HomeHay'adda WHO oo Shaacisay in Qaaradda Yurub noqotay Xuddunta Cusub ee Faafidda...

Hay’adda WHO oo Shaacisay in Qaaradda Yurub noqotay Xuddunta Cusub ee Faafidda Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Geneva (SLpost)- Qaaradda Yurub ayaa noqotay Xudunta Cusub ee faafitaanka Cudurka COVID-19 iyadoo kiisaska laga soo tabinayo dalka Shiinuhu ay hoos u sii dhacayaan, isla markaana cudurka dilaaga ahi ka dilaacay Talyaaniga iyo waddamada ku dhow, sida ay Jimcihii sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

blank
Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus

Saraakiisha WHO ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in cudurka COVID-19 yahay masiibo caalami ah maadaama caabuqa coronavirus si xawli ah ugu faafayo adduunka oo dhan laga soo bilaabo Eeshiya ilaa Yurub, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Maraykanka iyo qaaradda Afrika.

“Kiisas badan ayaa laga soo tabiyaa Yurub maalin walba marka loo eego intii laga soo tebinayay markii uu faafistiisu halka u sarreysa ka gaadhay Shiinaha,” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva oo ah Xarunta Guud ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub, ayaa walaac xooggan ka muujiyey saamayn uu cudurkani yeeshay iyo sida ay u adagtahay in xilligan laga helo daawooyin xakamayn kara fiditaanka cudurka oo xilligan faro-baas ku haya qaaradda Yurub.

“Marka Fayrasku jiro, dadkuna aanay haysan wax difaac ah, wax daawo ahna aan loo haynin, markaa filo in 60% ilaa 70% shacabka uu ku dhici doono,” sidaa waxa tidhi hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel oo arrintan kaga hadashay shir-jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Berlin.

Dalka Talyaaniga ayaa xilligan ugu badan kiisaska la xaqiijiyey marka laga yimaaddo Shiinaha, iyadoo laga soo tabiyey ugu yaraan 15,113 ruux oo qaba cudurka Covid-19, waxa ku xiga dalka Spain oo 4,334 ah, Jarmalka oo 3,156 qof laga helay iyo Faransiiska oo 2,882 qof la xaqiijiyey, sida lagu xusay xog-ururin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins. Sida warbixintu sheegtay, waddamada kale ee qaaradda Yurub ee kiisaska ugu badan laga helay waxa ka mid ah Switzerland oo 1,125 kiis ah, waxa ku xiga Sweden 809 kiis, Netherlands 804 qof iyo Denmark oo cudurka laga helay 788 qof.

Sida ay sheegtay warbixintan oo Jimcihii soo baxday, dalka Maraykanka ayaa xilligan maraya 1,701 kiis. Madaxweynaha dalkaas, ayaa todobaadka horaantiisii shaaciyey in gebi ahaanba la xannibay socdaalka dadka ka tagaya qaaradda Yurub, in kasta oo go’aankan laga reebay dhowr waddan oo Ingiriisku ka mid yahay.

Caabuqa CoronaVirus ayaa ka soo bilaabmay gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha saddex bilood ka hor, waxaanu ku faafay 132,000 oo qof oo ku kala nool 123 waddan oo adduunka ah, iyadoo ay u dhinteen 5,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha WHO.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories