HomeHay'adda Shaqaalaha Dowladda oo Shaaciyey Tirada Dadka Hawl-gabka noqonaya Sannadka Soo socda

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Shaaciyey Tirada Dadka Hawl-gabka noqonaya Sannadka Soo socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay sannadka dambe ee 2021-ka ay shaqada ka fadhiisanayso Dad gaadhaya 3000 qof, kuwaasi oo xilligaa gaadhaya da’da Hawl-gabka ama ay la soo derseen Xaalado aanay ku sii shaqayn karin.

Dadka gaadhay da’da hawl-gabka ayaa shaqooyinkii ay Qaranka u qaban jireen waxa fursad loo siinayaa dhallinyarada Somaliland oo xilligan fursadaha shaqadu cidhiidhi ku yihiin.

blank
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Sannadka soo socda ee 2021-ka waxa noo qorshaysan 3000 Qof inay ka baxaan Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada, beddelkoodana ay galaan 3000 dhallinyaro ah oo Shaqaalaha Dawladda noqdo, Ciidammadana ku biira..”

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe wuxuu sheegay inay in arrintani hirgelayso marka Baarlamaanku uu ansixiyo Xeerka hawlgabka “Marka ugu horraysa ee ay Waajibaadkooda sharci ka gutaan ee ay anixiyaan Baarlamaanku wuxuu noqon doonaa Xeer dhaqan-gal ah isaga iyo Siyaasadduba, Annaga ku talo-galkayagu waxa weeyaan in sannadkaa la bilaano..”

In shaqaale badan la dhimo waxay u baahan tahay shaqaale, laakiin Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu wuxuu sheegay in lacagaha ugu badan ay  ka iman doonaan Lacago yaryar oo laga jaro shaqaalaha.

“Waxa Mushaharkooda laga jari doonaa 5%, Dawladduna waxay bixin doontaa 5-7%. Inta laga saari doono shaqada sannadka 2021-ka iyaga waxba laga jari maayo oo ma saamaynayso 5%-ta laga jarayo shaqaalaha, iyaga waxa hawl-gabkooda bixin doona kuwa shaqeeya, kuwa shaqeeyana waxa bixin doona kuwa beddelaya ee sii shaqayn doona,” Sidaas ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories