HomeHay’ada USAID oo lagu eedeeyey hawlo basaasnimo ah

Hay’ada USAID oo lagu eedeeyey hawlo basaasnimo ah

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

USA (SLPOST):- Hogaanka hay’adaha USAID ee dawlada Maraykanka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ama mucaawinada ayaa su’aalo adag laga weydiiyey eedaynmo ah in ay wadeen mashaariic lagu khal khal gelinayo dawlado shisheeye.

USAID

Rajiv Shah oo ah madaxa hay’ada USAID ayaa hortagay guddiga Baarlamaanka u xilsaaray baadhitaanka arrimahan oo su’aalo ka weydiiyey mashruuc ay hay’ada USAID ka waday dalkaasi Cuba.

Mashruucan ayaa la sheegay inuu ahaa in Shabakada Twitterka ay hay’adaasi u adeegsato in dalkaasi Cuba laga sameeyo kacdoon shacab oo xukunka looga tuuro xukuumada dalkaasi Cuba.

Mashruucan oo lagu tilmaamay mid si weyn loogu fashilay isla markaana sababay xadhiga mid kamid ah hawlwadeenada hay’ada USAID oo ay maxkamada Cuba ku xukuntay 15 sanndood oo xadhiga ah.

Rajiv Shah oo su’aalo adag lagu weydiiyey kulankii uu la yeeshay guddiga Baarlamaanka, ayaa sheegi kari waayey cidii lahayd fikirka mashruucan oo ay si weyn u dhaliileen xildhibaanada Baarlamaanka Maraykanka.

Mashruucan oo lagu magacaabay ZUNZUNEO ayey hay’ada USAID sheegtay in uu ahaa mid sare loogu qaadayey wacyi gelinta iyo xogta ay helaan shacabka Cuba, balse mashruucaasi ayaa u muuqday mid lagu faafinayey xog lagu cambaareenayo xukuumada Cuba iyo hogaanka dalkaasi.

Hay’ada USAID oo mashaariic badan ka fulisay dalal badan oo kamid ah caalamka ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb qaadatay mashaariic siyaasadeed oo xukunka looga riday dawlado shisheeye, isla markaana xidhiidh dhow la leedahay hay’adaha sirdoonka Maraykanka. Sida lagu sheegay warbixino ay shaaciyeen hay’ado madax banaan oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories