HomeHay’adaha Warbaahinta Dalka Oo Cambaareeyay Guddi Anshax Oo Uu Guddoomiyaha SOLJA Magacaabay

Hay’adaha Warbaahinta Dalka Oo Cambaareeyay Guddi Anshax Oo Uu Guddoomiyaha SOLJA Magacaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adaha Warbaahinta Dalka, ayaa cambaareeyey guddi Anshax-marineed oo Ururka Suxufiyiinta Somaliland u magacaabay inay darsaan khaladaadka Suxufiyiinta warbaahinta dalka.

Warbaahinta dalka ee ka biyo-diiday guddida la magacaabay, ayaa ku dhaliilay Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA inaan lagala tashan go’aankan maadaama ururku u adeego warbaahinta dalka.

NewsQoraal Kooban oo Qaar ka mid ah Hay’adaha ugu miisaanka culus Warbaahinta dalku ka soo saareen magacaabista guddida, ayaa u dhignaa sidan: “Anaga oo ah Hayadaha Warbaahinta, waxa aanu nahay warbaahin kala duwan oo u adeegta bulshada reer Somaliland iyo kuwa daafaha dunida ku nool,waxaanu u hogaansanahay qawaaniinta caalamiga ah iyo xeerarka Somaliland ee haga mihnadda saxaafadda.

Somaliland waxa ka jira ururo  saxaafadeed oo ay ka mid yihiin hayadaha warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gasha,halka qaarkoodna aanay ku jirin ururadaasi.

Ururka suxufiyiinta Solja waxa uu ka mid yahay ururadaasi,mudadii uu jirayna himiladdi laga filayay ee dhibaatada ku haysay suxufiyiinta iyo hay’adda saxaafadda midna sidii loo baahnaa ugamay hawl galin.

Sidaasi daraadeed ma jiro urur kaliya ama koox kaliya oo soo saaro karta go’aamo aan laga tashan oo dabar ku noqon kara saxaafadda.

Anagoo ka duulayna aragtidaasi waxa aanu umadda iyo xukuumaddaba u sheegaynaa inaanay jirin guddi matalaysa saxaafadda oo laga soo abaabulay meel ka baxsan xayndaabka saxaafadda.

Waxa aanu u aragnaa guddidani Ururks Solja soo saaray inaanay ahayn kuwo meteli kara saxaafadda,isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda dalka,anagoo cambaaraynayna guddigaas ,waxaanu cadaynaynaa inaanay na metelin, Madama oo ay dalka ka Jiraan Ururo Saxafdeed inaanay xaq u lahayn inay talabadani qadaan Urur kaliya, iyadoo aan laga tashan Gudidan.”

Dhanka kale, warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf oo ka soo baxay fadhi ay yeesheen guddida fulinta ee ururka, ayaa u dhignaa sidan: “Kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA taariikhdu markay ahayd 07/03/2013, waxa ay si ballaadhan uga doodeen, una falanqeeyeen abuuritaanka Guddiga Anshaxa ee Saxaafadda oo baahi weyn loo qabo, si Saxaafadda iyo Suxufiyiintu uga badbaadaan, in lagu dhaqo xeerar cusub oo uu ka mid yahay Xeerka nabad sugidda Qaranka oo qodobo ka mid ah lagaga xusay Warbaahinta isla markaana loo helo Guddi Anshax oo dhexdhexaad, kana garsoorta Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha.

Haddaba Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiintu markay falanqeeyeen, kana doodeen arrinta abuuritaanka Guddigaasi, isla markaana dhegeysteen waxgaradka, aqoonyahannada iyo Ururrada bulshada, iyadoo la raacayo Xeerka Ururka Saxafadda Somalialnd SOLJA Qodobkiisa 6aad, Waaxda 5aad waxa ay isla qaateen oo ay go’aamiyeen.

Xubnaha Guddiga Anshaxa iyo la taliye dhinaca sharcigu ah, waxay kala yihiin sidan:
1. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
2. Ismaaciil Cumar Aadan Boos
3. Daahir Maxamuud Xaddi
4. Shugri Xariir Ismaaciil
5. Faysal Keyse Cumar

LA TALIYE SHARCI: Aadan Xaaji Cali

Waxaan ku rajo-weynahay in abuuritaanka Guddigani uu bogsiin doono tabashooyin badan oo u dhaxeeyey had iyo goor Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha, iyadoo ay Guddigani soo saari doonaan shuruucdii garsoor oo waafaqsan Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda ee Lam. 27/2004, iyadoo ay Guddigani yihiin kuwo si madaxbannaani ah u gudan doona hawlahooda.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories