HomeHay'ada ARC oo abaalmarin Caalami ah ku guddoonsiisay Shirkadda Dahabshiil Dalka Maraykanka

Hay’ada ARC oo abaalmarin Caalami ah ku guddoonsiisay Shirkadda Dahabshiil Dalka Maraykanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

IMG_8249Washington (SLpost)- Hay’adda Arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Dalka Maraykanka oo marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo ARC, ayaa abaalmarin caalami ah guddoonsiisay Shirkadda Dahabshiil, iyadoo abaalmarinta shirkadda loogu guddoonsiiyey kaalinta ay ugu jirto bulshada Soomaaliyeed.

Kulan Habeenkii Axadda ee 15-kii Bishan ku qabsoomay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka, ayaa hay’addu abaalmarinta ku guddoonsiiyey Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Kulanka cashada ahaa waxaa looga hadlay horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid waddamada caalamka

Waxaa sidoo kale fadhiyay Safiirka Soomaliya u fadhiya magaalada Washington.

Waxaa abaalmarinno qadderin ah lagu gudoonsiiyay shirkaasi shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah.

Shirkadahaasi waxaa ka mid ahaa hormuudkooda shirkadda ganacsiga ee Dahabshiil

Abdirashiid Maxamed Saciid waa Guddoomiyaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen oo kulankaasi ka qaybgalay ayaa waraystay Cabdirashiid Mohamed Saeed Duale (AMSD), waxana uu ku bilaabay inuu weydiiyo xafladdu, guud ahaan, waxa au daarranayd.

AMSD: Sida aad la socoto xafladdan waxa qabanqaabiyey hay’adda American Refugee Committee (ARC) oo deggan Gobolka Minnesota (USA); waana hay’ad caalami ah oo dhulkua Soomaalida hawlo badan ka qabata, waddamo badan oo Afrika ahna wax ka qabata, sidoo kale.

Annaga Dahabshiil ahaan Abaalmarintan ay na siiyeen ama nagu maamuuseen aad ayaannu ugu faraxsanahhay.

Xafladdan ARC qabanqaabisay waa xaflad ilaa 1000 qof ka soo qayb galeen oo lagu xusayo horumarka dadka Soomaaliyeed ka gaadheen meelo badan. Iyada oo inta badan warar aan wanaagsanayn dhulalka Soomaalida laga sheego, in hay’ad caalami ah iyo ganacsatadii abaalmarintan horumarka Dahabshiil Gddooniyaan waxa ay noo tahay sharaf iyo farxad.

BBC: Maxay ku soo kordhin kartaa billaddan la idin siiyey Dahabshiil?

AMSD: Billaddan la siiyey Dahabshiil waxa ay muujineysaa in dadka caawa ka soo qayb galay xafladdan ee halkan jooga ee ay ka midka yihiin xubnaha Congress’ka, sida Keith Ellison, ganacsatada Maraykanka ah ee deggan…waxa ay muujineysaa in hawlaha Dahabshiil ka qabtay dhulalka Soomaalida ama hawlaha aan halkanba ka qabannay sida isu-gudbinta lacagaha (la gaadhsiiyo dadka u baahan) in Dahabshiil ka qayb yahay horumarka laftiisa, iyo in ganacsatada iyo madaxda kale ee ka soo qayb galay xafladda u muujiyaan inay Soomaalida jiraan dad dedaalaya, oo doonaya in horumar ka dhaco waddankoodii.

Sida aan kuu sheegay, annada dhiirrigelin ayay noo tahay haddii aannu nahay Dahabshiil inaanu helno billaddaa caalamiga ah.

 

BBC: Waxyaabaha aad qabataan ee la idinku aqoonsaday maxaa ka mid ah?

AMSD: Waxa ka mid ah, sida aad la socota, hawlaha ballaadhan ee ganacsi ee Dahabshiil ku jiro ha noqoto lacagaha Maraykan, oo kale, laga dirayo, ha noqto bangiyada, ha noqoto isgaadhsiinta SOMTEL oo moobaylkii iyo Internet’kiiba samaysay… iyo waddamadan kale ee Afrikaba ganacsiga aannu kaga jirno.

Waxa ay muujineysaa in ganacsiga iyo horumarku yahay waxa mustaqbalka qayb ka qaadan kara, shaqo abuuri karaya.. inta badanna Soomaalida ganacsigu waa waxyaalaha ay ku fiican tahay.

Waad ogtahay in Minnesota Soomaalidu ganacsi badan ka samaysay. Xafladdan waxa ka soo qayb galay dhallinyaro badan oo ama hadda bilaabya ganacsi ama sameeyeyba, markaa in Dahabshiil loo garto inay tahay calaamadda/Astaanta horumarka waxa ay u tahay guul ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Annaguna waannu ku faracsannahay in dadkaa kala duwan ee ganacsatada, dawladda iyo hay’addaa caalamiga ahba ee xafladdan ka qayb qaatay in Dahabshiil loogu qiray qaybta (doorka) uu ka qaatay horumarka.

BBC: Meeqa hay’adood oo kale ayaa iyana abaalmarintaasi helay?

AMSD: Waxa helay saddex hay’adood ama saddex shirkadood oo kale. Mid waxa weeye Bangi ka tirsan Maraykanka, shirkada oo kale oo iyana xagga IT’ga u xilsaaran oo Maraykan ah. Soomaali ahaan, runtii, helay Dahabshiil uun buu ahaa, iyo shirkad kale oo looyarro ama garyaqaanno ah.

Afartaa ayaa lagu siiyey billado kala duwan xafladda.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA LALA YEESHAY CABDIRASHIID M SICIID.

_____________________________

Shirkadda Dahabshiil waxa loo aqoonsan yahay hormuudka shirkadaha Afrika laga leeyahay ee kal-dirista lacagaha (money transfer), gaar ahaanna, Geeska Afrika. Shirkadda Dahabshiil waxa ay sannadahan dambe dedaal adag ka gashay sidii aan Soomaalida uga joogsadeen xawaaladuhu siiba Yurub iyo Maraykan oo adkeeyey shuruucda bangiyada iyo isu-gudubka lacagaha.

Shirkaddu waxa ay ka hawlgashaa in ka badan 140 dal oo caalamka ah.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories