HomeHIIL-SHARCI oo Ku Saabsan:- War-Farxadeedka Wargeyska WAAHEEN oo U Dhignaaa “Dan...

HIIL-SHARCI oo Ku Saabsan:- War-Farxadeedka Wargeyska WAAHEEN oo U Dhignaaa “Dan iyo Duco, iyo Boqolaal Reer Saaxil Ah oo Madaxtooyada Isku Dhiibay” (Q.1aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

QAYBTA KOOWAAD:

SALIDHIGEAnigoo Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige), isla markaana ah Garyaqaan TABLIIQI-SHARCI (Voluntary Lawyer) ah, ayaa Anigoo ka duulaya War-Farxadeedkii ku qornaa Tixraac: Wargeyska WAAHEEN, Cadadkiisii 1243 ee soo baxay Sabtidii 14/12/2013 oo waafaqsan Safar, 10 ee 1435-kii Hijryada, ee ku qornaa Bogga hore ee wargeyska oo Cinwaankiisu u dhignaa sidan:-

“ Dan iyo Duco, iyo Boqolaal Reer Saaxil ah oo Madaxtooyada Isku Dhiibay”

Ayaa waxaan halkan Saxaafadda u soo marinayaa Qoraal aan ku taageerayo Wargeyska WAAHEEN, Odayaasha iyo Madaxda dhaqanka ee Qabiilka Ciise Muuse, waana sidan:-

Wargeyska WAAHEEN wuxuu qoray in:-

1) Oday Muuse Xirsi Abokor Odowaa (Muuse-Dalab), oo ah Guddoomiyaha Guddida DAN iyo DUCO; 2) Oday Maxamed C/laahi Mire, oo ah xubin Guddida DAN iyo DUCO; 3) Oday Jaamac Biraqaab, oo isna ah xubin Guddida DAN iyo DUCO. iyo in xubnihii kale ee Gudiddii DAN iyo DUCO ay isu soo dhiibeen Madaxtooyada JSL.

Sidoo kale Wargeyskaas WAAHEEN wuxuu qoray in:-

In Odayaal Ciise Muuse ah oo Madaxtooyadu ay soo dhaqdhaqaajiyeen oo ka soo jeeda Saaxil, Burco, iyo Hargeysaba ay iyana ku hawlan yihiin in XAAL ay u geeyaan Madaxweynaha iyo marwadiisa Aamina Weris, oo ay ka Xaal mariyaan qadaf ay ka tirsadeen muj. Ibraahim C/llaahi Xuseen; Jamaal Cali Xuseen; Faadumo Siciid iwm.

HAMBALYO WAAHEEN Media Group

Ugu horayn waxaan Hambalyo, Bogaadin iyo Hiil-Sharciba aan halkan u marinayaa, Madaxa iyo Hawlwadeenada Wargeysa WAAHEEN ee soo xuuraamtay soona qartay warkan cinwaanka qormadayda ku xusan, wwanad ku mahadsan tihiin, in warkaas aad Bilshada u soo baahisaan ka hor intaanay Odayaashaasi si rasmi ah u shaacin ku biiridooda ama/iyo la midowgooda iyo isu soo dhiibidooda ay Madaxtooyada JSL isu soo dhiibeen. Waayo Shaacinta warkani waa mid Togan (positive), xataa haddii aanu jiri lahayn warkaasi wuxuu aha war dhiiri gelinaaya inay la helo is afgarad, isla markaana meesha ka saaraya tafaraaruq iyo kala qoqobnaan bulsho.

Aniga warkaasi aad iyo aad ayuu ii farxad geliyey, wuxuuna ahaa mid soo dhoweyey rajadaydii, waxa kale oo uu ahaa war-farxadeed dareenkayga aad wax uga bedelay. Si haddaba, aan u xaqiiqsado dhabnimada Bushaarada warkaas waxaan raadsaday Madaxdii iyo Odayaashii Qabiilka Ciise ee ku kala duwanaa xaga fikirka Siyaasi oo dhan, waxaanay ii xaqiijyeen dhabnimada jiriataanka warkaas.

HAMBALYO GUDIDA DAN iyo DUCO

Mar labaadka Waxaan ugu horayn maanta warbaahinta madaxabannaan aan u marinayaa Taageero iyo HIIL-SHARCI (Legal support) Madax dhaqameedka iyo Odayaashayda  DAN IYO DUCO ee Qabiilkayga Ciise-Muuse. Waxaan leeyahay Odayaal iyo Salaadiin hore waad u saxsanaydeen markii aad DUBUR tagteen ee aad ku shirteen. Maantana waad ku saxan tihiin inaad isu soo dhiibtaan Madaxtooyada iyo inaad taageertaan Madaxweynaha JSL. Labada jeerba waxaad ku taagan tihiin Sharciga iyo dariiqa saxda ah. Waad ku saxsanaydeen inaad Diidaan oo aad ka cadhootaan Taalabadii Sharci darada ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo uu ku bixiyey Warshadii Sibidhka ee dadka ay wada lahaayeen; maantana waad ku saxan tihiin inaad soo Ajiibtaan dalabka taageero iyo soo jeedimaha idinkaga yimid dhionaca Madaxtooyada JSL.

Aniga oo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (SalliDhige) waxaan In Badan oo ah muddo 14-Sanadood (19992013) iyo dheeraad aan u dhibaataysnaa Qaybsanaanta Odayaasha iyo Madaxda Qabiilkayga Ciise-Muuse, waxaana jirta baahi aad u weyn oo anigu aan u qabo in mar uun aan helo iyagoo midaysan. Waxa aad iyo aad ii damqaya Tafaraaruqooda iyo Is-burintooda iyo Is-naqdintooda iyo hadalada xun xun ee ay warbaahinta dalka ay isu marinayaan. Anigu waxaan arkaa dhibta haysata Odayaashayda iyo Madaxdhaq meedkayga, si aan u helo iyagana waxaan ku qasbanahay inaan ka shaqeeyo sidii ay u midoobi lahaayeen oo ay u kala dambayn lahaayeen. Mudadaas 14-sanadood waxay ahaayeen kuwo magaca iyo karamka Qabiilku ugu adeegayey madax Siyaasiyiin ah, waxay ahaayeen kuwo u kala qabysan oo kala sheegan jiray haybahan sidan:-

Ciise-Muusaha Qasriga Madaxtooyada iyo Ciise-Muusaha Dubureed;

Ciise-Muusaha Galbeed iyo Ciise-Muusaha Barri;

Ciise-Muusaha Mucaaridka ah iyo Ciise-Muusaha Muxaafadka ah.

Anigu Garyaqaan ahaan waxaan leeyahay:-

Ahaada Ciise-Muusaha Qasriga-Madaxtooyo, ama ahaada kuwa Dubureed;

Ahaada Ciise-Muusaha Mucaaradka ah, ama ahaada kuwa Muxaafidka ah;

Ahaada Ciise-Muusaha Barri, ama ahaada kuwa Galbeedka sheeganaya, kaad doontaan ahaada oo Ogaada in Dadka Qabiilka Ciise Muuse ay yihiin mid qudhaata (Only One).

Ciise-Muuse ma aha laba qolo, mana aha Saddex qolo iyo wax ka badantoona. Laakiin Qabiilka Ciise-Muuse waa mid keliyaata. Mana aqbali karno in la dhaawaco Odaytinimada Reerka iyo sharafka madax dhaqameedka Ciise-Muuse, kuwa Saaxil iyo dhammaan madaxda dhan iyo Odayaasha Qabaa’ilka JSL.

ARRINKA ISU-DHIIBIDDA MADAXTOOYADA

Marka laga hadlayo arrinka IS-DHIIBIDDA. Horta cid la isu dhiibao iyo cid xagiisa loo cararo waxa u mudan Illaahay (SWT). Markase laga hadlayo arrinka Odayaasha Guddida DAN iyo DUCO iyo Cinwaanka Wargeyskii WAAHEEN ee dhignaa sidan:- “ Dan iyo Duco, iyo Boqolaal Reer Saaxil ah oo Madaxtooyada Isku Dhiibay” waxaan anigu leehaya waa Guul oo meel la isu dhiibo waxa uggu mudan Madaxtooyada Dalkaaga, waanay ku saxan yihiin Odayaasha Qabiilka Ciise Muuse ee DAN iyo DUCO, in ay Quweeyaan iyo in u Hiiliyaan Madaxweynahooda. Madaxtooyaduna waa meeshoodii iyo xaruntii looga Dalkooda ee Taliskooda ahayd, oo ma aha Odayaal Cadow isu dhiibay, Sharciyana waa talaabo sax ah oo ay qaadeen Odayaashayda Qabiilku. Markaa waxaan Bulshada farayaa in ay ku farxaan arrinkaas iyo in aanay ku dhex wareerin Mugdiga Siyaasadeed ee Dawladda iyo Xisbiyada.

SAAMAYNTA BULSHO EE WARKAAS

Markaad eegtid dareenka Bulshada ee reerka Qabiilka Ciise Muuse. Qaar badan oo reer Dubureed (pro-Dubur) ahaa way ka naxeen maqalka arrinkan, oo waxay u qaateen in Odayaashu ay Dhuuni iyo lacagi gelisay, qaarkoodna iyagoo ka eegaya dhinaca saamaynta taageerada xisbiyada aad bay uga xumaadeen. Qaar kale oo ka mid ahaa Taabiciinta la jiray Ciise Muusaha Madaxtooda, oo meel dhow ka fikirayaa waxay ahaayeen kuwo aad u faraxsa, oo waxay arrinkan u arkeen, inay ka qaalib noqdeen qoladii taabacsanayd Dubur oo Odayadoodii ay soo jabeen. Qaarkoodna xisbi Kulmiye iyo waxay u arkaan inay taageero u heleen, iyo in laga soo jabay qoladii Xisbi Ucid.

LA SOCO………………………

By: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories