HomeHay’ad ka Shaqaynaysa Qadiyadda Madaxbanaanida iyo Jiritaanka Somaliland oo Hargeysa Lagu Daahfuray

Hay’ad ka Shaqaynaysa Qadiyadda Madaxbanaanida iyo Jiritaanka Somaliland oo Hargeysa Lagu Daahfuray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa (SLpost)- Hay’ad ka shaqayn doonta qadiyada madax bannaanida iyo jiritaanka Somaliland oo magaceeda la yidhaahdo Amba-qaad ayaa arbacadii si rasmi loogu dhawaaqay waxaana Xaflad lagu daah-furayay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

 

Munaasibada daah furka hay’adan cusub oo lagu qabtay hoteelka Crown ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala gedisan ee bulshada, culimo iyo waliba madaxda saddexda xisbi qaran iyo maamulka iyo madaxda Hay’adan.

Ujeedada loo asaasay hay’adan iyo shaqada ay qaban doonto ayaa lagu sheegay sidii loo kala saari lahaa ee loo kala qaybin lahaa wixii Soomaaliya la isku odhan jiray, calankii buluuga ahaa ee jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliyana looga saari lahaa xidigta,  qolo kastaana ay iskeed isku maamusho shantii Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Ha’yadan Ambo-qaad  Maxamed Sheekh Ibraahim. oo ayaa ugu horrayn ka hadlay xafladaasi, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeedada ay Ha’yadan  u aasaaseen waxaanu yidhi “Waa amboqaadka aragtiyo hor leh oo suulinta  aragtidii siyaasadeed ee Soomaaliweyn (Great Somali Nation State) ee nuxurkeedu ahaa in geyiga Soomaalidu degto ee geeska Afrika lagu mideeyo hal dawlad  oo ku dhisan isir ku dhaadasho.”

Gudoomiyaha Hay’adan Maxamad Sheekh, waxa uu kula dardaarmay in Soomaaliya ay iska dhaafto mabda’a Soomaali-weyn ee ku salaysan sheegashada dhulka Soomaalidu degto waxaanu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi  “In jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya si dhab ah uga hadho aragtidii Soomaali-weyn ee ku salaysneyd sheegashada dhulka Soomaalidu degto iyo isu xilsaarka aabanimo ee dhammaan dadka ku abtirsada isirka Soomaalida iyo ku sii adkeysiga midawgii Somaliland iyo Soomaaliya ee aan tixgalinayn doonista iyo rabitaanka xorta ah ee shacabka Somaliland, iyada oo taasi kuu muujinaysa badheedha dastuuri ah oo ka madhan raadgadasho siyaasadeed iyo humaag aragtiyeed.”

 

Gudoomiye Maxamad Sheekh isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxaanu ka shaqayn doona abaabul argtiyeed,  gorfeyn iyo galAan-gal, iyo inay noqoto biriishkii isku xidhayay aqoonta dalka taalla iyo siyaasada ama madaxda dalkaa taalla, dabadeedna waxa ka yimaada, In dadka loo sameeyo cudud iyo tamar ay wax ku qabtaan ,abaabulka aragtiyeed ee aanu wadna maaha mid aanu Soomaali ugu kala eexanayno laakiin waxa uu noqon doona mid aanu Soomaali wax ugu kala sheegayno.”

Waxaanu sidoo kale sheegay in ay Hay’adani ummada Soomaalida  ka midayn doonto mustaqbalka inaanay jirin cid kaliya oo sheegan karta magaca Soomaali waxanu yidhi “Taanu Soomaali ka midaynaynaana waxa ay tahay in afka diinta dhaqanka iyo isku xidhnaanshiyaha duleed iyo inaanay magaca Soomaalinimo cidina aanay gaar u yeelan.”

Waxaanay Ha’yadaydu socod siin doontaa  barnaamijyo shan ah:-

  1. Waxaanu isku deyi inaanu raacno anshaxa aqooneed iyo xirfadeed ee ay raacaan wadamada horumaray.
  2. Waxaanu xooga saari-doona  siyaasadaha dawladnimo iyo maamul ee ka jira gayiga Soomaalidu degto iyo waxay mutaan qurba joogta Soomaalidu.
  3. Waxaa kale oo aanu ku dedaalaynaa in xarunta koowaad ee  Ha’yadani ay noqoto magaalada Hargeysa.
  4. Xarunta dhexe ee Hay’adani waa magaalo madaxda Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa
  5. Hay’adu waxa ay laamo ku yeelan doonta deegaanada geyiga Soomaalidu degto ee geeska Afrika.”

Wasiirka xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil oo isaguna halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa yidhi “Waxaan umalaynayaa in Ha’yadan anbaqaad ay tahay fikir cusub oo ay keeneen, waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa nimanka fikirkan wanaagsan keenay ee magaca Soomaali aanay cid kaliya u xidhnayn ee ay Soomaali oo dhami wadaagayso iyada oo qolo waliba dawladeeda wadata.”

 

Cali Xaamud Jibriil waxa kale oo uu intaa ku daray “Waayo qola waliba waxa ay wadataa waaqiceeda oo Soomaali Illaahayba innaga wada dhigay nin waliba aayo ka tashigiisa xaq ayuu u leeyahay, mana aha in anigu aayo ka tashigayga dad heshiinaya amase meel kale ku xidhan inaan sugo oo leygu xidhaa waa midaan waafaqsanayn xuquuqda aadamaha. Xaga xukuumadda haddii loo eego fikirkani waa fikir xor iyo xalaal ah oo wanaagsan waxaanan idiin balan-qaadaya annaga ka wasaarad ahaan inaanu wax idinla qaban doono.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories