HomeHogaamiyaha Falastiin Oo Khudbad Taariikhi Ah Ka Hor Jeedinaya Golaha Xuquuqal Iisaanka...

Hogaamiyaha Falastiin Oo Khudbad Taariikhi Ah Ka Hor Jeedinaya Golaha Xuquuqal Iisaanka Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Brussels(SLpost)-Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, ayaa waxa uu khudbad ka jeedin doonaa kulanka gaarka ah ee golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta ku yeelanayo magaalada Geneva.

 

Waa markii ugu horreysay oo hogaamiye Falastiini ah uu ka hadlo golahaas. Falastiiniyiinta ayaa saddex sanno ka hor loo ogolaaday in ay golahaasi korjooge ka noqdaan iyagoon xubin ka ahayn, tan iyo waqtigaasna waxa ay isku dayayeen in ay xidhiidh dhaw la yeeshaan guddiga Qaramada Midoobay.

 

Hasayeeshee kulanka maanta ayaa qabsoomaya iyadoo ay sare u kacday xiisadaha ka dhex aloosan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, waxaana si dhaw loola socon doonaa khudbadda madaxweyne Cabbaas.

Qaramada Midoobay ayaa kulanka maanta ku tilmaantay mid xushmad ah, oo ma ay jiri doonto wax dood ah iyo go’aanno ka soo bixi doona halkaasi.Maxamuud Cabbaas iyo gudoomiyaha golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Zayd bin Racad al-Xuseen oo kaliya ayaana kulankaasi ka hadli doona. Hasayeeshee Mudane Cabbaas ayaa sheegaya in ahmiyad u leedahay iyaga.

 

Rabshadaha ka dhex aloosan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay galaafteen nolosha tobaneeyo qof, welina xiisaduhu waa ay sareeyaan.

 

Diblumaasiyiinta Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Geneva waxa ay si taxadar leh u dhageysan doonaan jawaabta uu Cabbaas ka bixiyo baaqii Ban Ki Moon ee ahaa in hogaamiyaha Falastiiniyiinta uu wadahadal toos ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

 

Balse Cabbaas oo ku sugnaa Isniintii magaalada Brussels ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay ka dambeyso rabshadaha, waxa uuna ka digay in xaaladdu ay ka sii dari karto.

Magaalada Gevena ayaa la filayaa in uu diiradda saari doono xaaladda dadka Falastiiniyiinta, waxaana laga yaabaa in uu ku baaqo in la dhowro xuquuqdooda bini’aadamnimo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories