HomeHeshiis Somaliland qayb ka tahay oo Dhexmaray Shirkadda Hyundai iyo Shirkad laga...

Heshiis Somaliland qayb ka tahay oo Dhexmaray Shirkadda Hyundai iyo Shirkad laga leeyahay Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Seol (SLpost)- Shirkadda Hyundai qaybteeda Agabka iyo Gaadiidka Dhismaha (HCE) ayaa shaaca ka qaadday inay heshiis rasmi oo ay wakiil uga noqonayso dalalka Bariga Afrika la gashay shirkadda NEFC Group oo laga leeyahay dalka Ethiopia

Shirkadda Hyundai Construction Equipment (HCE)  waxay Shirkadda NEFC heshiis kula gashay inay Qalabka iyo Gaadiidka ay soo saaraan u gaadhsiiyaan, kuna fidiyaan Suuqa Bariga qaaradda Afrika oo wax-soo-saarka shirkaddu ku yar yahay.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda HCE, heshiiska ayaa suurta-galinaya in wax-soo-saarka Agabka Gaadiidka ee HCE uu gaadho Shan Waddan oo Somaliland ku jirto, kuwaas oo ay ka jiraan Shirkado xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo shirkadda NEFC. Waddamadan ayaa kala ah Ethiopia, Djibouti, Somalia, Somaliland iyo South Sudan.

NEFC Group oo la sheegay inay waayo-aragnimo 156 sanno ah u leedahay ganacsiga Qalabka Dhismaha iyo Beeraha isla markaana ka shaqaysa ganacsiyo ay ka mid yihiin Macdanta, Huteellada, Duullimaadka i.w.m, waxa iska leh ganacsadaha ugu maal-qabeen dalka Ethiopia Mohammed Hussein Al Amoudi oo ah muwaadin u dhashay dalka Sucuudiga balse haysta dhalashada dalka Ethiopia.

“HCE waxay mar horeba dhidibbo adag ka aasaastay Suudaan iyo Aljeeriya, waxayna rajeyneysaa inay kasbato suuqyada dalal kale oo ka tirsan Bariga Afrika oo ah suuq ay ku badan yihiin mashaariicda dhismaha sida biyo-xidheennada, waddooyinka waaweyn, Dhismayaasha ganacsiga, Dekedaha, jidadka tareenada iyo Macdan-qodista,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Hyundai Construction Equipment.

blankHeshiiska dhexmaray labada shirkadood oo u qabsoomay qaab Online ah, waxa u kala saxeexay Madaxa Iibka ee shirkadda Hyundai Construction Equipment, Mr Moon Jae-young oo ku sugan dalka Korea oo shirkadda laga leeyahay iyo Ganacsade Hussain Al-Amoudi oo ku sugan dalka Ethiopia.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kordhino saamiga aan ku yeelan lahayn suuqa Bariga Afrika annagoo la kaashanayna NEFC oo saameyn weyn ku leh halkaas, annagoo la midoobayna shirkad saameyn ku leh halkaas sida NEFC oo kale,” waxa sidaas yidhi madaxa Suuq-geynta ee shirkadda HCE.

Dhinaciisa, guddoomiyaha NEFC Group ayaa soo dhaweeyey heshiiska dhexmaray shirkadda Hyundai. “HCE waa shirkad la isku halleyn karo, waxaan ku kalsoonahay in iskaashigayadu gacan weyn ka geysan doono casriyeynta Bariga Afrika iyo ballaadhinta ganacsiga NEFC.” Sidaas ayuu yidhi Ganacsade Hussain Al-Amoudi.

Shirkadda Hyundai waxa gudaha Somailand uga wakiil ah Shirkadda Dahabshiil Group oo heshiis kula gashay in gaadiidkeeda Yar-yar ee ka soo baxa Warshadaheeda si toos ah loogu iib-keeno Somaliland, waxaana badhtamihii sannadkii 2019-kii magaalada Hargeysa laga daah-furayxarun ay leedahay shirkadda Dahabshiil oo lagu iibiyo Gaadiidka ay soo saarto shirkadda Hyundai oo si toos uga yimi wershadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories