HomeHay’ada Waddaniga SOFHA Oo Agab Caafimaad Ugu Deeqay Qaar Ka Mida Xanaanooyinka...

Hay’ada Waddaniga SOFHA Oo Agab Caafimaad Ugu Deeqay Qaar Ka Mida Xanaanooyinka Hooyada iyo Dhalaanka Ee Gobolka HAWD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Deeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari-doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee Gobolka HAWD” Mohamed Abdi Doorshaan.

Hargeysa (SLpost)- Hay’ada waddaniga ee SOFHA oo ka shaqeysa arrimaha caafimaadka ayaa agab caafimaad iyo dawooyin ku wareejisay Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse.
Munaasibadii loo sameeyey wareejinta deeqda qalabka caafimaadka oo lagu qabtay maanta xarunta hay’ada SOFHA ku leedahay Magaalada Hargeysa.

Maxamed Cabdi Doorshaan oo ka mida saraakiisha sar sare ee Hay’ada SOFHA oo ku hadlayay af-ka hay’ada ayaa sheegay inay agab caafimaad iyo dawooyin uu ku wareejiyay isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse, taas oo wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad eek a jirta Gobolka HAWD. “Deeqda agabkan caafimaad waxay wax weyn ka tari doonta baahiyaha caafimaad ee ka jira xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR,”.ayuu yidhi.

Mr Doorshaan waxa uu sheegay inay hay’ada Waddaniga ee SOFHA oo kaashanaysa hay’ada Plan International inay mashruuc caafimaad ka waddo gobolka HAWD iyo maroodi-jeex, maaha markii kowaad ee agabkan caafimad oo kale ku wareejino gobolka HAWD, balse marar hore ayaanu deeqo caafimaad ku wareejinay.

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa waxa uu hay’ada Waddaniga ee SOFHA uga mahad-celiyay agabka caafimaad iyo dawooyinka ee ay ku wareejisay iyo sida dhow ee ay ula shaqeyso, waxaanu yidhi “Waxaan saaka oo taariihdu tahay 5.3.2024 ay hay’da waddaniga SOFHA ay igu wareejisay dawo iyo qalabka lagu nadiifiyo Agabka lagaga shaqeeyo dhalitaanka hooyada.Waxaanay deeqdan qalabka caafimaad ay hay’ada SOFHA ugu talo-gashay saddex xarumood oo ka mida xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka ee tuulooyinka GUMBURAHA, Ina-CUNAAYE, iyo GUMAR.”

blankIsaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Hay’da SOFHA waxay had iyo goor ka jawaabta baahida goobahaa Caafimaadka ee ku yaala gobolka HAWD,maaha markii ugu horeysay ee ay agab caafimaad ay ugu deeqdo xanaanooyinka (MCH) ku yaala Gobolka HAWD, oo si fiican ayay noola shaqeysaa”

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ee Gobolka HAWD Mr. Axmed Cali Direyse ayaa si fir-fircoon ugu adeega gobolka HAWD, isla markaana waxa uu al-baab walba u garaaca sidii xanaanooyinka caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka ee gobolka HAWD u heli lahaayeen agab caafimaad iyo dawooyin bulshada wax loogu qabto, waxaanu ugu baaqaya hay’adaha kale-na inay baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka inay wax kala qabtaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories