HomeHay’adda Shaqaalaha oo shaacisay in la xaddidayo Xuquuqda Qofka Shaqaalaha ah, kuna...

Hay’adda Shaqaalaha oo shaacisay in la xaddidayo Xuquuqda Qofka Shaqaalaha ah, kuna wareejisay hay’adaha Dawladda Buug lagu koobay Natiijada Imtixaankii Shaqaalaha

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)- Mas’uuliyiinta Hay’ada Shaqaalaha dawlada ayaa Maanta Gudoonsiiyay Qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa banaan ee dawlada Nuqul buug ah oo lagu soo koobay natiijada imtixaankii Qiimaynta Shaqaalaha ka hawlgala .

Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ahayd hay’adihii Dawladda ee la guddoonsiiyey natiijada imtixaanka Qiimaynta ah, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil iyo madax kale oo la socday

blank

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil ayaa  wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyey doorka ay ku lahaayeen  habsami u socodsiinta hawlaha ay u xilsaaran tahay hay’ada shaqaalaha dawladu  isla markaana ay si dadban ugula qayb qaateen gudashada waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan .

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada oo sharaxayey waxyaabaha ilaa hadda ka soo baxay natiijooyinka imtixaankii qiimaynta waxa uu sheegay in la helay shaqaale rasmi ku ah hay’adaha dawladda ee kala duwan, halka sidoo kalena uu Gudoomiyuhu xusay inay  ay shaqaalaha laftoodu kor u qaadeen  aqoontooda wixii ka dambeeyey markii  imtixaanka la bilaabay , isagoo intaas raaciyay in shaqaalihii u dambeeyey ee Imtixaanka laga qaaday oo tiradoodu dhamayd 420 ay ka dhaceen 5 qof oo keliya.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil  oo munaasabadaas kaga  warbixiyey qorshayaasha hay’adda shaqaalaha ee sanadkan 2012, waxa uu cadeeyey inay qorshaha ku darsadeen sidii loo kala saari lahaa shaqaalaha rasmiga noqday iyo sidii  loogu kala samayn lahaa Derejooyinka  A 9 ilaa A 1 iyo sidoo kale B 9 ilaaB 1 ama C 9 ilaa C 1,

Waxa uu Gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay in la xadidi doono xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan kuwa  hawlgabka noqda iyo kuwa geeriyooda. Taasoo ay dheer tahay sida uu sheegay abaal marino la siin doono shaqaalaha mas’uuliyadooda ka soo baxa, waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daray inay  wasaarad waliba u samayn doonto  meel laga helo xogtooda oo dhamaystiran .

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalahu waxa uu agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta si rasmi ah u gudoonsiiyey Nuqul ka mid  ah Buug ay ku dhan tahay natiijada Imtixaankii qiimaynta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta .

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee JSL Mudane Faysal cali Sheekh oo kulankaasi ka hadlay waxa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahadceliyey hawsha qaran ee ay hayaan .

Dhinaca kale, La taliyaha wasiirka warfaafinta Engineer Maxamed  Maxamuud Xasan Mijir oo dhowaan ka soo laabtay mandaqadda aasiyada fog gaar ahaan wadanka China oo laga soo qaadayey Idaacadda weyn ee dalka la keenayo ayaa warbixin kooban ka bixiyey idaacadaas oo uu ku sheegay inay tahay 100 KWT ah oo ay farsamaysay shirkad caan ah oo caalamka oo dhan u kala dirta agabka ay farsamayso.

Kulankaasi ka bacdi mas’uuliyiinta lab
ada dhinac waxay kormeer wada jir ah ku mareen Hoolka Tiyaatarka wasaaradda warfaafinta oo uu ka socday Imtixaan aqoon korodhsi ah oo laga qaadayey shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta oo muddo labo bilood ah waxbarasho xidhiidh ah ku soo jiray.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil  ayaa kormeer kan la mid ah waxa uu ku soo maray Wasaarada Maaliyada,Hanti dhawrka Guud,Xisaabaadka iyo hay’ada Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories