HomeHawlgal Ciidamada RRU-du Saqdii Dhexe Ka Fuliyeen Xaafadaha Burco oo lagu qab-qabtay...

Hawlgal Ciidamada RRU-du Saqdii Dhexe Ka Fuliyeen Xaafadaha Burco oo lagu qab-qabtay dad looga Shakiyey inay maleegayeen falal Ammaan-darro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

RRU-LANDBurco (SLpost)- Ciidamada Booliska ee RRU ayaa xalay saqdii dhexe weerar Hubaysan ku soo qaaday Guriga uu ka deganyahay magaalada Burco Shiikh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Togdheer Waxaanay ciidankani si xooga ugu daateen hoyga uu deganaa sheikh siciid Axmed Jaar kuwaasi oo si xooga ugala soo baxay guriga ilaa haatana aan loo warhaynin meel ay u kaxaysteen sheekh siciid Axmed Jaar

Hawlgalkani oo socday mudo saacado ah ayaa waxay sidoo kale ciidanka RRU dy Hujuumeen Guryo kale oo ka agdhaw aqalkani laga soo qabtay sheikh Siciid Axmed Jaar kuwaasi  oo ay kala baxeen caruur 3 oo uu dhalay sheekh maxamuud Xagar kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan ay waayeen wadaadkaas laf ahaantisa ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan waxaana sidoo kale iyana jira xubno isugu jira wadaado iyo kuwa kaleba ay meelo kala duwan ka soo kala qabteen waxaanay Xalayto ay u noqotay dadwayanaha xaafadahaasi inay ka  ladiwaayeen rasaasta iyo gaalabaxa ciidankani oo hanjaado xoogan u gaysanayay haweenka iyo caruurta ku nool xaafadahaasi,

Hadaba subaxnimadii shalay mar aanu booqanay xaafada uu ka dhacay baadhitaankani ayaa waxa ay faah-faahin ka bixiyeen habka ay hawl-galkani  u fuliyeen ciidamada RRU du iyagoona sheegay in aanay ahayn wax caadi waxaanay sheegeen inay guriga dhinaca kale ay ka rogeen qaateena wixii guriga yaalay,

Dhinaca  kale taliyaha ciidanka police-ka ee gobolka togdheer gashaanle Axmed Xasan C/raxmaan (ilkacase) oo wax laga waydiiyay hawl-galkani ay habeenkii xalay ahaa ay fuliyeen ciidamada RRU ayaa tilmaamay inuu lamid yahay hawl-galadii hore ay u samayn jireen ciidanka amaanku balse buu yidhi la soo dayn-doono cidii lagu waayo danbiga lagu tuhun sanyahay

Waxaana Ilaa Haatan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay hawlgalkani maahana markii ugu horaysay ee wadaadkani ay badh tilmaameed ka dhigtaan ciidanka Booliska ee Somaliland balse badhtamihii sanadkii 2009 ayaa hawlgal noocani oo kale ahi uu sababay khasaare dhaawac ka dib markii uu wadaadkani iska difaacay weerarkaasi ciidanka booliska waxaana garnaqsi dheer oo dhex maray xukuumada iyo wadaadkani uu ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad iyadoo xiligaasna guud ahaanba danbiyadii lagu haystay wadadkani lagu waayay .Waxaana mudooyinkii ugu danbaysaba caado u noqotay ciidamadani RRU da inay mirasho ku qabqabtaan qaar kmida culimada gobolka togdheer iyo waliba dadyaw kale kuwaasi oo aan dhamaantoodba waxay galabsadeen aaanay jirin

Ugu Danbayntiina magaalada burco ayaa iyadu ah mid si wayn looga hadal hayo arimahani ay ciidamada RRU du mudooyinkii ugu danbayayba ka wadeen magaalada burco walaw ay jiraan dhaqdhaqaaq iyo abaabul xoogan ay galayaan beelaha ay ka soo jeedaan culimadani habeenkii xalay laga qabqabtay Gudaha Magaalada Burco.

Somalilandpost.net

Burco/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories