HomeHeerka Kalsoonida iyo Guusha Mustaqbal ee Jacaylka oo qaab-xisaabeed lagu cabbiray

Heerka Kalsoonida iyo Guusha Mustaqbal ee Jacaylka oo qaab-xisaabeed lagu cabbiray

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Macalin ku takhasusay maaddada xisaabta oo wax ka dhiga jaamacadda Oxford iyo koox uu hoggaaminayo ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in sii jiritaanka xidhiidhka jacayl ee ka dhaxeeya lammaanaha lagu ogaan karo hab-xisaabeed.

Professor James Murray iyo asxaabtiisa oo cilmi-baadhistooda ku sameeyey 700 oo lammaane waxa ay hore daraasad ku saadaaliyeen heerka kala-tagga lammaanaha taas oo 94% sax noqotay.

blankHab-xisaabeedkooda ay adeegsadeen oo ahaa mid aad u fudud, kaliya waxa ay natiijadeeda kala soo baxayeen wada-sheekaysi 15 daqiiqo ah oo dhex mara lammaanihiiba.

Lammaanayaasha oo guryahooda lagu booqanayey, waxa la waydiinayey inay is-hor fadhiistaan isla markaana ay dodo kawada yeeshaan qodobo ay ka mid yihiin lacagta, galmada iyo xidhiidhka uu mid ka kale qaraabadiisa la leeyahay.

Prof Murray iyo kooxdiisu waxa ay diiwaangelinayeen macluumaadka ay ka helaan lammaane kasta waxaanay mid kasta u sheegayeen meelaha ay ku saxsanaayeen iyo meelaha ay ku qaldanaayeen. Dhibcaha ay siinayeen ayaa ka bilaabmayey +4 ilaa -4.
Lammaanaha ay doodooda ka muuqatay Jacayl, maad iyo farxad intii ay hadlayeen ayaa la siiyey dhibcaha ugu badan, halka kuwa ay dooddooda ka muuqatay danayn-la’aan ka kale fikirkiisa iyo inay dooddoodu dhasho inay gacan hadlaan iyagana waxa la siiyey dhibcaha ugu hooseeya.

Professor-ku waxa uu sheegay in dhibcaha laga qaaday ninka iyo naagta loo dhigay qaab xisaabeed isla markaana lagu muujiyey garaaf. Goobta ay ku kulmaan laba layn waxa ay muujiyeen fursadda uu guurkaasi u leeyahay inuu guulaysto iyo inuu fashilmo.

“Waxaan wali la yaabbanahay si shucuurta bani’aadamka loogu dhigi karo hab-xisaabeed isla markaana saadaal laga samayn karo,” sidaa waxa yidhi Professor Murray. Isaga oo sii watana waxa uu yidhi, “Waliba, waxa kale ee iga yaabiyey ayaa ah sida wada-xaajoodka lamaane dhex mara loogala soo bixi karo sida uu yahay is-dhexgalkoodu.” Isaga oo ka hadlaya sida ay ku heleen natiijadooda waxa uu yidhi, “Dhibcaha aanu siino lammaane kasta ayaanu ku habaynay garaaf. Haddii ninka ama naagtu uu fikirkeedu si joogto ah u noqdo mid taban, markaa waxa dhow inay is-furaan.”

Professor-ku waa uu sheegay in lammaanayaasha is-qaba loo qaybiyo shan kooxood – kuwaas oo laba ka mid ah xasiloon yihiin, labana aanay xasilloonayn, midna labadaa u dhexeeyo. Isaga oo kuwan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Kooxda ugu horraysaa waa lammaaneyaasha waara, waana lammaane deggen, isku kalsoon isla markaana is-caawiya kuna wadaasha noloshooda xidhiidh jacayl ku dheehan yahay. Waxay doorbidaan inay fikirkooda wadaagaan. Kooxda labaad waxa loo yaqaan ka-hortageyaal. Waxay isku dayaan inay ka hortagaan iska hor imaan iyo is-faham waa soo dhex gala. Kaliya waxa uu midba ka kale ugu jawaabaa si uu ku qanco ka kale.”

Sidoo kale Professor-ku waxa uu yidhi, “Xidhiidhka ugu deggen ee lammaane wadaago waa ka ay u arkaan inuu guurka muhiimaddiisu tahay wehel, ubad iyo mustaqbal.” Waxa uu sheegya inay jiraan koox kale oo lammaanuhu ay wadaagaan jacayl laakiin murankoodu badan yahay. Kuwani waxay isugu jiraan qaar deggen iyo qaar aan deggenayn laakiin inta badan wada-noolaanshahooda farxadi kama muuqato.

Kooxda ugu dambaysa waa lammaaneyaal mid ka mid ahi uu daan-daansi badan yahay isla markaana raba inuu murmo halka ka kale aanu jeclayn inuu kala hadlo qodobka uu ka kale danaynayo.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories