HomeHay’adda OXFAM oo War-murtiyeed ay kaga Deyrinayso ka soo saartay Shirka Isbeddelka...

Hay’adda OXFAM oo War-murtiyeed ay kaga Deyrinayso ka soo saartay Shirka Isbeddelka Cimillada Adduunka oo Qorshe-la’aan ku dhammaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Hay’addda Oxfam oo deegaannada Soomaalida ka fulisa mashaariic bani’aadamnimo, ayaa ka deyrisay natiijada uu ku soo dhammaaday shirweyne Caalami ah oo lagu lafo-guray si xal loogu heli lahaa Isbeddelka Cimillada Adduunka, kaas oo Jimcihii lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Madrid ee dalka Spain.

War-murtiyeed uu soo saaray Xafiiska hay’adda Oxfam ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay inanaay shirkaasi ka soo bixin natiijo iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo xal u noqon kara dhibaatada isbeddelka Cimillada Aduunka isla markaana ay iska indho-tireen baaqyada laga soo jeediyey meelaha isbeddelka cimilladu saamaynta ku yeeshay oo Somaliland ku jirto.

War-murtiyeedka ay soo saartay hay’adda OXFAM oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-

 “Shirwaynihii lagaga arinsanayey isbedelka cimilada (C0P 25) ee 2 – 13 December ka qabsoomay magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo dhamaaday natiijo aan fiicnayn. Dowladahii  ka qayb galay shirkaasi ayaa waxa laga rajeynayey in ay la imaadaan qorsheyaal rasmi ah oo xal loogu raadinayo isbedelka cimiladda ayaa waxa ay isku af-garan wayeen arimo la xidhiidha xaga farsamooyinka iyagoo iska dhaga tiray baqyadii ay shacabku soo jeedinayeen bilihii u dambeyey.

Isbedelka cimiladu waxa uu saamayn taban ku yeeshay waddamadda dhaqaalahoodu hooseeyo sida Soomaaliya oo kale. Wasakhowga hawadda ayaa ah waxyaabaha ugu badan ee loo aaneeynayo Isbedelka cimiladda ayey guud ahaan qaarada afirka ku leedahay wax ka yar boqolkiiba shan haddana dhibaatooyinka ka dhashay isbedelkaasi cimiladu waxa uu si daran u sameeyey qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska afrika sanadihii u dambeeye waxa uu la il-.darnaa abaaro daba dheeraaday iyo roobab dufaano wata oo baabiye dalagyadii soo bixi lahaa.

‘Bulshadda Soomaaliyeed waxa soo wajahay xaalado adag, roob la’aan iyo abaaro daba dheeraaday iyo waliba dufaano hor seeday barakac baahsan. Waxa aynu marag ka nahay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadkaasi barakacay oo xoolihii ka dhamadeen, Waxaanu ka rajeynayn in Shirka ay ka soo baxaan qorsheyaal rasmi ah iyo magdhow la siiyo dadka isbedelka cimiladu saamaysay ee aan iyagu qaybta ka ahayn wasakhowga hawada. Waxaan ugu baaqaynaa waddamadaasi in ay la yimaadaan xal waara oo wax laga qabanayo xaalada cakiran ee ay sababtay isbedelka cimiladu’, ayuu yidhi Amjad Cali oo ah Agaasimaha Xafiiska Oxfam.

Haweenka iyo caruurta ayaa iyagu ah kuwo aad ugu sii nugul dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada. Abaarta iyo biyo la’aanta ayaa culays badan sii saaraysa hooyoyinka Soomaliyeed oo iyagu masuul ka ahaa korinta iyo daryeelista ubadka iyo gurigaba. Haweenku waxa ay meelo aad u durugsan ka dontaan biyaha iyo xaabada taasi oo inta badan khatar galisa iyaga iyo ubadkoodba.

Oxfam waxa ay ka shaqaysaa degaanada Soomaalida iyada oo kaashanaysa hayadaha dowliga ah wax ay caawimooyin gadhsiisaa dadka jilicsan ee ay abaarahu saameeyeen.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka OXFAM.  

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories