HomeHay’adda Madaxweynuhu Sameeyey, Ma Sharci ayay Ku Fadhiyaan Mise Waa Sharci Daro?...

Hay’adda Madaxweynuhu Sameeyey, Ma Sharci ayay Ku Fadhiyaan Mise Waa Sharci Daro? Hal Xaaraan ahi iyaduba Siday Kuugu Dhali Nirig Xalaal ah?- by Dacar, USA

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Bal inta aynaan u gelin Jawaabta Su’aashaa aan ku Balaabo Su’aal.

Whats the Supreme Law of The Land. Yaa U Sareeya Wadanka.? Waa Maxay Hayada U Saraysaa Wadanka.

Sida ay Dadbadani ku andacoodaan, Ma aha Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa ama Waaxda Fulinta Hay’ada u Sarraysa Wadanka.

Wadanka, Hay’ada u Sarraysaa Waa Sharciga, Dastuurka ama Constitution-ka.

Su’aaasha Labaad ee Mudan Ka Jawaabista Waa, Muxuu Qabtaa Constitutionku ama Dastuurku.

Jawaabtu Waa Waxa Ugu Horeeya ee uu Qabtaa Dastuurku waa Dawlad ayuu Dhisaa Ku Dhisan Sharci, Dabadeed Dastuurku waxa uu qaaxee dawladaas, Waxa ay Umada U qabanayso. (The Constitution, Set Up The Goverment,and Defines The Goverment.)

Doodaydu Waxa ay Daaha ka Rogaysaa In hay,ada Sirdoonka Iyo Hay,adaha Kale ee Axmed Siilaanyo Sameeyey ay Ku Fadhiyaan Bilaa Sharci ama Sharci daro, Maadaama aanay Sharciga Ku Qornayn ama Dastuurku aanu Qeexin ama Hay,adaha Sharci Dajintu aanay u Samayn Sharci Qeexa waxa ay qabanayaan, Maadaama aanay haysan Sharcigaa cadaynaaya waxa ay Qaranka u qabanayaan, Maadaama aanay Hortigin Hay,adaha Sharci Dejinta, Maadaama aanay ku Xusnayn Sharciga Waa Bilaa sharci ama Waxa ay Ku Fadhiyaan hay,adahaasi Bilaa sharci.

Waxa aanay Ka dhigan Yihiin nin Baayac mushtar Bilaabay isaga oo aan haysan Liences ama Nin Dukaan Meherad Furtay Isaga oo aan haysan Wax Sharci ah.

Madaxweynaha ayaa aad ugu qaylin Jirey Ha,yada Sirdoonka Markii uu Macaaradka ahaa isaga oo Ku tilmaamay inay tahay, Hay,ad u adeegta Riyaale oo aan ku Fadhiyin sharci, isaga oo ka balan qaaday madaxweynuhu inuu Sharciga waafajinaayo Hay,adaa, ayaa madaxweynuhu iskadaa inuu waafajiyo hay,adaa sharciga ee waxa uu sameeyey hay,ado kale oo aan sharciba ku Fadhiyin.

Hadaba Waxa iswaydiin leh muxuu Madaxweynuhu ugu fadhiisin waayey Ha,yadahan Sharci.??

Sababta koowaad Waxa ay Tahay Marka aad Xukunka Timaado Waxa aad Doonaysaa (More Pawer) inaad sii Xoogwaynaato oo aan Awood lagaa dhimin Sidaas daraadeed ayuu Doonayaa Madaxweynuhu in aanu Ha,yada Sirdoonka oo kale aanu ku Fadhiisin Sharci, Si ay u ahaadaan Guulwadayaal u adeega madaxtooyada,Sida ilaalada madaxtooyada oo kale ee aanay u Adeegin Qaranka.

Ta labaad ee uu u sameeyey Hay,adaha Kale waa hay,ado loo Sameeyey ama loo Bixiyey Abaal Gud, oo loogu abaal gudey Taageerayaashii Madaxweynaha Kuwaas oo aan ku fadhiyin Sharci ee` ah Dukaan Nin iskaga sahaqaysto ama meherad Shiqsi u furan ileen Sharciba lama Waafajine.

Hay,adahaasi waxa ay qabtaan Lama Yaqaan Sharciga iyo Dastuurkana Meelna kagama yaalaan waa Ha,yado Bilaa sharci ah oo lagu Naasnuujinaayo Shiqsiyaad Gaar ah.

Cabdi Qadir Jama Ismail Dacar USA Ca

Gobanimodoon@sbcglobal.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories