidatey caalamka gaar ahaan dunida muslimka

Muddadii Erdogan talada hayayTurkey waxa uu noqday dalka16aad ee ugu dhaqaalaha xooggandunida, dhanka milaterigana waadalka 7aad ee ugu xooggancaalamka.2011-kii markaas oo ay Soomaaliyaku dhufatay macluushii uguxumayd gobolka muddo 60 sanoah, Erdogan waxa uu go’aansadayin uu booqasho ku yimaadSoomaaliya , isagoo indhahacaalamka u ku soo jeediyaySoomaaliya oo sanado badan laiska illaaway.Erdogan waxa uu ballan qaaday indowladdiisu fulin Soomaaliya kafulin doonto mashaariichorumarineed, taas oo uu kadhabeeyay.Turkigu waxay muddo 3 sanogudohood ku dhiseenjidad,isbitaallo,Iskuullo,garoonkaiyo dekadda Muqdisho . waxaaintaas dheer howlaha dhankabani’aadminimada oo aanmarnaba joogsan.

 Waxa uu ordegan ahaa raysal wasaare mudadii u dhaxeysay 2003 ilaa 2014 waxa uu ugu danbeyn ordegan uu noqdey madaxaweynhii 12aad ee dalka turkiya isaga oo wali xilkaas haya .

Qore: Zakariye Maxamed Abdi

Zakarie Mohamed <zakarie404@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories