HomeHeerka Musuq-maasuqu ka marayo Dalka Jabuuti oo la ammaanay

Heerka Musuq-maasuqu ka marayo Dalka Jabuuti oo la ammaanay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

DJIBOUTI (SLpost)- Warbixin lagaga hadlayey maamulka Maaliyadda iyo lacagaha oo Baanka Adduunka shalay soo saaray, ayaa si weyn loogu ammaanay dedaal dawladda Jabuuti ugu jirto la-dagaalanka musuqmaasuqa.

Dedaalka Dawladda Jabuuti ka samaysay la-dagaalanka Musuqa, aya warbixintu sheegtay inay u horseedday isbeddel dhiirranaan leh oo sababay in dalkaasi kor uga soo kaco heerka uu sannadahii hore kaga jiray liiska dalalka adduunka ee halista musuqmaasuqu aafeysay.

ismail-omar-geleWarbixintan oo sannad walba Baanka adduunku ka diyaariyo heerarka musuqmaasuqa ee waddamada dunida, waxa lagu sheegay in aafada musuqu aanay wakhtigan mushkilad jirta oo la tirsado ka ahayn dalka Jabuuti oo 13% hoos uga dhacay heerkii uu sannadkii 2013-dii ka joogay adduunka oo derejada qiyaasta dalalka adduunka ee musuq-maasuqu aafeeyey ka ahayd 16.8, marka loo eego sannadkii 2012-dii oo dalkaasi kaalmaha hore kaga jiray liiska dalalka qaaradda Afrika ee aafadani regaadiysay.

Warbixinta Baanka Adduunka, waxa ay dawladda Jabuuti ku dhiirri-gelisay sii xoojinta cidhib-tirka musuqa, iyada oo lagu sheegay in xaaaldu dhinaca wanaaga u socoto sannadba ka ka dambeeya, haatana ku dhowdahay heerka wadamadda horumaray.

Horumarka dalka Jabuuti ka gaadhay la-dagaalanka musuqmaamsuqa ayey warbixintu xustay inuu ku yimi siyaasadda Madaxweynaha dalkaas ku jideeyey nidaam casri ah iyo shuruuc lagula dagaalamo musq-maasuqa.

“Si loo gaadho hadafkaa waxay xukuumada jabuuti diyaarisay nidaamkii hab furfuran loogu maamuli lahaa hantida shacabka oo natiijadeedu keentay calaadaha xilligan muuqda,” sidaas ayaa lagu sheegay war-bixinta.

Wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay warbixinta inay muujiyeen awooda ay ku maarayn karaan caqbadaha ka soo waajaha miisaanka maalgashiga caalamka oo siyaasad cad loo dejiyey sidii loo dhiirri-gelin lahaa horumarinta dhinacyada kaabayasha.

“Korodhka shaqo-abuurka waxa uu sare u kacay boqolkiiba 6.6%, halka horumarka dhismayaasha ee shirkaduhu gaadhay kor-u-kac boqokiiba 49%, taasina waxay gaadhsiisay inay hantiyaan saaxiibka horumarka Geeska Afrika,” ayaa warbixin lagu sheegay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories