HomeHay'adda Somaliland u qaabilsan Ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah oo ka Hadashay isbeddelka...

Hay’adda Somaliland u qaabilsan Ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah oo ka Hadashay isbeddelka Cimilada iyo duufaanada ka dhacay Gobol ka Geeska Africa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLpost)Hay’adda Ka hortagga masiibooyinka ee Somaliland ayaa maanta warbixin ka bixisay xaaladda cimilada iyo duufaanada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika kuwaas oo, welina ka socda meelaha qaarkood.

Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ayaa sheegay in dabaylaha iyo roobabkan is huwani ay yihiin nooc gaar ah oo ka mid ah cimilooyinka yimaadda waxana uu magaceeda ku sheegay (TROPICAL STROM-038).

Maxamed-Muuse-Cawaale

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dabayshan qoyan lagu magacaabo Cyclon, ayna ka soo kacday biyaha Badweynta Hindiya, iyadoo halkii ay dariiqeedii ku sii socon lahayd u soo baydhay dhinaca geeska afrika sida Somalia oo ay ku dhufatay magaalooyinkii xeebaha khasaarena gaystay.

Md. Maxamed Muuse Cawaale oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay dabayshu iyadoo aan itaal badan lahayn ay soo gaadhay xeebaha bari ee Somaliland iyo meelo kay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo,lagana dareemayo ilaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo qoyaankeedii u soo tallaabay.

Dhanka kalena Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in illaa hadda aanay ka war haynin cid wax ku noqotay Somaliland gudaheeda, laakiin uu guud ahaan dalka ka jiro Qabow iyo dhaxan aan noociisa hore loogu arag deegaanadan.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories