HomeHaweenka Shaqeeya VS kuwa Guryaha Jooga - W/Q: A/Fataax

Haweenka Shaqeeya VS kuwa Guryaha Jooga – W/Q: A/Fataax

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Tirada Haweenka Shaqeeyaa Intii hore Miyey ka soo badaneysaa Mise Wey ka Yaraadeen Somaliland.Ninkuse Marka uu guursanaayo Gabadha ma waxa uu ka rabaa in ay Guriga u fadhido ugana Masuul noqota Caruurta iyo Hoygiisa Mise in ay iyaduna Dhinaceeda ka shaqeysato isla markaasina Gurigii Ogaato.Ma qasabaa in Haweenkuse ay Shaqeeyaan oo ay Suuqa soo galaan una soo baxaan,Mise Waxa sax ah in Nafaqada iyo Shaqada Reerka la rabo in uu Ninku Dhabarka u rito,Haweenka Guryaha loo daayo.

Shaqada iyo Nafaqada reerku Waa Mid dusha ka saaran Raga,waana Arin ilaahey ka dulqaadey Haweenka oo aaney Aheyn in lagu qasbo ama lagula taliyo in iyaguna Dhinacooda ka shaqeeyaan.Nolosheena isbedeshay waxa laga bartey arimo badan oo Adag oo Haweenka iyo ragaba lagu arkey,Waxa la arkey Rag badan oo Dayacey farahana ka qaadey Masuuliyadii guriga iyo reerkiisa ka saarneyd,Waxa la arkey Rag badan oo Wakhtigan dhulka guud ahaan somalidu degto gaar ahaan Somaliland ka doortey in ay shaqeeyaan  Jaad iyo Qayilaad iyo Shaqo la,aan.Guryo badan Ayaa u dumey Dhibaatadaasi,Haween badan oo la dayacey ama lagu furey caruurtii ama lagaga dhintey Ayaana suuqa u soo baxey oo bilaabey Shaqooyin aaney markii hore ku talo gelin in ay Qabtaan.

Marka laga tago in Kaalintii Aabaha ee Qoysku ka baxdey Meesha, waxa Jira haween badan oo iyaga oo loo shaqeynaayo iyagu dhinaca kale doortey in ay Shaqeystaan oo Hami leh ama lacag leh ama Aqoon ay barteen ay ku dhaqaajisey Shaqada in ay u soo baxaan,Isku dayasho iyo Rabitaanka dhaqaale kale oo lagu kaabo Midka Odeyga reerka ayaana haween badan dhaxalsiisey Shaqo.Waxbarashada iyo Cilmiga maadiga ah ayaa Dhinaca kale haween badan caalamka shaqada ku ilaawey oo ay waxkasta Faraha uga qaadeen oo ay xitaa ugu guur iyo guri waayeen sidii ay ugu dhex Jireen barashadiisa iyo ku shaqeyntiisa,Waana ta Keentay in aad Aragto hablo badan oo Dhaafey Da,dii guurka oo Xitaa Shaqooyinkooda u go,ey.

Isbedelada Kale ee Dhacey lana wada Ogyahay waxa ka mid ah in laga Fekiro sidii lagu Heli lahaa Gabadh shaqeysata oo isku Filan,Ganacsata oo lacag leh ama Qurbaha ka timo oo lagu dhuufo lagana Helo Masruuf bil kasta laguu soo Diro,In haweenkii kaalintii raga ay galaan oo ay Shaqeeyaan,Guri ay leeyihiin lagu jiro,laga sugo in ay ku dhuufiso iwm Ayaa ah mid dhab ahaanti nolosha Soomaalida biyo dhigtey.Boqolaal rag ah oo ku tiirsan Shaqada iyo Masruufka haweenkooda ayaana soo baxey oo iyagu aan wax camal ah heynin ama kadoortey nolol maraadnimo.Awoodii Furiinka,Eryida iyo Niciduna waxa ay meelo badan u wareegtay Haweenka qaarkood oo kolba Go,aan ka gaadha Midka ay Fahmi waayaan ee Markii horeba Shilimaadkeeda la cunaayey.

Haweenku Ganacsi wey bilaabi karaan,Waaney Shaqeysan karaan oo Wax badan oo Diintu ay u baneysey Ayaa Jira Shaqaduna ay soo hoos geleyso.In ay waxyeelato,Maalqabeen noqoto,Shaqo sameysato Cid u diideysaa Ma Jirto,Hase ahaate waxa la isweydiinayaa Keliya Su,aalo ah in Haweenku guriga ay Joogaan mar haddii Ninkii u shaqeynaayo kuna Filan yahay,iyo in la ogaado in ilaahey Haweenka guriga u doortey oo Tarbiyada caruurta iyo Danaha guriga loo xilsaarey oo haddii ay Shaqo kaga mashquusho Tayo daro iyo Tarbiyad la,aan caruurta ahi ay ku imaneyso Qoyskii Dhisnaa.

80% Haweenka Shaqeeyaa Waa ganacsato Somaliland,Baahiyo ayaana inta badan soo saarey la xidhiidha Caruur la korinaayo.Guud ahaan Sariibadaha Caasimada 70% Haween ayaa ku ganacsada oo wax ku iibiya la xidhiidha Khudaarta iyo Hilibka.Caanaha Waxa ugu badan Haweenka oo ka ganacsada,Jaadka,Maqaaxiyaha,Cunto karinta,Dahabka,Sariflayaasha,Adhiga saylada,Dharka,Agabka la isku Qurxiyo,Dukaamada bagaashka,Dhuxusha,Koofeerada iwm  ayey ku ganacsadaan.

Hablaha iyo Haweenka Aqoontooda ku shaqeystaa wey yar yihiin Somaliland markaad eegto Tirada haweenka oo lagu tilmaamo in ay 60% gaadhayaan,Kalsooni daro iyo Haweenka oo shaqada guur ka doorbida ama aan Rabin ayaana u dheer intaasi,Dhaliisha la xidhiidha in haweenku ay shaqada ku yaryihiin laguma canbareyn karo Dawlada,waayo gabadh ka fekireysa in la guursado oo guri raadineysa oo Halkaasi ilaahey u doortey oo aan Xafiis iyo shaqo rabin yaan la odhan Hablihii shaqo la,aan ayaa wadanka ku heysata.

Hablaha Caafimaadka ku shaqeysta,Kuwa waxbarashada kale sida Macalinimo,Saxaafada,Garsoorka ,Siyaasada,Xafiisaadka dawlada iyo kuwa ururada caalamiga ah la shaqeeya ama Shirkadaha gaarka loo leeyahaya la Joogaana Wey muuqdaan Tiradoodu haba Yaraate.

Isku soo wada duub,Haweenka iyo Shaqadu waa Dood taagan oo laga fekiraayo wixii sababey,Kaalinta Haweenka ee nolosha iyo Bulshadana lama dafiraayo,Waxaana si weyn u muuqata in Haween badani ay galeen kaalintii raga,Haween badani ay wax bilaabeen oo ay aasaaseen sida shaqo,ganacsi iyo Dugsiyo wax lagu barto gaar ahaan kuwa Xirfadaha aasaasiga ah,Qiimeyntii Qofka iyo Dadnimo ayaana la dooriyey oo noqotey in la raadiyo Gabadh shaqeysata,isku filan ama guri heysata oo Qurbahana ka timaada laguna dhoofo,ama Reerkoodu ladan yahay.Waxaana la Arkey in Rag iyo dumarba, wax lagu kala fiican yahay oo ay aheyd in Midkasta iska ilaaliyo uu Qabtey.Qoysas badan ayaan u dumey Khilaaf la xidhiidha iyada oo lamaanuhu ku murmaan Mid kastaa in uu Kaalintiisii qaato.Caruur badan ayaana bulshada u soo baxdey Hooyadii iyo aabihiiba ay ka mashquuleen oo qaloocan,Haween badan oo suuqa Yimidna waxa kaga Xumaadey Dhaqankii, Xishoodkii iyo Asturnaantii Haweenka laga yaqaaney.Waa Dhibta laga dhaxley in Haweenku u shaqeeyaan.Xaamilada,Uurka iyo Culeyska iyo Fasaxa hooyanimana waa mid dumarka shaqeeya 4 ama 6 bilood dib ugu celiya guriga.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories