HomeHaweenka ay Ehel Yihiin Ragga Maxkamada Ciidamadu Xukunka ku ridday Oo Baaq...

Haweenka ay Ehel Yihiin Ragga Maxkamada Ciidamadu Xukunka ku ridday Oo Baaq U Diray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Haweenka ehelada raggii dagaalka iska-hor-imaadka hubaysani Hargeysa ku dhex-maray ciidanka qaranka ee maxkamada ciidamadu dilka iyo xabsi daa’imka ku xukuntay, ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday inay uu hoos ugu dhaadhaco dhacdadii dhacday iyo arrimaha xaqiiqiga ah ee jira, isla markaana waxay ku baaqeen in tacaddiga laga daayo oo wixii jira wada-hadal iyo baadhitaan lagu dhammeeyo.

Sidan-na waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen arrimo badan oo la xidhiidha sidii ay dhacdadu u dhacday iyo xukunkii maxkamaddu ku qaaday dadkaas.

blankUgu horrayn waxa halkaa ka hadashay Ayaan Axmed Baashe oo ah musharraxad ka tirsan xisbiga UDUB una taagan doorashada golaha deegaanka; “Aniga oo ku hadlaaya afka dadkii beeraha lahaa, aniga oo ku hadlaaya bahweynta UDUB waxa aan u soo jeedinayaa madaxweynaha Somaliland inuu awooddiisa dastuuriga ah ku soo farageliyo dhibaatadaa weyn illayn madaxweynaha shacanka Somaliland ayaa doortee.” Ayay tidhi Ayaan Axmed.

blankWaxay intaa raacisay oo ay tidhi; “Madaxweynaha waxaanu leenahay shacabkii ayaanu nahay oo tabasho ayaanu muujinaynaa, tacadiga faraha badan ayaanu diidaynaa, waxa aanu ilaalinaynaa nabadda. Madaxweynaha waxa aanu leenahay nabad ayaanu soo jeedinaynaa. Xukuumayaddii Rayaale dhibaato noocan oo kale ahi Somaliland kamay dhicin. Waxaan tacsiyaynayaa askartii qaranka iyo raggayadii dhintay. Nabadda waanu jecel nahay oo haddii nabad la waayo Somaliland ayaa la waayayaa, wixii Somaliland duminaya waanu diidaynaa. Madaxweynaha Somaliland waxaan leeyahay beeshani waa beeshii sallaanka nabadda Somaliland, sallaankii nabadda Somaliland haddii uu jabo Somaliland way jabaysaa. Madaxweynaha waxaan leeyahay hoos noo eeg oo tabashadayada eeg.”

blankMaryan Ismaaciil oo iyaduna shirlkaa jaraa’id ayaa sheegtay in xukunkii maxkamaddu ku ridday raggaas ay uu ahaa xukun tacaddida oo lagu degdegay, iyada oo madaxweynaha fariintan u dirtay; “Madaxweynaha waxaanu kaa codsanaynaa meesha la isku haystaa waxay kuu jirtaa 10 KM ee haddii aad fadhido kac, haddii aada jiifto toos oo soo eeg laba tallaabo ayay kuu jirtaaye oo na qanci haddii aanaan xaq u lahayn, na qanci haddii ay dawladdu ka maarmi la’ dahay. “Ayay tidhi Maryan Ismaaciil.

Waxa iyaduna halkaa ka hadashay Hooyo Aamina Xasan Raage oo sheegtay inay kula dhalatay meesha shaqaaqadu ka dhacay ee ciidanku degan yahay, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa; “Beerahan la leeyahay waa Soodaanta lix awaw ayaanu ku lahayn oo saddex ilmaadeera ayaa lahaa waa Nuur Diiriye, Xasan Raage iyo Geelle Ducaale. Anigu dadkii ku dhashay ayaan ahaa. Raggan la laynayo ee lagu dilay ee la leeyahay waxa ay soo weerareen xeradii Soodaanta ee lagu sheegayo ciidan beeleedka maaha ciidan beeleed ee waa raggii beerta lahaa. Waxaanu leenahay madaxweyne hoos ha loo eego.” Ayay tidhi Hooyo Aamin Xasan Raage.

Waxa kale oo iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay Khadra Axmed Qooblaw, Sucaad Axmed Iimaan, Sahra Maxamed, Hibo Warancadde iyo Aamina Maxamuud Sheekh oo dhammaantood iska daba maray in loo baahan yahay in xaqiiqiqa loo xalliyo dhibta ka taagan goobta lagu muran sanyahay ee dawladuna leedahay waa xero ciidan, dadkuna ku doodayana inay yihiin beero ay leeyihiin oo waqti hore laga dhacay.

Waxa kale oo ay dhaliileen xukunka degdegga ah ee maxkamadda ciidamadu ku riday raggii iska-hor-imaadku xeradaas ku dhexmaray askarta ciidanka qaranka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin ilaalinta iyo dhawrista nabadgelyada, isla markaana tixgelinayaan go’aannada madax-dhaqameedkooda.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories