HomeHa’yad Dedaal Ugu Jirta inay Daboosho Adeegyada ay u hayso Qaranka

Ha’yad Dedaal Ugu Jirta inay Daboosho Adeegyada ay u hayso Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay sadex sano ku dhawaadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay ka mid noqotay Ha’yadaha dawliga ah ee soo kabtay isla markaana tanaaday ee daboolay adeegii ay qaranka uga masuulka tahay oo ah inay daabacdo dukumantiga cashuur qabashada ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalkaba.

Sidoo kale waxay Madbacadda qaranku noqotay xarun ku filan inay bixiso mushaharka shaqaalaha ka hawl-gala oo xiliyadii hore mushaharku iska gaadhi jiray illaa todoba bilood. Waxa imika shaqaalaha madbacadda qaranku ay sida shaqaalaha kale ee dawladda dhexe u shaqeeya ay mushaharka qaataan 1-da bisha.

qabooooooooo

“ILAAHAY mahadii shaqaalaha madbacadda qaranku waxay u helaan mushaharka si joogto ah, waxaanu qaadanaa maalmaha ugu horeeya ee bisha. Waxa xukuumadda Axmed Siilaanyo ay xilka la wareegtay iyadoo xaaladda madbacaddu aad u liidato oo shaqaaluhu aanay wax mushahar ah qaadan muddo 7 bilood ah,”ayuu yidhi Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Madbacadda qaranka Cumar Xasan Nuur.

Taasina waxay sababtay inay laban laabaan shaqadooda waxaanay ka mid yihiin Ha’yadaha dawliga ah ee dhamaysta saacadaha shaqadda waxaanay xafiisyadooda ku sugan yihiin 7:00 subaxnimo illaa 2:00 duhurnimo. Iyadoo mararka qaarkood ay qeyb ka mid ah shaqaaluhu u soo noqdaan shaqooyinka dheeriga ah.

Waxa kale oo Maamulka Madbacadda qaranku uu dedaal u galay inuu toosiyo cilaaqaadka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Ha’yadaha dawladda ee ay u daabacaan dukumantiga. Waxaana wasaarad waliba ama xafiis waliba dalabaadka uu u keeno loogu daacaa muddo kooban oo ay raali ku yihiin.

Madbacadda qaranku waxa kale oo ay u guntadeen inaanu ka kala go’in agabka ay ku shaqeeyaan sida waraaqaha iyo khadadka kala duwan, iyadoo mar walba istoodhadooda ay ugu jiraan agabkii shaqada oo aanay ka war-war qabin inuu dhamaado.

Intaasi waxa dheer in Maamulka madbacadda gaar ahaan intii uu xilka hayay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Mudane Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) uu juhdi u galay sidii uu u soo kordhin lahaa makiinadaha madbacaddu ku shaqayso. Waxaanu soo iibiyay laba makiinadood oo kala ah Makiinad waraaqaha lagu googooyo oo cusub iyo Makiinad kale oo loo adeegsado gawraca waraaqaha oo iyana cusub.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxay madbacadda qaranka ka muuqda isbedel balaadhan iyo horumar ay ka dhaxashay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

somaliland post.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories