HomeHaweenka

Haweenka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Haweenku waa hoyga nolosha, waa hibo Eebbe, haddana waa halganka iyo hiigsiga naftaada. Waa horumarka iyo himilada adduunka. Waa huga aad huwan tahay ee

kaa ilaaliya dabaylaha iyo duufaannada xoogga badan. Waa naruurada nolosha iyo neecawda adduunka. Waa tiirka nolosha iyo toolmoonta niyadda. Waa liibaanta adduunyo iyo liibaanta aakhiro haddana waa laf dhabarta adduunka. Waa aayaha iyo anbo qaadka nolosha. Waa qiimaha qoyska iyo quruxdaada. Waa wehelka iyo wanaagga noloshaada. Waa farxadda iyo filashada wanaaggaaga. Waa wax soo saarka iyo warshadda dadka. Waa macallinka macallimiinta dhammaantood. Waa maamule, maamula hawl kasta oo la soo darista hadday mid taban iyo mid toggan tahayba. Waa tababare, tilmaame iyo waliba taakuleeye. Haddii aanay haweeni jirin dadku may tarmeen, adduunkuna ma horumareen mana hagaageen. Haweenku waa dugsiga koowaad iyo Jaamacadda ugu danbaysa.

 

 

Haweenku cid kale ma ahee hareerahaaga ka eeg! Waa hooyaday, hooyadaa iyo hooyadood, waa habaryartay, habaryartaa iyo habaryartood. Waa ayeyday, ayeydaa iyo ayeydood. Waa walaashay walaashaa iyo walaashood. Waa eddadday, eddaddaa iyo eddaddood. Haweenku cid kale ma ahee waa hooyadaa oo kugu sidday caloosha sagaal bilood dhib kastana kula soo martay. Way ku soo barbaarisay, haaneedkana way ku siisay. Maxay ku xanbaartay, xanjeerkana kuu giijisay. Hurdo kuu daysay adiga awgaa. Iyadoo beerkeedu madhan yahay gaajo awgeed, cunto may cunin iyadoo ku siisa mooyee. Qayrkaa bay mar kasta ku dhaafin jirtay kuna dhaafisaa. Way kuu dhibirsan tahay kuuna dhibir sanaan jirtay mar kasta waliba way kuu dhabar adaygtaa.

 

 

Dhabarkay kugu sidday muddo badan kaamanay daali jirin. Hadda oo la joogana wadnaheeday kugu siddaa sababta oo ah dhabarka kuguma qaadi karto oo waad ka waynaatay, haddii se la odhan lahaa ilmahaaga ku sid inta aad nooshay, way kugu sidi lahayd oo maya kumay warceliseen! Alla maxaa hooyo ka wanaagsan? Cidna. Tolow ma is leedahay hooyadaa abaalkeeda waad gudday? Maya ha ka yaabin, inaan adiga iyo aniguba gudnay abaalkeeda. Inaynnu anfacnno mooyee, lagama yaabo ina aynnu gudi doonno abaalkeeda. Waayo! Sababta adigaa ayaan kuu daayey.

 

 

Maxaa hadda kaa ilmaysiiyey miyaad la yaabban tahay arrintan? Maya, ha la yaabin taasi u fiirso! Cudur kuguma nacdo, kuumanay cadhoon waligaa. Way ku jeceshahay mar kasta, kaana jeceshay nafteeda. Kuma hiifto kumanay habaarin waligeed. Da’ kastood tahay ilmaheedii shalay dhashay uun baad u tahay. U ducee hooyadaa mar kasta. Habaryartaa waa hooyadaa oo yar. Waa qofka hooyadaa kuugu soo xigta, haa marka laga yimaaddo hooyo. Waa qofka kali ah ee aad xasuusato hooyadaa mar kasta ood aragto iyada waayo waxaad xasuusanaysaa, dareemaysaa naxariistii badnayd ee hooyo. Mar kasta waxay kuula dhaqantaa sida hooyadaa oo kale.

 

 

Haweenku waa, ayeydaa waa qofka kaa dhex aragta ilmaheedii iyo beerkeedii oo ah hooyadaa ama aabbahaa. Waxaad iyada u tahay sidii ilmo ay dhashay, boggeeda ayey mar kasta doontaa inay kugu hayso. Cidda ku maagta adiga ama wax kuu gaysata waa iyada cadawgeeda! Haweenku waa, walaashada kaa yar ama walaashaada kaa wayn. Garab iyo gaashaanba way kuu tahay. Inaad ka qurux badnaato dadka, inaad dadka ka horrayso ood ka horumarto oo haddana lagugu soo hirto waa iyada hankeeda, himiladeeda iyo hadafkeeda. Haweenku waa, xaaskaaga ku jecel kuu diidda dhib oo dhan nafteedana kaa jecel kula talisa mar kasta, cadaw oo dhan bay haddana kaa caabisaa, way ku hogo-tusaalaysaa, waanay kugu faanta mar kasta. Wax kasta oo aad u baahato waa gabadha kuu diyaarisa. Waa gabadha mar kasta kula wadaagta fool kasta oo noloshu leedahay. Waa gabadha murugoota haddaad murugaysan tahay, waa gabadha faraxda haddaad faraxsan tahay.  Ubadka aad sugayso iyo ubadkaaga sidan u quruxda badan waa gabadha kuu dhashay, kuuna barbaarisay.

 

Haweenku waa, eddaddaa, waa aabbahaa walaashii. Inankoodaa ku dhalay oo aabbahaa ah. Jacaylka ay inankooda u qabto mid ka sii sal ballaadhan bay kuu haysaa kuuna hayn doontaa.

Haweenku waa, taranka: kuu tarmaha; kaa tarmaha. Halyey kasta oo jira, soona jiray, jirina doona iyagaa haweenku ka danbeeyay, ka danbeeya kana danbayn doona. Waa ayo se cidda igu diiddani!

 

 

Faadumo Aadan Maxamuud “Ina Buuni”

Email:libaaxo.77@gmail.com

Hargaysa, Soomaaliland
 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories