HomeHawlgalkii ugu weynaa oo Dawladda Hoose ee Hargeysa Ka Fulisay Suuq-weynaha Waaheen,...

Hawlgalkii ugu weynaa oo Dawladda Hoose ee Hargeysa Ka Fulisay Suuq-weynaha Waaheen, Jidka wadnaha Magaalada iyo Khasaaraha ka dhashay [DAAWO SAWIRRO]

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 29 February (SLpost)- Hal qof ayaa ku dhintay Mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib Saaka dawlada hoose ee Caasimadu ka bilowday hawl-galkii ugu balaadhnaa ee ay ku Habaynayso Jidka halbawlaha ah ee  Caasimada Hargaysa isla markaana ay ku dumisay sandaqado, iyo miisaska bacadyaalka ah ee lagu iibiyo badeecado kala duwan .

Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ay baneeyeen dhammaan wixii meherado yar yar ahaa ee cidhiidhiga ku hayay jidka wadnaha ee magaaladda Hargeysa.

blankHawl-galkan waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda booliska ku soo weeraray mindiyo ilsa markaana taayiro ku gubay wadada, kuwaasi oo aakhirkiina la sheegay inay Booliska ku rideen rasaasta si ay u kala kaxeeyaan.

Duqa caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo Caawa Khadka Telefoonka ugu Waramayay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa tilmaamay in ujeedada hawlgalkani uu la xidhiidhay kor u qaadista bilicda iyo habaynta Wadada halbawlaha ah ee Caasimada Waxaanu Xusay in qorshahoodu yahay in caasimadu ay u ekaato qaab magaallo madax waxa uu Maayarku sheegay in hawlgalkan ay u sameeyeen sidii looga hortagi lahaa wax kastoo wax u dhimaya billicda Caasimada Dalka ee Hargaysa, waxaanu balan qaaday inay jidkaas si rasmi ah u wada dhamayn doonaan.

blankInjineer Xuseen Maxamud Jiciir mar uu ka hadlayay halka ay ugu talo galeen dadkan ay maanta ka rareen Suuqa Weyn ee Waaheen ayaa tilmaamay inay jiraan bakhaaro waaweyn oo ay Kiraysan karaan , iyadoo inta aan awoodina ay u qorsheeyeen sida uu yidhi goobo kale oo magaalada ah waxaanu intaas ku daray inay sameeyeen oo kale Ilaa Sadex iyo Toban Saribadood oo Magaalada ka baxsan oo dadkani ku ganacsan karaan .

Maayarku waxa uu ugu baaqay dadka leh Meheradaha ku teedsan Wadadaasi inay xil iska saaraan sidii ay wajahada meheradahooda ay  u banayn lahaayeen.

Maayarka Caasimada Injineer Xuseen Maxamud Jiciir oo aanu wax ka waydiinay inay dadkan ku ogaysiiyeen in laga rarayo Jidka hal-bawlaha ah ayaa sheegay inay dhawr jeer ku wargaliyeen sidii ay uga xamaan urursan lahaayeen wadada hareeraheeda, isagoo intaas ku daray in hawl-galkan Saaka ay qaadeen uu ka danbeeyay go’aan ay wada gaadheen gudida heerka qaran ee bilicda caasimada

blankIntaasi ka dib rasaas ay boolisku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dhalinyaradii rabashadaha sameynayay ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen sadex qof oo midi ku dhaawac dhintay cisbitaalka guud kaas oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah, sidaana waxaa galabta noo xaqiijiyay maamulka cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxay maamulka cisbitaalka guud sheegeen inay la tacaalayaan C/Raxmaan Maxamuud Maxamed oo ku dhaawacmay hawl-galkaasi.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa maanta soo dhaweeyay wadada la baneeyay, waxaanay xuseen in cidhiidhigii laga qaaday wadada badhtamaha magaaladda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories