HomeHay’adda Xuquuqul Insaanka Amnesty Oo Ku Ee Deysay In Kenya cadaadis xoogleh...

Hay’adda Xuquuqul Insaanka Amnesty Oo Ku Ee Deysay In Kenya cadaadis xoogleh ku heysa Qaxootiga Soomaalida

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Kenya (SLPOST) Dawlada Kenya ayaa wada olole ay ku dooneyso inay dib u celiso qaxootiga Soomaalida, isla markaana ku baaqday hirgelinta heshiiskii November 2013

qaxootiga_soomaalida_

Dawlada Kenya ayaa diiday inay diiwaangeliso qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda soogalaya, xili ay sheegtay in la bilaabay dib u celinta Soomaalida ku jira xeryaha qaxootiga.

Hay’adaha Xaquuqul Insaanka sida Amnesty international oo warbixin kasoo saaray xaalada dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan wadanka Kenya, ayaa si weyn u cambaareeyey falalka ay ku kaceyso dowlada Kenya.

“….Booliiska iyo hay’adaha amaanka waxay wadaan xariga iyagoo aan si kala sooc lahayn u bartilmaamsanaya Qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna tani u muuqataa inay tahay cadaadis lagu doonayo in Soomaalida lagu khasbo inay dalkooda dib ugu noqdaan…”ayaa lagu yiri Warbixinta Amnesty oo ciwaan looga dhigay “..No Place Like Home..”

Kuxigeenka madaxa Amnesty ee Bariga Afrika Sarah Jackson ayaa sheegtay in marxalada ay hada ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ay tahay mid aad u adag isla markaana ku khasbeysa in Soomaali badan ay dalkooda dib ugu noqdaan, xili ay dagaaladii ay kasoo qaxeen ay weli ka socdaan wadankooda.

Balse dowlada Kenya ayaa ku doodaysa in xaalada Soomaaliya ay hada degen tahay, isla markaana waxay xukuumada Kenya ugu baaqday dowlada Soomaaliya inay dar dar geliso heshiiskii bishii November 2013 ka dhacay magaalada Nairobi.

Heshiiskaasi sadex-geesoodka ahaa oo ay wada saxiixeen dowlada Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa qorayey in qaxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo, muddo 3 sano gudaheed ah.

Hase yeeshee dowlada Kenya ayaa dooneysa in hawshan la dar dar geliyo, halka dowlada Soomaaliya oo horey heshiiskan u saxiixday ay u muuqato mid aan u diyaarsaneyn wax qorshe ah oo ku aadan Qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo dowladaasi weli ku guuleysan inay sugto amniga dalkeeda.

Heshiiskii dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee dowlada Federaalka Soomaaliya saxiixday 10kii bishii November 2013, ayaa horey loogu sheegay inuu ahaa mid ay ku deg degtay dowlada Soomaaliya xili aysan xukuumadaasi awood u lahayn inay wadankeeda maamusho.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiligii ay heshiiskaasi saxiixayeen sheegay in aan qaxootiga khasab lagu celin doonin, balse la caawin doono dadka raba in iskood ay u noqdaan, waxaana muuqata in qaxootiga lagu khasbayo inay isaga baxaan Kenya.

Waxaana heshiiskaasi si weyn u cambaareeyey qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya oo u arkay inuu ahaa heshiis dowlada Kenya wadada ugu xaareyso inay si khasab ah dib ugu celiso wadankooda.

Sanadkii lasoo dhaafay 2013 ayaa la sheegay in qaxooti ka badan 42 kun oo Soomaali ah gaareen dalka Kenya, halka in ka badan 60 kun oo Soomaali ah ku baro kaceen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories