HomeHay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Kormeer Madax-taabasho ah ka Bilawday Qaar ka mid...

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Kormeer Madax-taabasho ah ka Bilawday Qaar ka mid ah Wasaaraddaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Hayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Prof. Maxamed Mixille Boqore ayaa  maanta soo kormeeray 9 wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawladda, kuwaasi oo uu u dhabo-galay hanaanka uu uga socdo tiro-koob madax-taabasho ah ay ka bilaabeen wasaaradahaas.

Maxamed Mixille Boqore oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabeen Tiro koob madax taabasho ah  oo ay ku hubinayaan wasaaradaha iyo ha’yadaha dawladda.

“Ha’yadda shaqaalaha dawladdu maanta waxa ay bilowday shaqadii tiro-koobka  madax taabashada annagoo ka duulayna fulinaynana wareegtii uu soo saaray madaxweynuhu ee ahayd in la sameeyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayaa Ha’yadda shaqaaluhu waxay bilowday qorshahan oo aanu ka bilownay  9 wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Deegaanka iyo  horumarinta reer miyiga, Xanaanada Xoolaha,  Dhallinyarrada iyo Ciyaaraha,  Qorshaynta Qaranka,  Cadaaladda,  Warshadaha, Diinta iyo Aw-qaafta,  Dib u dejinta iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaaluhu.

Prof. Maxamed Mixille Boqorre waxa uu sheegay inay doonayaan inay sagaalkaas wasaaradood ku dhammeeyaan muddo saddex maalmood ah. “Qorshahayagu waxa weeye in sagaalka wasaaradood ku dhammayno 3 maalmood, haddana 10  kale ku xigsiino oo aanu dhammayno shaqaalaha jooga xarumaha wasaaradaha ee magaaladda Hareysa, ka dibna marka aanu  kuwa Hargeysa dhammayno ayaan u baxaynaa gobollada,Degmooyin iyo  meel kasta oo uu joogo qof shaqaale dawladeed ahiba,”ayuu intaas ku daray Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaaluhu.

Maxamed Mixille Boqore waxa uu tilmaamay in dib u habaytan shaqaalaha ee ay samaynayaan ay ku wajahan tahay  sidii ay u heli lahaayeen tiro-koob sugan  oo  shaqaalaha dawladda waxaana uu yidhi  “Waxa uga gol leenahay si aan u helno tiradda   shaqaalaha dawladda oo sugan  si aan u xalino oo aanu aragno ciddii shaqadda  ka maqan, shaqaalihii lacagta uun iska qaata, waxa buka wixii dhintay ee aan laga saarin Bayroolka (Payrol)-ka. Markaa bayroolka ayaan ka saari doonaa qofka aanu wayno waana eryi doonaa wixii dhintayna bayroolka ayaanu ka jaraynaa.”

Markaa ka dib ayaan warbixin soo saari doonaa mudada aanu ugu tallo-galnay waxa weeye illaa bisha March ee sannadka soo socda inay noo dhammaato   tiro-koobka madax taabashada shaqaalaha dawladda. shaqaale badan oo bilaa imitxaan ah  ayaa jira,  qaarna imtixaan ayay ku fadhiyaan marka wixii bilaa imtixaana,  imtixaan ayaanu  ka  qaadaynaa qorshaha aanu samaysanay waa sidaas,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladdu.

Tobanka Wasaaradood ee Laga fulin doono Wajiga labaad ee Tiro-koobka madax-taabashadda ahi waa sidan:-

1-Wasaaradda macdanta iyo Tamarta

2-Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda

3-Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha

4-Wasaaradda Biyaha.

5-Wasaaradda Arrimaha dibadda

6-Wasaaradda Arrimaha Gudaha

7-Wasaaradda madaxtooyadda

8-Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta

9-Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda

10- Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories