HomeHaweenka Sucuudiga oo markii u horeysay loo oggolaaday Codbixinta iyo Murashaxnimada Doorashooyinka...

Haweenka Sucuudiga oo markii u horeysay loo oggolaaday Codbixinta iyo Murashaxnimada Doorashooyinka dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

2014-10-09-SAUDIDRIVE2

Riyaadh(SLpost)- Haweenka dalka Sucuudiga, ayaa isu-diiwaangeliya codbixinta doorashooyinka oo ay ka qayb-qaadanayaan markii u horeysa taariikhda waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo aan haweenka loo oggolaan jirin inay wax doortaan.

Tallaabada loogu oggolaaday haweenka Sucuudiga inay helaan xuquuqda ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan, ayaa ka dambaysay ololeyaal ay xubno ka tirsan ururrada haweenka dalkaasi ka galeen sidii haweenku u heli lahaayeen xuquuqdaas, waxaanay tani suurta-galinaysay inay markii u horeysay ka qayb-qaataan doorashooyinka Dowladaha Hoose oo la filayo inay dalkaas ka qabsoomaan dabayaaqada sannadkan, iyadoo loo oggolaaday inay wax doortaan, isuna soo sharraxaan kuraasida dowladaha Hoose.

Sida uu baahiyey Wargeyska Saudi Gazette, laba dumar ah oo lagu kala magacaabo Jamal Al-Saadi iyo Safinaz Abu Al-Shamat, ayaa noqday labadii ugu horreeyey haweenka isu-diiwaangeliyey inay noqdaan codbixiyeyaasha Haweenka ah ee doorashada ka qayb-galaya, iyagoo lagu bilaabay laba xafiis oo laga furay magaalooyinka barakaysan ee Makkah iyo Maddina maalintii Axadda ee todobaadkan.

Diiwaangelinta haweenka Codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka Sucuudiga oo muddo 21 maalmood ah soconaysa, ayaa kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Haweenka dalkaasi ku tilmaameen horumar la gaadhay, balse aanay ahayn in Haween-weynaha Sucuudigu heleen xuquuqdii ka maqnayd ilaa ay helaan xuquuqo ay kaal siman yihiin ragga Boqortooyada Sucuudiga.

Boqorkii hore ee Sucuudiga Boqor Cabdallah, ayaa sannadkii 2011-kii shaaca ka qaaday in haweenka dalkiisa loo oggolaan doono inay ka qayb-qaataan codbixinta iyo murashaxnimada doorashooyinka goleyaasha deegaanka, balse markii dambe waxa uu ka noqday go’aankaas isagoo sheegay inay dumarka u oggol yihiin inta shareecada Islaamku u fasaxday.

In kasta oo haweenka Sucuudiga loo oggolaaday inay doorashooyinka ka qayb-qaataan, haddana waxa aan loo oggolayn inay kaxaystaan baabuurta, taas oo la tilmaamay inay culays dheeraad ah ku tahay haweenka murashaxiinta ah iyo kuwa ka qayb-qaadanaya codbixinta doorashooyinka Dowladaha Hoose oo ah doorashooyinka kaliya ee Boqortooyada Sucuudiga ka dhaca afartii sannaba hal mar.

Xigasho Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories