HomeHiilka u hagar bixidda Hannaanka Horumarineed ee Bulshadan Somaliland ma heshay 22kii...

Hiilka u hagar bixidda Hannaanka Horumarineed ee Bulshadan Somaliland ma heshay 22kii sanno ee aynu soo dhaafnay? – W/Q: Garyaqaan Mustafe M. Daahir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

last pics

Hiilka u hagar bixidda Hannaanka Horumarineed ee Bulshadan Somaliland ma heshay 22kii sanadood ee aynu soo dhaafnay? Maxaa lagu qiyaasi karaa? Ma doorashooyinka kala duwanbaa qiyaas u ah? Ma isbadalka laba maamul dawladeedbaa u ah? Ma hagrashada bulshada caalamka ee siinta shahaadada dhalashada Aqoonsiga Somaliland ayaa u ah?

Runtii, nidaamka dawladnimo maaha mid maanta curdin ku ah dadka reer Somaliland waxaa nidaam dawladeed oo ku abtirsada shacabka reer Somaliland ugu horeysay wakhtigii aynu xornimada ka helnay boqortooyada Engiriiska 1960kii, taas oo aynu kala sinayn wadamada qaaradda Africa badankooda wakhtiyada ay xornimada heleen hakala duwanaadaane wadankasta oo ka helay xornimada gumaystahii xukumayay wuxuu la kowsatay dawladnimo curdin ah oo duruufteeda iyo guulaheedaba wadatay.  Waxaa aynu kawada dharagsanahay in ay Africa is hirdiyeen nidaam dimuqraadiyadeed oo dibada ay ka keeneen dadkii uu gumaystuhu wax soo baray iyo dhaqankii umadda africa ku noolayd taasina waxay u kala jabeen wadamo ay is hirdiyeen dhaqanka iyo nidaamkan ergiska ah ee demoqraadiyadda oo la tiictiicay duruufta dagaalka labadaa arimood iyo wadamo tuuray dhaqankii oo tan dimuqraadiyada aaminay iyo qaar iyagu si hufan u eegay oo is dhex galiyay dhaqankii soo jireenka ahaa iyo nidaamkan loo arkayay casri leh la jaan qaadkiisa.

Hadaba, Somaliland markii ay xornimada heshay waxay goaansatay in ay la wadaagto nidaamka dawladnimo koonfurta Somalia (South Somalia) oo wakhtigaa iyadu aan xornimada ka helin gumaystihii xumkumayay oo ahaa Talyaaniga (Italy) laakiin si ku meel gaadh ah  ayuu u maamulayay Talyaanigu waxaana la odhan jiray Somali Italian trusteeship. Hadaba, Somaliland waxay duruuftii socod-baradnimada dawladanimada la wadaagtay dhidibo u taagista  Midnimada labada umadood oo ahayd jibo ka timidd dhinaca Somaliland waxaanay ugu wanqaleen midawgaas ‘Great Somalia.’ Ku dheeraan maynu falanqaynta sifada layskugu darsaday habase ahaatee nuxurku wuxuu ahaa in umaddu u arkaysay kala qoqobnaantu ay ka muhiimsan tahay awood isu gaynta labadan umadood oo diin ahaan, dhaqan ahaan iyo af ahaanba wadaaga kana siman. Umaduna waxay doonaysay jihayn horumarineed oo umada wada gaadha horseedna ay ka noqdaan dadka loo xilsaaray inay majaraha u qabtaan jihaynta midawgaa labada umaddood. Jiritaanka midnimadaasi muu noqon mid waara oo jira muddo dheer waayo wuxuu ku guuldaraystay in uu ka dhabeeyo hamiga umadu iskugu biirtay markay umada reer somalilandna u arkeen in aanu midawgani shaqaynayn ay ka dhiidhiiyeen halgan muruq iyo mid maalba waxay u hureen in ay maruun ka guulaystaan nidaamkii uu madaxweynaha u ahaa dictator Maxamed Siyaad Barre  oo ku sifoobay nidaam xumo, cadaalad darro, kala saarid bulshadda iyo u addeegsiga umadiisa hubka dadka gumaada. gabagabadii halgankii reer Somaliland ee ay SNM hogaaminaysay wuxuu noqday mid lagu guulaystay umaduna ay ka tashatay aayahooda goaansadeena dib u soo celinta xornimadii ay heleen 1960kii samaystaana maamul dawladeed oo ku shaqeeya rabitaanka shacabka reer Somaliland.

Maalintaas waxay umadu maanka ku hayeen nidaamkii dhicisoobay ee siyaad bare waxay tirsanayeen bilawga nidaam dawladeed oo u hagar baxa hamiga iyo horumarkii ay hiigsanayeen waxay ka cadhaysnaayeen wakhtigii kaga lumay midnimadii dawladii somaaliya hadaad khasaaraha tiriso marka nafaha baxay iyo daaraha burburay laga yimaado waxaa ugu khasaare waynaa dhalinta wakhtigaa kacday een helin waxbarasho ay noloshooda iyo umadooda ugu noqdaan iftiin, hogo-tusaale waalidkii ku tabcayna uu majiirto islamarkaana deegaankii ay ku noolaayeen u habeeya oo u fakara wax ku darka horumarinta bii’ada nololeed ee umadan ay ka beermeen ee Somaliland majarahana u qabta hiigsiga umadeed, una noqda jiilka iyaga ku xiga wado ay ku hirtaan iyo hiigsi nololeed taasi waxay noqotay ‘ciyi waa ka baryay’.

Hadaba, waxaan caad inaga saarnayn in umadd kasta oo illaahay meel ku beeray ay rabto inay horumar gaadho hadba meeshuu doono iyo qiimayntiisa ha yeeshee bulshada somalilandna waxay ka mid tuhuun umadaha caalamka ku nool ee raba inay horumaraan oo arkaan hadba talaabada ay qaadeen iyo faaiidada ay gaadheen, maqaalkani waxa uu iftiiminayaa iskuna dayaynaa inuu daaha ka roggo cinwaanka uu xambaarsan yahay maqaalkani oo u baahan in aynu marka hore si mug leh u fahano waxa uu erayga  Horumar yahay iyo halka uu bulshada kaga jiro, miqiyaaska ama waxyaabaha lagu cabiri karo Horumarka Bulshada IWM.

La soco…………

Mustafe Mohamed H.Dahir (Mustafe Haaji)

Master of Law (LLM) Pretoria, South Africa

Academic Lecturer University of Hargeisa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories