HomeHello..!!C/rashiid Dahabshiil ma joogaa? Sidaas waxa yidhi;Wariyihii BBC da. Qaybteeda Af-ingiriisiga!! -...

Hello..!!C/rashiid Dahabshiil ma joogaa? Sidaas waxa yidhi;Wariyihii BBC da. Qaybteeda Af-ingiriisiga!! – W/Q: Cabdicasiis Ansaari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

AnsaariXalay markii ay ahayd sacaddu;9:30 kii ayaa waxa Idaacadda BBC da ka soo galay barnaamij uu diyaariyey wariye ka tirsan BBC da,laanteeda luuqadda ingiriisiga.Mowduucuna Barnaamijkuna  waxa uu ahaa; (Sidee ganacsi looga abuuri karaa wadan aan nidaam iyo kala dambeyni ka jirin???).kaas ayuu ahaa nuxurka barnaamijku xalay.Wariyihu markii ugu horeysay waxa uu soo garaacay tilifoona ahaan,Xafiiska C/rashiid Dahabshiil ee London waxana uu yidhi:(Is C/rashiid Dahabshiil there…?? I would like to talk to him).

(Ma joogaa C/rashiid Dahabshiil in aan la hadlaan doonayaaye?) Dabadeed, haa ayaa loogu jawaabay.Wariyihii waxa uu yimid xafiiskii Dahabshiil ee London.Waxa uu yidhi: (Hadda waxaan hortaaganay xafiis yar oo calaamad Cagaaran ka dul taagantahay oo ay ku qoran tahay; DAHABSHIIL)!!Wariyihii soo soco ayaa lagu yidhi.markii uu sidaas fooda u galay xafiiskii waxa qaabilay oo salaamay C/rashiid Dahabshiil oo soo dhaweeyey.Dabadeed,xafiiskiisii ayuu C/rashiid Dahabshiil fadhiisiyey Wariyihii.

Wariyihii sidaas markii uu galayba waxa uu dareemay meel nidaamsan oo waxa uu yidhi oo sikiyuuratina ileyn waad leedihiin…!!!!intaas ka dib waxa bilowday,Wareysigii uu wariyuhu ka qaadaayey C/rashiid Dahabshiil.Wariyihii waxa uu bilaabay su’aalihiisii. Waxana uu yidhi:C/rashiid Iga waran ganacsigaaga iyo meelaha aad ka shaqeysaan?

C/rashiid waxa uu yidhi;waxaanu ka shaqeynaa dhemaan Wadanka Soomaaliya oo ay ugu muhiimsanyihiin; Hargeysa,Boosaaso,Muqdisho………iyo Aduunkoo dhan meel kastoo …Soomaliyi joogto.Waayo;Bulshada Soomaalidu waa Global…waa caalam joogto..!!!Wariyihii waxa uu kariwaayey in uu ku dhawaaqo Hargeysa……dabadeed, waxa uu yidh;(Where is Hagiisa…..?).C/rashiid ayaa u saxay sida loogu dhawaaqo Hargeysa…..dabadeed,waxa uu yidhi:Hargeisa is in Somaliland.C/rashiid waxa uu waydiiyey halka ay wax ka soo bilaabeen,markii ay aas aaseen shirkaddooda? C/rashiid waxa uu uga xog waramey,sida iyo wakhtiga ay soo bilaabeen shirkadda oo ahayd:40 sano ka hor.waxa kaloo uu sheegay in Aabihii shirkadda bilaabay xilligaas oo ay kolba marxalad soo mareysay….waxa kaloo uu C/rashiid Dahabshiil aad uga hadlay in aabihii dalkaasi imaaraadka joogi jiray oo uu shaqada xoogeeda halkaas ka sameeyey……!!

C/rashiid oo Af-ingiriisi aad iyo aad u fiican oo ay ku dheehantahay fasaxadi ayaa kolba jawaab qosol leh siinaayey wariyaha oo isaga laftiisu nin kaftan badan ahaa oo luuqad faseexa ku hadlaayey…intii warysigu socday,ayaa wariyihii Shaah loo keenay markaas ayuu qoslay ….kkkkk.Markii uu wareysigiisii ka dhameystay C/rashiid, ayaa uu ku noqoday Istuudyihii BBC qaybta ingiriisiga..dababadeed,waxa uu bilaabay in uu dood dhexdhigo dhowr qof oo aqoonyahaniin ah,oo ajaanib ah oo rag iyo haween ba isugu jira.

Waxa ka mid ahaa dadkaaas dooda lagu martiqaaday:Qoraa caan ah,oo qoray buug la yidhaahdo:(What can the US learn from China).Wariyihii waxa uu dadkaas dhexdhigay dooda ah;(Sidee Ganacsi looga abuuri karaa Wadan aan kala dambeyni iyo nidaam ka jirn??)

Waxa kaloo uu raaciyey waxa jira nin C/rashiid Dahabshiil la yidhaahdo; oo ka abuuray Soomaaliya ganacsi balaadhan oo nidaamsan oo leh  adeeg  aad  uu fiican….C/rashiid side ayey ugu suurooday?? Mise waxa uu jeexay dariiq aan hore loo arag..???

Dadkii dooda ka qaybgalay waxa ay yidhaahdeen;Way adag tahay in laga aas aaso ganacsi wadan aan daganaashiiyo iyo kala dambeyni ka jirin…!! Laakiin sheekada C/rashiid waa (exceptional) waa arrin gooni ah.!!!

 

Qore: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School.

Email:ansaari25@hotmail.com.Tel:00 252 2 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories