HomeHaweenay Maraykan Muslimad Ah Oo Haysa Jidkii Halyeygii Malcolm X

Haweenay Maraykan Muslimad Ah Oo Haysa Jidkii Halyeygii Malcolm X

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Washington (SLpost)- Wargeyska New York Times ayaa dhowaan qoray warbixin uu kaga waramayo, Linda Sarsuur oo ah haweenay Maraykan muslima ah oo uu wargeysku xaqiijiyey in ay guulo muhiim ah u soo hoysay muslimiinta magaalada New York ee dalka Maraykanka, dad badanina ay aaminsan yihiin in ay doorashooyinka soo socda ka mid noqon doonto xildhibaannada golaha deegaanka ee magaalada New York.

Sarsuur oo uu dhalay soo-galooti Falastiini ahaa, da’deedu waa 35 sano jir, waxa aanay warbixintu sheegtay in ay tahay shakhsi mashquul ah oo jadwalkeedu mar kasta buuxo, kuna adag tahay in inyar oo waqtigeeda ka mid ah si shakhsi ah ugu raaxaysato ama danaheeda gaarka ah raacato, u dhaq-dhaqaaqisteeda firfircoon ee arrimaha bulshadu ay maskaxda ku soo celinayso xusuusta halyeeyadii waaweynaa ee u doodi jiray xuquuqda madaniga ah ee dadka Maraykanka sida Malcolm X iyo Martin Luther King. Tusaale ahaan Marwo Linda waxa ay kaalin mug leh ku lahayd dadaalkii sababay in la furfuro qayb weyn oo ka mid ah barnaamijkii ay booliiska New York ku basaasi jireen isgaadhsiinta ay isticmaalaan muslimiinta magaaladu, waxa ay golaha deegaanka ee magaalad si dhow ugala shaqaysay samaynta iyo ansixinta xeerkii dhowaan soo baxay ee dhigayey in labada ciidood ee Muslimiinta (Al-adxa iyo Al-Fitri) laga dhigo laba fasax oo rasmi ah oo ay dugsiyada magaalada New York xidhan yihiin.

Linda waxa ay agaasimaha fulinta u tahay dalladda Carabta Maraykanka ee magaalada New York oo ah haayad samofal, waxa kale oo ay u-dhaq-dhaqaaqdaa arrimo la xidhiidha siyaasadda, soo-galeetiga, diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, ka hortagga xabsi-wadareedka, saska laga qabo Islaamka iyo siyaasadda booliiska ee ay sida macno-darrada ah ee aan loo aabbo yeelin u baadhayaan dadka.

Muslimiinta magaalada New York waxa ay ka kooban yihiin isirro kala duwan, sida Carabta, Eeshiyaanka iyo Afrikaan, laakiin warbixintani waxa ay ilayska ku shidday arrin muhiim ah oo ay u aragto in ay sabab u tahay soo shaac bixidda Linda oo ka mid noqotay codadka tirada yar ee laga maqlo muslimiinta. Waxaana ka mid ah Linda Sarsuur oo iska ilaalisay in ay ku dhex milanto ka hadalka qadiyadaha u gaarka ah dadka ay isku diinta yihiin, balse waxa ay dhaq-dhaqaaqeeda iyo difaaceeda si guud u gaadhsiisay xuquuqda madaniga ah ee dad badan oo diimo kala duwan haysta, sida maxaabiista, dadka isir-cooda lagu sameeyo iyo dumarka iyada oo aan eegayn midabkooda iyo diintooda midna.

Waxa ay si qoto dheer u sii gudo gashaa difaaca Maraykanka madow, illaa ay gaadhay heer ay caan ku noqoto hal-ku-dhegga ah, “Nolosha madowgu waa muhiim” Bishii April ee sannadkan waxa ay soo abaabushay dibad bax ahaa socod laga bilaabayo New York oo lagu tegayo Washington si loo xuso dadkii madowga ahaa ee dhowaan waqtiyo kala duwan ku dhintay gacanta booliiska Maraykanka.

Waxa kale oo ay agaasintay ol’ole qaadhaan ururin ah, oo ay ku guulaysatay in ay ururiso lacag dhan boqol kun oo doolarka Maraykanka si loogu isticmaalo dib u dhiska kaniisad Maraykanka madow ku cibaadaysan jireen oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka South Carolina, taas oo la gubay kadib markii nin Maraykan caddaana ahi uu rasaas ku furay dad ku cibaadaysanayey oo ahaa madow.

Si kastaba ha ahaato ee haddana Linda Sarsuur kuma ay badbaadin dhaq-dhaqaaqeedan oo waxaa durbadiiba soo baxay dad naqdiya barnaamijkeeda iyo kaalinta ay bulshada ku dhex leedahay. Dadkaas oo isugu jira muslimiin iyo kuwo aan ahaynba, waxaana ka mid ah Pamela Geller oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada laakiin caan ku ah Islaam nacayb iyo Diibi Al-Muntasir oo ah muslimad madax ka ah urur lagu magacaabo Shabakadda Bulshada Islaamiga ah.

Geller oo naqdiyeysay Linda waxaa hadalkeeda ka mid ahaa, “Waa hoggaamiye Muslimad ah oo colaad u haysa Yuhuudda” Halka Diibi Al-Muntasir ay ka xaqirtay sida ay hawlaheeda u waddo Linda, sheegtayna in sababta uu codkeedu u soo shaac baxay ee loo maqlay ay tahay keliya Linda oo ah gabadh aan lahayn wax kale oo badan oo ay ku mashquusho, sidaa awgeed fursad u heshay in ay subaxdi waraysiyo kaga qayb gasho barnaamijyada talefishannada. Waxa aanay ku doodday in soo shaac bixidda Linda Sarsuur ay dabooshay codad Islaamiya oo ay sheegtay in ay qiimo lahaayeen, balse iyada darteed u waayeen culayskii ay yeelan lahaayeen.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories