HomeHiwaayad - W/Q: Cabdifataax

Hiwaayad – W/Q: Cabdifataax

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Haddii lagu Su,aalo Waa Maxey Hobbies Kaagu Maxaad kaga Jawaabi laheyd.Qof kastaaba wax buu Xiiseeyaa ama Jecel yahay in uu qabto wakhtiyada uu Firaaqada yahay ama ka mid ah Waxyaabaha uu Jecel yahay.in Qofku Wax xiiseeyo ama Jeclaadaa waxa ay siisaa Firfircooni iyo Tamar,Waxaanu Qofku kaga baxaa marka uu helo ama Qabto wixii uu xiiseynaayey Culeyska ama murugada iyo Fikirka waayaha nolosha ama Shaqada laga dhaxlo.Waxa qofku xiiseeyo in uu Qabtaa waxa ay maskaxda ku beeraan Jawi cusub iyo Aragti Farxadeed intaba.Si aad u hesho waxaad xiiseyneyso ama Naftaadu ka Hesho waxa aad u galeysaa Diyaar garow.

Su,aasha ayaa ah Mid inta badan la isku Weydiiyo Wareysiyada shaqo,Dhinaca kalena Qofku ku Qorto Cvga Codsiga shaqo Waxyaabaha uu xiiseeyo,Waxaana Jira Qeyb aynu ugu magac darno Hobbies.Wareysiyada ayaa lagala soo baxayaa waxa aad xiiseyso ama Hiyaawad ka dhigato,Marka la ogaadana waxa si fudud loo fahmi doonaa Nooca shakhsiyadaadu tahay ama waxyaabaha aad xiiseyso ama jeceshahay.Waa Su,aal ka qeyb qaadata in qofka shakhsiyadiisa la ogaado.Waa mid la rabo in qofku si daacad ah oo Kalsooni ku dheehan tahay uu uga Jawaabo.Waana dhab in dadka intooda badani ay ku Jawaabaan waxaan Jecelahay Akhriska ama Dhageysiga ama Daawashada Tvga.

Wakhtiyada Firaaqada lagu Jiro ama Fasaxyada iyo Raaxada Ayaa waxa dadka ku soo Kordha arimo badan oo aaney hore u qaban Jirin,Waxyaabo ay Jeclaayeen ama aaney Wakhti u heli Jirin.Dhinaca kalena waxa Jira Dad maalin kasta qabta wax Hobbygooda ka mid ah.Dad baa ka hela ama Jecel Xidhiidhada,Asxaabta badan,Sheekada,Booqashada iwm oo ka Dhigtey wax ay Wakhtiga isku dhaafiyaan.Dad badan oo kale Ayaa Jecel Socdaalada safarada ama Dalxiiska,Kuwaasi oo doonaya in ay Korodhsadaan Khibrado ama waayo aragnimo wadamo kala duwan,Meelaha qadiimiga ah iyaga oo ku socdaalaya diyaarado,tareeno,baabuur ama maraakiib.

Kuwo kale Ayaa ka hela Booqashada dhulka keymaha aha beeraha Xayawaanka loogu daawasho tago.Kuwo kale Ayaa Xiiseeya in ay Beeraha tagaan.Dad badan Ayaa ka hela Akhriska buugaagta sheekada ah ama Jaceylka,Kuwo kale Ayaa ka hela qorida iyo wax soo saarka la xidhiidha dhinaca maalida Maskaxda.Dad baa ka hela Daawashada ciyaaraha,Ama ciyaarida kubadaha ama ciyaaraha kale sida orodka iwm.Kuwo badan ayaa wakhtiga isku dhaafiya daawashada Tvga sida wararka ama Madadaalada,Dad badan ayaa Dabaasha iyo badaha ama biyaha iyo webiyada ka hela in ay tagaan ama  doon ku dhex maraan ama ku dabaashaan.

in qofku balwad yeeshaa Hobby ma u noqon kartaa haddaba sida Jaad ama sigaar ama Khamri oo kale ma la odhan karaa waa Hobby uu ka helo ama jecel yahay oo uu xiiseeyo ama Qabatimey.Mar haddii wixii qofku xiiseeyo,wakhtiyada firaaqadana uu qabto Naftiisuna jeceshahay loo arkey Hobby Balwadihi ma soo geli doonaan.Haddii lagu Yidhaahdo sheeg qaar ka mid ah Hobbies waa in ay ku diyaar san yihiin tiro ka mid ah.wax xun iyo wax wanaagsanba wey yeelan kartaa.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories