HomeHay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Oo Gaadiid Ku Wareejisay Garoomada Ceerigaabo Iyo...

Hay’adda Duulista Iyo Madaarrada Somaliland Oo Gaadiid Ku Wareejisay Garoomada Ceerigaabo Iyo Boorama Oo Xadayntooda La Bilaabayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadiid ku wareejisey Maamuleyaasha Madaarrada Boorama iyo Ceerigaabo oo dhawaan laga bilaabayo qorshaha calaamadinta iyo jaan-goynta dhuleed ee garoomadaasi, si loogu diyaariyo inay noqdaan madaarro maxali ah oo bulshada loogu adeeggo.

blankGaadiidkan oo noocoodu yahay Xaajiyado Pick-up ah, ayaa Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejintooda, waxa ka qaybgalay Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Maamulka Madaarrada Dalka, Agaasimaha waaxda Duulimaadyada ee Wasaaraddaasi Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport iyo maamuleyaasha labada Madaar ee lagu wareejiyey Gaadiidka.

Axmed Maxamed Carab, Agaasimaha waaxda duulimaadyada ee Hay’addaasi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey gaadiidka iyo shaqada loogu talogalay inay qabtaan, waxaanu yidhi, “Labada Gaadhi ee aanu ku wareejinayno labada Maamule-madaar ee Boorama iyo Ceerigaabo waa laba Baabuur oo aanu ognahay inay yihiin kuwo tayadoodu wanaagsan tahay oo ka soo bixi kara Shaqada,”Gaadiidkan waxa loogu talogalay inay ka qayb-qaataan shaqada laga bilaabayo dhawaan garoomadaasi”.

Dhankooda labada maamule ee Baabuurta lagu wareejiyey ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen Gaadiidkan, waxaanay madaxda Hay’adda uga mahad-celiyeen sida xilkasnimada leh ee ay ugu diyaariyeen.

blank“Waxaanu ka guddoonay laba gaadhi oo loogu talogalay xadaynta ka socota labada garoon . gaadiidkaasoo aanu baahi weyn u qabnay noona fududeyn doona hab-socodka shaqada iyo howsha. Aad iyo aad Ayaan ugu mahad-naqayaa Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Boorama oo ka dareen celiyey gaadiidka Hay’addu ku wareejisay.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qorshaha Hay’adda ee horumarinta Garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa gobolada ee la doonayo inay ka qayb-qaataan tacmiirta garoomaha caalamiga ah ee Hargeysa iyo Berbera. Maareeye Cumar Sayid, waxa uu sheegay in labadan Baabuur loogu talogalay bilowga dhaqaajinta xadaynta dhulleed ee Madaarrada Boorama iyo Ceerigaabo oo dhawaan howshoodu bilaabmayso.

“Shaqada ugu weyn ee aanu qaranka u qabanaynaa maanta waxa weeyaan in la helo garoobo caalami ah iyo kuwo Maxali ah oo dadweynaha adeeg u fidiya.

Waxa ay Hay’addu ku howlan tahay qorshaha ugu jira, mashruuciina la bixiyey oo diyaar ah xadaynta labada garoon ee Ceerigaabo iyo Boorama. Labadaas garoon oo Hay’adda ugu diwaangashan Madaaro Maxali ah in mustaqbalka dhow laga dhiso oo ay dadku ka soo dhoofaan oo ku soo xidha Madaarrada caalamiga ah ee Berbera iyo Hargeysa.” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Madaarradaasi xadayntoodii ayaanu bilaabaynaa todobaadka soo socda, waxaanu labada maamule-madaar ku wareejinaynaa Gawaadhidaas la doonayo in shaqada lagu qabto”.

Maareeyuhu isagoo hadalka sii wata waxa uu farriin baaq ah u diray, Ganacsatada, Waxgaradka iyo Haldoorka labada gobol ee Awdal iyo Sanaag oo uu kula taliyey inay gacan ka geystaan hirgelinta Mashaariicda lagu horumarinayo labadaasi garoon-diyaaradeed.

blank“Halkan waxaan farriin uga dirayaa shacabka Somaliland ee Gobollada Sanaag iyo Awdal, waxaanu ka codsanaynaa inay nagu gacan siiyaan in la suggo xadkii dhulka ee Madaarradaasi oo dadka degen, kuwa ka agdhow, cuqaasha, waxgaradka iyo ganacsataduba nagala shaqeeyaan. Gobolku haddii aanu garoon yeellan wuxuu noqonayaa gobol Somaliland inteeda kale ka go’doonsan,”ayuu yidhi.

Qorshahan lagu dardar gelinayo dhismaha labada madaar ee Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noqonaysa talaabo muhiim ah oo wakhti dheer laga sugayey Hay’addu inay ku talaabsato, taasoo dhaqaajinteedana uu la kowsaday Maareeyaha cusub ee bishan horaanteedii Shaqada la wareegay, kaddib markii madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Hay’addaasi oo qaranka laf-dhabar u ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories