HomeHay’adda Waddooyinka Addis Ababa Oo Tababaro Ku Taageeri Doonta Shaqaalaha Dawladda Hoose...

Hay’adda Waddooyinka Addis Ababa Oo Tababaro Ku Taageeri Doonta Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo maalmahan u dambeeyay socdaal shaqo ku jooga xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa shalay kulan dheer la qaatay Maareeyaha Guud ee hay’adda hay’adda maamusha waddooyinka Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa [Addis Ababa City Road Authority (AACRA)], Eng. Fekade Haile iyo qaar ka mid ah madaxda kale ee hay’adaas.

Kulanka Maayarka iyo Guddoomiyaha Wadooyinka ItoobiyaKulankan wada-hadalka ah ayay Maayarka caasimadda Hargeysa iyo Masuuliyiinta hay’adda AACRA oo ah hay’adda dhinaca wadooyinka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ka shaqaysa, isla markaana hoos tagta Maamulka dawladda Hoose Addis Ababa, ayay daba socday kulankii dorraad dhexmaray Maayarada Hargeysa iyo Addis Ababa, waxaanay kaga wada-hadaleen sidii ay dawladda hoose ee Addis Ababa u taageeri lahayd dhinacyada tababarada iyo aqoon-korodhsiga ee la xidhiidhada waddooyinka iyo wixii qalab ah, waxaanay masuuliyiinta hay’adda AACRA kulankaas Maayarka Hargeysa sharax muuqaal (presentation) ka siiyeen habka ay u qorsheeyaan waddooyinka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Kulanka Maayarka Iyo Maareeyaha AACRASidoo kale waxay labada dhinac kulankaas iskula qaateen sidii hay’addani Injineero iyo shaqaale ka tirsan dawladda Hoose ee Hargeysa ah tababar ugu siin lahayd habka sameynta qorsheynta waddooyinka Caasimadda Hargeysa iyo weliba tababar kale oo shaqaalaha iyo injineerada dawladda hoose ee Hargesya lagu tababari doono samaynta jidadka xaafadaha dhexdooda ah ee dhagaxaanta la qorey laga sameeyo.
Sidoo kale wuxuu Maareeyaha Guud ee hay’adda Maareeyaha AACRA, Eng. Fekade Haile u balanqaaday Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid inay ku caawin doonaan wixii qalab ah ee ay awoodi karaan.

Mayar iyo Guddomiyaha WaddooyinkaUgu dambeyntii Maayarka Hargeysa, ayaa masuuliyiinta hay’adda AACRA, waxa uu uga mahadnaqay soo dhawaynta iyo taageerada ay u balanqaadeen inay ku caawin doonaan, isagoo dhinaca kalena ku hambalyeeyay qorshaha horumareed ee dhinaca waddooyinka ee ka muuqda waddooyinka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa, ayaa shalay waxa uu Addis Ababa kala kulmay ardayda reer Somaliland ee wax ka dhigata Jaamacadaha dalka Itoobiya, kulankaas oo uu Maayarku ardayda uga waramay guud ahaan xaaladda dalka Somaliland, halka dhinacoodana ay ardaydu xog-waran ka siiyeen xaaladahooda waxbarasho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories