HomeHay’adda Amnesty oo Eretariya ka dalbatay in la sii-daayo maxaabiis siyaasadeed

Hay’adda Amnesty oo Eretariya ka dalbatay in la sii-daayo maxaabiis siyaasadeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London,  (SLpost)-Xukuumada dalka Erretariya ayaa laga dalbaday inay xabsiyada ka sii dayso 11 qof oo saraakiil sar-sare hore u ahaa, kuwaasoo mudo toban sannadood ahayd xidhnaa iyada oo aan la xukumin.

Kooxdan la xabsiyay waxa ku jira Madaxweyne ku xigeenkii hore, laba wasiir oo arrimaha dibadda iska bedelay, waxaana uu xadhigoodu ka dambeeyay markii ay ku baaqeen in isbedel lagu sameeyo nidaamka dalkooda. “Wax xidhiidh ah lamaanaan lahayn ilaa iyo waqtigii la xidhay,” sidaa waxa BBC u sheegay Wasiirkii hore ee Khaarajiga Haile Woldetensae walaalkii.

blankMasuul u hadlay xukuumadda Erretariya ayaa sheegay in 11-ka maxbuus ay galeen dembiyo khatar ku ah amaanka qaranka Erretariya. Isla markaana Madaxweyne Isaias Afewerki oo u hogaamiyay dalkaas madaxbanaanidiisa sannadkii 1993-kii, ayaan dulqaad u lahayn in la dhaleeceeyo. Dalka Erretariya ayaa la sheegay inaanu ogolayn axsaabta mucaaradka ah, saxaafadda madaxabanaan amaba ururada bulshada.

Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka Caalamka ee Amnesty International cilmi-baadhe ka tirsan Claire Beston ayaa sheegay in maxaabiistan oo ay ku jirto haweenayda Aster Fissehatsion ay dhamaantood ahaayeen dagaalyahankii u dabaal-degay xorriyadda, xubnana ka ahaa xisbiga talada dalka gacanta ku haya. “Bishii May 2001, ayay afar qof iyo haweenaydani daabaceen waraaq furan oo ay madaxweynaha ku socodsiiyeen oo ay ugu baaqeen isbedel, wadahadal dimuquraadiyadeed, isku-xukunka cadaaladda IWM.” Sidaana waxa lagu sheegay warbixinta Amnesty.

La-taliye lagu magacaabay Yemane Gebreab oo uu leeyahay Madaxweynaha Erretariya, ayaa diiday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrinta 11-kaa maxbuus. “Hadii ay iyagu ku guulaysan lahaayeen qorshayaashoodii Erretariya maanta may u jirteen sidii waddan madaxbanaan, amaba waxay la mid ahaan lahayd sida Somalia,” la-taliyahaas ayaa sidaa u sheegay BBC, qaybteeda Afrikaanka.

Somalilandpost.net

News Desk

Xasan Kaafi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories