HomeHeshiiska Sucuudiga & Qadar: Aamusanaanta Xukuumadda M/weyne Biixi, Is-daad-raacinta Somalia iyo Milicsiga...

Heshiiska Sucuudiga & Qadar: Aamusanaanta Xukuumadda M/weyne Biixi, Is-daad-raacinta Somalia iyo Milicsiga Mowqifkii hore ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Waxa Xuduudaha isku furay Dawladaha Qadar iyo Sucuudi Carabiya, ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo taagnaa saddexdii sanadood ee u dambeeyay.

Sucuudiga iyo Dalalka Xulafada la ah ee Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Masar, ayaa xidhiidhka u jaray Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha xagjirka ah, iyagoo xayiraad diblomaasiyeed, mid ganacsi iyo mid safarba ku soo rogay Qadar.

Laakiin, dedaallo khilaafkaasi xal loogu raadinayey oo ay muddo soo wadeen Dawladaha Maraykanka iyo Kuwait ayaa doraad guulaystay, waxayna Sucuuciga iyo Qadar isku fureen xuduudka ay wadaagaan.

Markii Sucuudigu uu furay Xuduudihii dhulka iyo Cirka, waxa Magaalada Riyaadh tagay Amiirka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, kaasi oo aqbalay Marti-qaad uga yimid boqorka Sucuudiga Salman bin Cabdicasis, waxaanu Amiirka Qadar ka qayb-galay Shirka Iskaashiga Dawladaha Khaliijka oo halkaa ka dhacay.

Inkasta oo ay heshiiyeen isla-markaana xuduudaha isku fureen Sucuudiga iyo Qadar, haddana waxa jiray in markii khilaafku soo kala dhex galay uu dagaalkooda diblumaasiyadeed saamayey meelo ka baxsan Dalalkooda isla-markaana wuxuu u gudbay Dalalka Bariga Afrika oo ay ku jiraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland

Imaaraadka oo dagaalka Qadar xulafo kula ahaa Sucuudiga, sidoo kalena Saaxiib la ah Somaliland oo uu Maalgeshi ka sameeyay, ayaa dhaqdhaqaaqyo uu sameeyay awgeed waxay Somaliland taageertay Xulafadii uu Sucuudigu hoggaaminayey, halka ay ka soo horjeedsatay Qadar, iyadoo sheegtay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Qadar.

Dr. Sacad Cali Shire oo xilligii ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed-siilaanyo ayaa Warbaahinta u akhriyey go’aamo ay Golaha Wasiirrada Somaliland ku soo saareen mowqifka khilaafka Qadar iyo Xulafada Sucuudiga 10 June, 2017, waxaanu yidhi “Somaliland iyadoo ka soo horjeedda Xagjirnimada iyo Cid kasta oo taageerta Xagjirnimo, JSL iyadoo tixgelinaysa ilaaqaadka Taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddamada Khaliijka, waxay Golaha Wasiirradu isugu yimaaddeen shir aan Caadi ahayn, shirkaasi wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasi ee ka dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Mowqifka JSL ay ka qaadanayso. Sidaasi darteed Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka soo baxay inay Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerayso mowqifka iyo Aragtida ay Dalalka Imaaraadka iyo Sucuudigu ka qaateen khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo dalka Qadar.”

Waxa xusid mudan in xilligaa Somaliland sheegtay inaan Hawadeeda isticmaali karin Cid aan amar ka ka haysan, taasi loo fahmay diyaaradaha Qadar oo fasax ka haystay Dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya

Laakiin, Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xilligaa qaadatay Go’aan ka duwan ka ay qaadatay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddii Raysal-wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre ayaa khilaafka soo kala dhex galay Qadar iyo Sucuudiga iyo Xulafadiisa ka qaatay Mawqif dhexdhexaadnimo ah, go’aankaasi oo ay ku adkaysatay, inkasta oo la sheegay kin culays dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeedba ay saareen xulafada Sucuudigu hoggaaminayey.

Maanta

Markii uu soo baxay Warka sheegaya inay heshiis gaadheen Dawladaha Qadar iyo Sucuudigu, waxa Dawladda Soomaaliya soo saartay War-saxaafadeed, waxayna sheegtay inay soo dhaweynayso heshiiskaasi.

Hase-yeeshee, Dawladda Somaliland oo la safnayd dhinaca Sucuudiga iyo Xulafadiisa ayaan illaa hadda ka hadal heshiiska la gaadhay, waxaana suurto-gal ah in aanay ka hadalkiisa ugu deg-degin sidii ay ugu kala xaglisay labada dhinac markii uu khilaafku jiray.

 

Xigasho: Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories