HomeHeshiishka UCID Iyo WADDANI, Waxaa iiga Baxey! - W/Q: Fouad Abdisalam

Heshiishka UCID Iyo WADDANI, Waxaa iiga Baxey! – W/Q: Fouad Abdisalam

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

fuaadSalaamu laahi caleykum

Shaley (24 July) waxaa uu heshiish laba geesood ahi ku dhex marey Ambassador hotel hargeisa labada xisbi siyaasi ee mucaaridka ee UCID Iyo WADDANI kuwaas oo  mudooyinkii danbe iyago isku mucaarid ah hadana kala soo horjeedey marmarka qaarna ay hawada isku marin jireen eedeymo kulkuluul oo ay isku weerarayaan.

Hadaba , Markeynu taariikhda dib u yara milicsano waxeynu ogayn in labadan xisbi ay ahaayeen qaar hogaankoodu mid ahaa saddex sano ka hor se khilaaf ba’an oo soo dhex galey ay keeney burburkii balaadhnaa ee ku dhacey Xisbigi UCID oo laba garab u kala jabey gaadheyna ilaa heer maxkamad la isla galo oo garabkii Eng Faisal ali waraabe Hogaaminayey loo xukumo xisbiga , Muddo kooban ka dib siyaasiyiintii uu hogaamiyey abdirahman cirro ay ku dhawaaqeen ururka WADDANI oo doorashadii Golaha deegaanka u gudbey in uu noqdo xisbi qaran oo mucaarid ah.

Heshiishka dhex marey labad xisbi mucaarid ee UCID Iyo WADDANI  oo ka koobnaa toban qodob oo ay mucaaridnimadooda ku xoojinaya ayaa aniga waxaa aragtideyda iiga soo baxey oon u arkey arrimahan hoos ku xusan

1.      Waxeynu ka war qabnaa in dhawaan dalka laga dhawaaqey  gole la magac baxey “Golaha  Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka” kaas oo culus badan saarey dowlada iyo xisbiga kulmiye , sidoo kale buuxiyey boos banaanaa oo ay gabeen xisbiyadda mucaaridka ahi , golahan oo gudoomiyaha UCID Eng Faisal ali waraabe ka mid ahaa ayaa sas badan ku ridey xukuumada sidoo kale la is weydiiyey doorkii ay lahaayeen xisbiyadda mucaaridka ahi , taasi  waxey keeney in Xisbiga WADDANI uu saaxada ka baxo doorkii mucaaridnimo ee uu lahaana meesha ka baxdo , heshiishkani waa u dan Xisbiga WADDANI oo ku dadaalaya in uu dib u soo kabto waxeyna shaley ku guuleysteen in ay garab ka helaan Dhigooda UCID Talaabada xigtana ay noqoto mucaarid xoogan oo la mid ah kan Golaha wadatashiga oo kale in ay galaan.

2.      Haba yaraatee wax dan ahi ugumey jirin xisbiga UCID Heshiishkan dhex marey Xisbiga WADDANI , Weynu ognahey hadii si sax u socoto laba sano ka dib doorashadii madaxweynenimo ayaa la galayaa waxey u muuqatey cududa uu leeyahey xisbiga UCID in ay gaadhsiin kareysey in uu talada dalka ku guuleysto dadkana kasbado , halka WADDANI uu yahey xisbi saaxadda ku cusub siyaasadiisuna ay qunyar socotey tahey imikan fadhi barad ku ah mucaaridnimada dowladda.

3.      Heshiishkani wuxuu soo saarey khilaaf  Xisbiga UCID Ka dhex jira taasna waxaa cadeyn u ah in murashada madaxweynaha UCID Jamal ali Hussein iyo ku xigeenkii Abdirashid aaney goobtaas ka so daahirin iyago dalka ku sugan si cadna ay uga soo horjeesteen ka mid noqoshadii Eng Faysal ali waraabe ka mid noqdey golaha wada tashiga oo muran badan dhalisey, Taas waxeynu u micneysan karnaa in garab ka mid ah UCID ay heshiishkan galeen garab kalena hadaaney  ku waafaqsaneyn cawaaqibkeeda ayey  yeelan doonto burburkii labaad ee UCIDna wey so dedejin kartaa.

4.      Heshiishkan dhex marey labada Xisbi kama muuqato oo looma fasiraxan karo midow soo food leh se waxey muujisey cudud yari iyo caabiga ay xukuumada kala kulmayaa in uu xoogan yahey , waxeynu ogeyn xisbiga kulmiye intaanu talada dalka qaban in labadi Xisbi  mucaarid ee UCID Iyo KULMIYE ee UDUB la halgameyey in uu KULMIYE Awood badnaa , waxaa haboon in UCID iyo Waddani midkood manta sii tusho taash leeg oo u taladda dalka ku gaadhi lahaa , isku imaanshahooduna waxey keeni karta in awoodu isku soo dhawaato sidoo kale xisbiga kulmiye ka faaideysto saaxadda dib u soo galo.

5.      Waxaan taageersan nahey in labada xisbi iyagu aaney isku mashquulin oo aaney is eedeyn taasna wey ku heshiisheen waxaase haboon in labada Xisbi ay kala agenda duwanaadaan  o mucaaridnimadoodu wado kala duwan ay kala mariso.

Waad Mahadsantihiin

 

Fouad Abdisalam Hassan

Qalbi005@gmail.com

Hargeisa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories