HomeHay’adda Islamic Relief oo bilowday Olole Caalami ah oo Dhaqaale loogu ururinayo...

Hay’adda Islamic Relief oo bilowday Olole Caalami ah oo Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Hay’adda gargaarka Caalamiga ah qaabilsan ee Islamic Relief, ayaa bilowday olole ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ugu raadinayso Dadka ku tabaaloobay gubashada Suuqa Waaheen Hargeysa.

blankSuuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo lagu tilmaamay boqolkiiba 40 Dhaqaale caasimadda, ayaa ku buburay dab xooggan oo ka kacay 1-dii bishan April kaas oo baabiiyey ganacsiyadii iyo dhismayaashii suuqaasi ka koobnaa.

Qiimeyn hor-dhac oo ay shaaciyeen guddiga heer-qaran ee Gurmadka iyo taakuleynta suuqa Waaheen, ayaa lagu sheegay in dabku burburisay hanta lagu qisaasay in ka badan $2 Bilyan isla markaana uu saamayn ku yeeshay nolosha 500,000 Qoys.

Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Islamic Relief oo xarunteedu tahay magaalada Birmingham ee dalka UK, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku shaacisay olole ballaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo taakuleynta Suuqa Waaheen.

Hay’adda oo sanduuq gaar ah furtay taakuleynta Suuqa Waaheen,  waxa ay dalalka Caalamka iyo hay’adaha dhaqaalaha ku taageera ka codsatay inay si deg-deg ah uga qayb-qaataan qaadhaan-ururinta lagu taageerayo Ganacsiyada iyo Qoysas Dan-yarta ah oo noloshoodu ku tiirsanayd Suuqa Waaheen.

Islamic Relief waxa ay sheegtay inay hawl-wadeennadoodu ku sugan yihiin Hargeysa isla markaana ay taageero Dhaqaale u fidinayso ganacsiyada ay dhibaatadu saamaysay.

Waxa kale oo ay hay’addu xustay inaanay taageeradoodu ku koobanayn taakuleyn Dhaqaale oo kali ah balse ay sidoo kale bixinayaan tabobarro iyo taageerooyin farsamo.

“Waxaan wadnaa qorsheyaal mustaqbalka fog ah oo lagu caawinayo qoysaska maxalliga ah si ay uga soo kabtaan oo dib u dhistaan ​​noloshooda, waxaananu taageeri doonnaa dadaallada dib-u-dhiska suuqa,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Islamic Relief.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay bixinayaan tabobaro ku saabsan ​ka hortagga shilalka dabka.

Islamic Relief oo ciwaannada ay Internetka ku leedahay ku baahisay farriin ku socota deeq-bixiyeyaasha Caalamka, waxa ay ku tidhi, “Waxaanu aad ugu baahanahay taageeradaada si aan u caawino qoysaska nugul ee Somaliland iyo kuwa kalaba, fadlan ku deeq Sanduuqa Gurmadka Caalamiga ah”.

Hay’adda Islamic Relief Worldwide oo la aasaasay sannadkii 1984-kii, ayaa ka hawl-gasha in ka badan 40 Waddan oo ay ka fuliso mashaariico horumarineed iyo kuwo gurmadka bani’aadamnimada ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories