HomeHay'adda Shaqaalaha Dowladda oo Dhammeystirtay Qiimeynta iyo Diiwaangelinta Wejigii 1aad ee Barnaamijka...

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Dhammeystirtay Qiimeynta iyo Diiwaangelinta Wejigii 1aad ee Barnaamijka Shaqo-Qaran

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa shaacisay liiska rasmiga ah ee Dufcadii koowaad ee ku soo baxday Barnaamijka Shaqo Qaran, kuwaas oo loo qeybiyay 37 laamood oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Kulan ay si wada-jir ah magaalada Hargeysa ugu qabsteen Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, ayay ku faahfaahiyeen, tirada dhalinyarada loo qaybiyey ee ka halw-gali doona hay’adaha dowladda iyo qaabka loo qiimeeyey.

blank
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in ay si buuxda u xaqiijiyeen qofkasta xogtiisa iyo heerka aqoontiisa una diwaangeliyeen si dhammeystiran 1,300 dhalinyaro ah.

Agaasimaha barnaamijka shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan, ayaa sheegay in dhankooda barnaamij qabyo ah u soo gudbiyeen hay’adda shaqaalaha taasi oo wakhtigu u saamixi waayay, balse hay’adda shaqaaluhu dhammeystirtay wixii hawshaasi ka dhina.

Dhanka kale waxaa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahad naqay xilka ay iska saartay dhammeystirka wixii qaybyo ka ahaa barnaamijka shaqo Qaran qaybtiisi koobaad.

“Waxaan aad ugu mahad naqayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, maamulka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hawsha qiimaha leh ee ay ka qabteen dufcadii koobaad ee shaqo Qaran, oo hawl qabyo ah aanu u soo gudbinay oo markii hore aan noo suuragelin in aanu fulino, taasi oo hannaan casriya la isticmaalayay iyada oo indhaha laga qaadayay, dhab ahaantiina noomay suuragelin in aanu kala shaandheyno wakhtigii hore si qarbo qarbo ah ayaanu ku galnay hawsha, dufcadii koobaad 2018 dabayaaqadiisi ayay ahayd, sidii ayaanay ku hawl galeen, imikana qof la tuuray ama la xumeeyay ma jiro, qof waliba wixii uu mutaystay ee ay gaadhsiisnayd aqoontiisu ayaa lagu qiimeeya ILLAAHEY-baana mahad oo dhan iska leh” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi, “Maanta sharaf weyn ayay noo tahay in aanu soo gunaanadka hufistii, xulistii iyo xaqiijintii dhallinyarada dufcacdii koobaad ee shaqo Qaran, oo ahayd kun iyo laba boqol iyo saddex, sida agaasimaha xafiiska shaqo Qaran uu inoogu soo gudbiyay.”

“Kunka iyo saddexda boqolba waxaa laga qaaday indhaha si loo hubiyo in aan qof kale u gelin imtixaan, in uu isagii yahay in magaciisu sax yahay, in la sugo oo la xaqiijiyo, xogihiisa iyo aqoontiisaba, waxaa aanu kooxo u kala dirnay gobolada dalka dhammaantood waxaana hoggaaminayay agaasimaha guud, waan u mahad celinayaa kooxaha shaqaalaha dawladda ee hawshaasi u hagar baxay.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku darya, “In hay’addihii dawladda loo qaybiyay tiro sugan waxaa ay noqotay in magacooda kaadhka shaqada, ka shaqo Qaran iyo shahadadooda iyo magacooda asalka ahi kala duwan yihiin, ama in qofkaasi markii nidaamka I T-gu soo qabtay uu noqday qof hore u ahaa shaqaale dawladeed oo hore diwaanka dawladda ugu jiray, qof waliba waxaa uu weelka ku shubtay ayaa xaqiiqadiisa la taabsiinayaa, sida ugu wanaagsan ayaanu u doonaynaa in ay nagu dhaafto oo dhallinyaradaasi shaqo u wada helaan”. Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories