HomeHay’adda Shaqaalaha Oo Gobolka Awdal Ka Bilawday Tiro-Koobka Iyo Tayeynta  Shaqalaha Dawladda Iyo...

Hay’adda Shaqaalaha Oo Gobolka Awdal Ka Bilawday Tiro-Koobka Iyo Tayeynta  Shaqalaha Dawladda Iyo Guddoomiye Sharmarke Geellle Oo Faahfaahin Dheeraad Ah Ka Bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa Gobolka Awdal ka bilawday hawlgalka Tiro Koobka Diwaangelinta ee Madax Taabashadda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo mudo Bilk a badan ay hay’addani guddaha Somaliland ka wado oo si habsami ah dalka uga socda.

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha SomalilandGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Sarakiisha iyo Madaxda kale ee Hay’addaasi, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Gobolka Awdal iyo Deegaanadda hoos yimaada Mashruuca ay mudooyinkii u dambeeyey hay’addani gacanta ku hayso ee hawlgalka Tiro Koobka Diwaangelinta ee Madax Taabashadda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, waxaana  Guddoomiye Sharmarke Geelle uu tafaasiil ka bixiyey muhiimada uu qaranka ugu fadhiyo hawlgalkani oo uu tilmaamay inay tahay sidii shaqaale tirsan oo tayo leh gudana kara waajibka shaqo ee qaranka Somaliland looga baahan yahay ujeeda ugu wayni ay tahay taasi oo la helo, taasina ay tahay mida uu horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ku xidhan yahay.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu horayn Shir Jaraa’id isaga ay agfadhiyaan maamulka Gobolka Awdal ku qabtay magaaladda Boorame waxa uu faahfaahin ka bixiyey shaqada ay ka bilaabeen halkaasi waxaanu yidhi “Saaka waxa goboka Awdal ka furmaaya mashruucii iyo hawlqabadkii balaadhnaa ee ahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda, maaha macnaheedu la dagaalanka Shaqaalaha Caaglaha oo kaliya waa dib u habaynta shaqaalaha dawladda, shaqaalaha dawladda ayeynu habaynaynaa dib ayeynu u hagaajinaynaa si aynu u ogaano baahiyahooda ma qalaba ka maqan ma qorsha ka maqan , ma tababarba ka maqan ma dhaqaala ka maqan , ma xirfadba ka maqan , maxaynu u qabana shaqaalaheena si ay u gutaan shaqadooda qaranka, sida darteed hawshan iyo hawlgalkan aanu gacanta ku hayna waxay iskugu jirta tiring iyo tayeynta shaqaalaha dawladda ee qaranka Somaliland lagu sameynaayo , waynu tirinaynaa markaynu tirinana xogtii aynu soo helay ayaanu ku tayeynaynaa Somalidu waxay tiraahda war la helyaaba talo la hel imika war doon ayaanu nahay si taladii hawshaasi ku qabsoomaysay aanu u hel”

Sharmarke Geelle oo hadalkisia sii wata waxa uu yidhi “Dadka wixii macquula waanu u hagaajinaynaa magacyadooda oo waynu habaynaynaa oo dib u habayn ayaa lagu sameyn doona oo derejooyinkooda ayaa dib loo eegayaa oo waxaanu leenahay shaqaaloow derejadan aad ku mushahaarka qaadato xaq ma u leedahay mise Muwaadin walaalka ah ayaad xaqiisa haysat oo kaaga xaqlahaa , derejaddan aad ku qaadato imika bilood mid ka saraysa leedahay, qaar ayaa derejadda (C-da) ku qaata oo shahaadooyin sare haysta oo mudan in sare loo qaado qaar ayaa derejadda (A-da) ku qaata xirfad waayo aragnimo iyo mid ay ku gaadheena aanay jirin, sida darteed hawshani waa dib u bahaynta shaqaalaha dawladda sida aan hore u sheegayna waxaynu ku gaadhi doona wixii ay horumar iyo daryeel u baahan yihiin shaqaalaheena dawladda ee Somaliland”

Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu ugu dambeyntii inta ku daray “Hawl qabadkaasi waxa uu ka bilaabmi doona Boorame, Lughaya, Baki iyo deegaanada aynu u aragno inay marka muhiim tahay ee shaqaale dawladdeed joogo kuna sugan yihiin, waxaynu hubin doona sareekiisha shaqaalaha dawladda ee Caafimaadka ee xarumaha ku sugan iyo macalimiinta iyo meelaha ay ku sugan yihiin, si aanu u ogaano maxa dhibaato shaqaale oo jirta oo arimo badan oo maamul iyo kuwo qofeed oo jiraba inta aynu hawshan ku jirno waynu ogaan doona Inshaalaah hadii ALLE Idmo”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories