HomeHeblaayo ii baadh! – W/Q: Cali Coomay

Heblaayo ii baadh! – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa galab, abbaaro 4:30-kii waxaan saf ugu jiraa xawaaladda Dahabshiil, qaybteeda gar-gaar. Shan qof ayaa iga horeeya, laba dumar ah, oo aan da’doodu kula qiyaasay afartan jir iyo konton jir, iyo saddex nin oo iyana da’doodu ku qiyaasay shan iyo afartan jir iyo lixdan jir. Waxa iga dambeeya laba hablood oo iyana da’dooda ku qiyaasay labaatan jir iyo soddon jir. Dadka waxa ka muuqata   qadarin,  qiimayn,  quudaryn,  quluub fiicni,qaayo wacnaan iyo ixtiraam. Shaqaalaha waxa iyana ka muuqata deganaan, dadnimo, dulqaadnimo, deeqsinimo, daacadnimo, diir-nax, dabacsanaan  iyo dawladnimo. Goobtan waxa ku sugan dad aan badnayn. Laba odey ayaa fadhiya laba kursi oo dhinaca galbeed ka soo jeeda, ma wada hadlayaan, mid kastaa si degan ayuu wax u sugayaa. Dhinaca koonfureed waxa taagan gabadh sidata shandad weyn oo cadar kala nooc ahi ka soo kamkamayo. Meeshii oo dhan ayuu qabsaday.

Waxay xidhan tahay dhar gaagaaban, hadalka kor ayey u qaadaysaa, oo dadkii oo dhan ayaa kolba eegay. Waxaan u maleeyey inay qurbaha ka timid. Markay hadlayso waxay isku dhexdaraysaa af-soomaali iyo kelmado af-faranji ah. Nin iga horeeyey ayaa si hoose u yidhigabadhan hadalka dhaadheeri maxay ahayd?”. Gabadh iga dambaysay ayaa ugu af-celisay” waa kuwan dibada ka yimid ee dhaqankii gaalada soo waariday”. Ka dib nin isna xaga hore safka kaga jiray ayaa soo galay hadalkii oo yidhi” waar xanta iska daaya, oo dadka faraha ha galinina”. Waxa markiiba kula booday gabadhii ku xigtay oo tidhi” wax jira ayaa la sheegayaa, oo xumaanta waa in laga hadlo, ee dadka afka ha qabanin.” Ninkii intuu yaabay, ayuu dib u soo eegay waanu  iska aamusay. Wuxuu u muuqday nin wadaad ah, oo dambiga jooji is-lahaa,balse waxbaa ka raacay.

Gabadhii doodda dhalisay ayaa dhammaysatay hawsheedii, waanay iska baxday. Gabadhii ninka ku aamusiisay ayaa isha la sii raacday waxayna tidhi” bisinka, naa ma geed bay ka boodaysaa, way wada xaydatay”. Intii ka ag-dhawayd ayaa qosol wadareed jaanta wadhay. Safkii ayaa fududaaday, oo hal qof ayaa iga horeeya, xaga dambena dad badan ayaa ku soo kordhay, oo qiyaas ahaan ilaa toban ayaa iga dambeeya. Iyadoo hadalkii yara go’ay ayuu hal-mar daf na soo yidhi, nin maqiiqan, oo aan cidna waxba isaga tirinayni. Wuxuu isku maqiiqay ninkii dadka u adeegayey, waxaanu deg-deg qoorta ula galay daaqadii, markiiba wuxuu ku bilaabay” heblaayo ii baadh”. Ninkii iga horeeyey ayaa si cadho leh ugu yidhi” waa lagaa horeeya, ee safka soo gal”. Umu jawaabin, tiisa ayuu iska watay.

Mar kale ayey gabadh iga dambaysay ku tidhi” safka ixtiraam waa lagaa horeeyaa, safka dambena soo gal. Intuu idho aan seexan ku eegay ayuu ku yidhi” hadalka yarayso”. Gabadhii ayaa ka sastay indhaha, wayna iska aamustay. Aniga oo hadalkii soo wata, ayuu nin xaga dambe safka kaga jiray, soo booday kuna yidhi” waar meeshu xero-jaadii  maahee dadka ixtiraam oo safka xaga dambe ka soo gal, xageed noo khasbaysaa”. Intuu in waxoogaa ah, yuusay ayuu meeshiiba isaga baxay. Ka dib waxa la galay falanqayn ninkii ku saabsan. Gabadha ayaa tidhi” waa ninku muxuu ahaa?”. Oday ka horeeyey ayaa ugu af-celiyey “ dee jaadle ayuu ahaa, sowkii sidii xero-jaada inoola dhaqmay.” Oo xero-jaadu ma sidanaa la isu-boobaa”, ayey tidhi. Odaygii  ayaa ugu af-celiyey “ ilaahay kuma geeye, waa meel aan laga sheekayn karin.” Ninkii iga horyeeyey ayaa ku raagay, oo waxa la weydiinayey dhawr su’alood. Ka dib gabadh iga dambaysay ayaa tidhi” oo ninkan hawshiisu badanaa”.

Ka dib oday ka dambeeyey ayaa ugu jawaabay” samir , ileyn hawshiisa ha loo dhameeye, samirkaa inagu yar, waa kii ina cabdulle xasan yidhi” iidoor sal-fududaa wuxuu sugayo  muu dhawro.” Gabadhii hadalkii odayga way ku qanacday, balse nin da’dhexe ahaa, oo odayga ka sii dambeeyey ayaa ka booday hadalka ina cabdulle xasan waxaanu yidhi” ina cabdulle xasan tuug ayuu ahaa waxaanu doonayey inuu boqortooyo noqdo, taasina iidoorku way diideen, markaa hadalkiisa in la soo qaato maaha. Ka dib waxay dooddi ka dhexqaraxday ninkii iyo odaygii. Odaygii ayuu ku yidhi” shalay ayaad dhalatay, oo waxba kamataqaanid ina cabdulle xasan, angu goobjoog ayaan ahaa, adiguna maad dhalan. Waxaanu intaasi raaciyey, aniga iga warayso.” Iyadoo dooddu halkaasi maraysa, ayuu mid ka mid shaqaaluhu ka codsaday in hadalka hoos loo dhigo, maadaamo goobtu tahay xafiis shaqo. Waanay ka aqbaleen, oo hadalkii dhammaan wuu joogsaday. Ninkii iga horeeyey ayaa loo dhameeyey hawshisii, waanu soo baxay. Kolkii uu soo dhaqaaqay, ayey dadkii safka ku jiray dhammaan ku eegeen indho karaahiyo ku jirto, balse aan hadal socon. Anigaa galay oo hawshayday socotaa ee m haleelayo hadalke nabadeey.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories