HomeHaweenay Soomaaliyeed oo isu taagtay xilka Madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO)

Haweenay Soomaaliyeed oo isu taagtay xilka Madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Geneva (SLpost)- Haweenay Soomaaliyad ah una dhalatay dalka Kenya oo wakhtigan madax ka ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP) oo lagu magacaabo Aamina Maxamed, ayaa soo bandhigay damaceeda hoggaamineed ee Ururweynaha Ganacsiga Adduunka ee World Trade Organisation (WTO).

Aamina Maxamed oo 26 sanno ah ku soo jirday hawlaha dibloomasiyadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay oo shalay ka hadashay shir ku qabsoomay xarunta ururka WTO ee magaalada Geneva, ayaa sheegtay in ay u taagan tahay xilka Madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka, iyadoo sheegtay in ay leedahay khibrad iyo aragti dheer oo u sahlaysa inay qabato xilka Hoggaanka ugu sarreeya ururka Ganacsiga Adduunka.

Amina MohamedMarwo Aamina waxa ay sheegtay in ay ka soo shaqaysay qayb kasta oo nolosha aasaasiga ah sida iyadoo qayb ka ahayd dhismaha dastuurka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, hawl-gallada goobaha goobaha khatarta amni ka jirto ilaa ay ka gaadhay inay noqoto kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhinaca deegaanka.

Musharaxnimada Aamina Maxamed ayaa noqonaya mid taariikhda baal dahab ah ka galaysa haddii xilkaas loo doortay, iyadoo noqonaysa qofkii isir ahaan ka soo jeeda qoomiyadda Soomaalida ee jagada heerkaas caalamiga ah u hanqal taagta.

Haweenaydan oo ka mid tahay saddexda xubnood ee midkood la filayo inuu xilkan ku guulaysto, ayaa qaban doonta xilka madaxweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka oo awood badan ku leh dunida, kaas oo xataa ka awood sarreeya Baanka adduunka iyo haayadda lacagta adduunka ee IMF (International Monetary Fund).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories