HomeHay’adda DRC oo Ka Joojisay Bakhaaradii Ku Guulaystay Tartan Raashin Bixin ah...

Hay’adda DRC oo Ka Joojisay Bakhaaradii Ku Guulaystay Tartan Raashin Bixin ah oo ay Qabatay, Halkoodiina Ku Bedeshay Kuwo Cusub Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ayaa ka joojisay Afar Bakhaar ganacsi heshiis (Contract ) raashin bixin ah oo ay badhtamihii bishii la soo dhaafay ee February 2013 la gashay, isla markaana halkoodii ku bedeshay kuwo cusub kuwaas oo maalintii shalay bilaabay bixinta raashinkaas wixii ka hadhay wejigii kowaad ee ay qaybo kamid ah bixiyeen Bakhaarada hore ee ay  Hay’adu burisay heshiiskooda.

Sawirka WarkaRaashinkan oo ay qaadanayeen shaqaalaha mashruuc ay maalgelinayso Hay’ada Cuntada Aduunka (WFP) isla markaana fulinayso Hay’adda DRC oo hakad galay intii u dhaxaysay 28-kii bishii hore ilaa iyo  March 9, 2013-ka isla markaana ay jiraan in aanay ku qanacsanayn qaar kamid ah Bakhaarada heshiiskooda ay laashay DRC, oo aan wax ka weydiinay mar aanu kala xidhiidhnay Telefoonkiisa Gacanta Cumar Miigane oo kamid ah Howlwadeenada Hay’adda DRC ee ku sugan Magaalada Berbera ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo “anagu waxaanu wadnaa mashaariic horumarineed warna ma bixino” hase yeeshee Kayse Jaamac Saleebaan oo kamid ah ganacsatada Heshiiskooda la laalay oo aanu wax ka weydiiyey ayaa sheegay in hay’adu ka joojisay 28kii bishii labaad ee lasoo dhaafay xili ay ku guda jiraan bixintii raashinka wejigii kowaad isagoo kayse arintu siday u dhacday ka hadlayana waxa uu yidhi “16/2/2013 ayaanu saxeexnay heshiiska noo dhexeeyey anaga iyo DRC kadib markii aanu ku guulaysanay tartan ay howshan u qabatay Hay’adu oo ay ka qaybqaateen dhowr iyo toban Bakhaar oo Reer Berbera ahi kaas oo tirada la qaadanayeyna ahayd Afar Bakhaar afartayadii bkhaar ee guulaystay oo kala ahaa Hodan Store, Caalami Store, AL Barako1 Store iyo Al Barako 2 Store ayaa markii la soo gaadhay 28/-kii February ayay dadkii aanu raashinka siinaynay noola yimaadeen Jeegagii raashinka loogu bedelayay waa sida heshiisku dhigayo eh kadibna waxaanu bilownay bixintii raashinka waad garankaraysaa howlkastaaba marka ugu horeysa khaladaad yaryari wuu dhici karaa waase la saxaa wejiyada Danbe anagoo sidii u wadna ayaay  masuuliyiintii hay’adu nagu amreen in aanu joojino bixinta raashinka ilaa amardanbe sidaas ayaanu ku joojinay markaanu weydiinay sababtana waxay noo sheegeen in aanu jebinay heshiiskii oo aanu qiimihii kordhinay isla markaana kaash u celinay dadkii arimahaasina ma ahayn wax sida ay iyagu u sheegayaan u jira,” ayuu yidhi Kayse isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi ku daray  “dhowr maalmood kadib ayaa nalooga yeedhay Xafiiska Meeyarka kadibna waxa uu na weydiiyey sida ay wax u dhaceen waanu u waranay dhnacayagii Bakhaarlayda hay’aduna dhinaceeda wey hadashay  sadex bakhaar oo kaayagu ka mid ayahay ayaa lagu helay khaladaad dhinaca heshiiska ah hase yeeshee Caalami Store wax khald ah oo uu galay goobtaas way kaga cadayn waayeen Meeyarkuna waxa uu yidhi Isagu howshiisa wuu wadanayaa saddexdiina kalena waad jebiseen heshiiskii maanaan jeclaysan hadalkaa meeyarka waxaanay ahayd inuu na dhexdhexaadiyo maadaama oo howshu bilogii kowaad ahayd si kastaba ha ahaateewaxaanu diidnay sidii uu Maayerku u maamulay waxa kale oo jiratay in arinta ay jireen bakhaarlay iyagu ahaa kuwii aanu kaga guulaysanay oo doonayey in aanu meesha ka baxno oo ay iyagu galaan tiina wey dhacday wax tartan ah oo danbe iyada oo aan la qaban ayuunbaa bakhaaradii aanu dareensanayn in iyaga wax loo wado hoosta laga siiyey taasina cadaalad ma aha waxa kale oo iyana la yaab ah in Hodan Store oo ay waxba kaga cadayn waayeen Maayerka Xafiiskiisa hadana Hay’adu na raacisay anagii la lahaa Heshiiskii ayaad Jebiseen” ayuu yidhi Ganacsade Kayse Jaamac Saleebaan.

Somalilandpost.net/Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories