HomeHaweenku waa….….!

Haweenku waa….….!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

FaadumoHaweenku waa, hoyga nolosha waa hibo Eebbe, haddana waa  halganka  iyo hiigsiga naftaada.Waa horumarka iyo himilada adduunka. Waa hugaad huwantahay kaa ilaaliya dabaylaha iyo duufaannada xoogga badan. Waa naruurada nolosha iyo neecawda adduunka. Waa  tiirka nolosha iyo toolmoonta niyadda. Waa liibaanta adduunyo iyo liibaanta aakhiro haddana waa laf dhabarta adduunka.Waa aayaha iyo anbo qaadka nolosha.Waa qiimaha qoyska iyo quruxdaada.Waa wehelka iyo wanaagga noloshaada.Waa farxadda iyo filashada wanaagaagga. Waa wax soo saarka iyo warshadda dadka. Waa macallinka macallimiinta dhammaantood.Waa maamule, maamula hawl kasta oo la soo darista hadday mid taban iyo mid toggan tahayba. Waa  tababare, tilmaame iyo waliba taakuleeye. Haddii aanay haweeni jirin dadku may tarmeen, adduunkuna ma horumareen mana hagaageen. Haweenku waa dugsiga koowaad iyo Jaamacadda ugu danbaysa.

Haweenku cid kale ma ahee hareerahaaga ka eeg! Waa hooyaday, hooyadaa iyo hooyadood, waa habaryartay, habaryartaa iyo habaryartood. Waa ayeyday, ayeydaa iyo ayeydood. Waa  walaashay walaashaa iyo walaashood. Waa eddadday, eddaddaa iyo eddaddood. Haweenku cid kale ma ahee waa  hooyadaa oo kugu sidday caloosha sagaal billood dhib kastana kula soo martay.Way ku soo barbaarisay, haaneedkana way ku siisay. Maxay ku  xanbaartay, xanjeerkana kuu giijisay. Hurdo kuu daysay adiga awgaa. Iyadoo beerkeedu madhan yahay gaajo awgeed, cunto may cunin iyadoo ku siisa mooyee. Qayrkaa bay mar kasta  ku dhaafin jirtay kuna dhaafisaa. Way kuu dhibirsan tahay kuuna dhibir sanaan jirtay markasta waliba way  kuu  dhabar adaygtaa.

Dhabarkay kugu sidday muddo badan kaamanay daali jirin. Hadda oo la joogana wadnaheegay kugu siddaa sababtoo ah dhabarka kuguma qaadi karto oo waad ka waynaatay, haddii se la odhan lahaa ilmahaaga ku sid inta aad nooshay, way kugu sidi lahayd oo maya kumay warceliseen! Alla maxaa hooyo ka wanaagsan? Cidna. Toloow ma is leedahay hooyadaa abaalkeeda waad gudday? Maya ha ka yaabin, inaan adiga iyo aniguba gudnay abaalkeeda. Inaynu anfacnno mooyee, lagama yaabo ina aynu gudi doonno abaalkeeda.Waayo! Sababta adigaan kuu daayey.

Maxaa hadda kaa ilmaysiiyey miyaad la yaaban tahay arrintan? Maya, ha la yaabin taasi u fiirso!  Cudur kuguma nacdo, kuumanay cadhoon waligaa. Way ku jeceshahay  mar kasta, kaana jeceshay nafteeda. Kuma hiifto kumanay  habaarin waligeed. Da’ kastood tahay ilmaheedii shalay dhashay uun baad u tahay. U ducee hooyadaa markasta. Habaryartaa waa hooyadaa oo yar. Waa qofka hooyadaa kuugu soo xigta, haa marka laga yimaado hooyo. Waa qofka kaliya ee aad xasuusato hooyadaa mar kasta ood aragto iyada waayo waxaad xasuusanaysaa, dareemaysaa naxariistii  badnayd ee hooyo. Markasta waxay kuula dhaqantaa sida hooyadaa oo kale.

Haweenku waa, ayeydaa waa  qofka kaa dhex aragta ilmaheedii iyo beerkeedii  oo ah hooyadaa ama aabbahaa. Waxaad iyada u tahay sidii ilmo ay dhashay, boggeeda ayey mar kasta doontaa inay kugu hayso. cidda ku maagta adiga ama wax kuu gaysata  waa iyada cadawgeeda! Haweenku waa, walaashada kaa yar ama walaashaada kaa wayn. Garab iyo gaashaanbba way kuu tahay. Inaad  ka qurux badnaato dadka, inaad dadka ka horrayso ood ka horumarto oo haddana lagugu soo hirto  waa iyada hankeeda,himiladeeda iyo hadafkeeda. Haweenku waa, xaaskaaga ku jecel kuu diidda dhib oo dhan nafteedana  kaa jecel kula talisa markasta, cadaw oo dhan bay  haddana kaa caabisaa way ku hogo-tusaalaysaa, kuguna faanta markasta. Wax kasta ood u baahato waa gabadha kuu diyaarisa. Waa gabadha markasta kula wadaagta fool kasta oo noloshu leedahay. Waa gabadha murugoota haddaad murugaysan tahay, waa gabadha faraxda haddaad faraxsan tahay.  Ubadka aad sugayso iyo ubadkaaga sidan u quruxda badan waa gabadha kuu dhashay, kuuna barbaarisay.

Haweenku waa, Eddaddaa, waa aabbahaa walaashii. Inankoodaa ku dhalay oo aabbahaa ah. Jacaylka ay inankooda u qabto mid ka sii sal ballaadhan bay kuu haysaa kuuna hayn doontaa.

Haweenku waa, taranka. Kuu tarmaha. Kaa tarmaha. Halyey kastoo jira, soona jiray, jirina doona iyagaa haweenku ka danbeeyey, ka  danbeeya kana danbayn doona. Waa ayo se cidda igu diiddan?!

Faadumo Aadan Maxamuud (ina Buuni)

libaaxo.77@gmail.com

Hargaysa,Soomaaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories